top of page

Golaha Guurtida: Tiir Dimuqraadiyad Mise Caqabad?

Golaha Guurtida wuxuu ahaa laf-dhabarta nabadda Somaliland, balse maanta wuxuu noqday su’aasha ugu weyn ee hortaagan mustaqbalka dimuqraadiyadda iyo dawladnimada casriga ah.

Golaha Guurtida (House of Elders) wuxuu leeyahay taariikh gaar ah oo aan laga heli karin dalal badan oo Afrikaan ah. Waxaa la aasaasay xilli dalku ka soo kabanayay burbur, dagaal sokeeye, iyo kala daadsanaan bulsho. Shirkii qaran ee Boorama 1993, odayaasha dhaqanka ayaa noqday laf-dhabarta heshiisiinta, dejinta colaadaha, iyo dhismaha nidaam dawladnimo oo ku dhisan is-afgarad. Go’aankii lagu siinayay Guurtida kaalinta gole sare iyo garsoore dhaqan wuxuu ahaa mid waaqici ah xilligaas, maadaama aanay jirin hay’ado dawli ah oo bisil, doorashooyin suurtagal ahna aanay jirin.


An image depicting the state of Democracy in Somaliland: House of Elders

Hase yeeshee, wixii markaas xal ku meel gaadh ah ahaa ayaa maanta isu beddelay mushkilad qaran oo joogto ah. Sida uu qabo dastuurka Somaliland, muddada Golaha Guurtidu waa lix sano, balse tan iyo 1993-kii mar keliya lama qaban wax doorasho ah oo lagu cusboonaysiinayo xubnaha. Muddo 33 sano ah, Guurtidu waxay ku joogtay awood aan ka iman rabitaanka dadweynaha, taas oo si tartiib ah u beddeshay hay’addii dhaqanka ku salaysnayd una rogtay mid u dhow dhaxaltooyo siyaasadeed. Xaaladda maanta taagan, kuraas ka mid ah Golaha Guurtida waxaa fadhiya carruur ama awlaad ay ka tageen odayaashii asalka ahaa, iyada oo aan jirin hannaan cad oo sharci ah oo taas fasaxaya ama nidaaminaya.


Arrintani waxay si toos ah u taabanaysaa mabaadi’da dimuqraadiyadda Somaliland. Hal dhinac, Golaha Wakiillada—aqalka hoose—waxaa lagu doortaa doorashooyin toos ah, muran leh mararka qaar, balse ugu yaraan ku dhisan cod dadweyne. Dhinaca kale, Guurtidu waa gole leh awood sharci iyo mid siyaasadeed, balse aan lahayn wax mas’uuliyad dadweyne ama xisaab-celin. Is-barbar-dhiggaasi wuxuu abuuraa su’aal aasaasi ah: sidee gole aan marna la dooran ugu yeelan karaa awood ka sarreysa gole ay dadku doorteen?


Awoodda ugu muranka badan ee Guurtidu leedahay waa tan ku saabsan kordhinta muddo-xileedyada. Si joogto ah, Golaha Guurtidu wuxuu u kordhiyay muddada madaxweynaha, Baarlamaanka, iyo xitaa isaga qudhiisa. Madaxweynaha Somaliland muddadiisu dastuur ahaan waa shan sano, balse ku dhowaad dhammaan madaxweynayaashii soo maray ayaa helay kordhin. Kordhinnadaas, inkasta oo mararka qaar lagu sababeeyo duruufo amni ama farsamo, haddana waxay noqdeen caado siyaasadeed oo wiiqday kalsoonida nidaamka dimuqraadiyadeed. Halkii Guurtidu ka ahaan lahayd ilaalinta jadwalka dastuuriga ah, waxay isu beddeshay hay’adda ugu weyn ee jebisa.


Taasi waa halka ay ka dhalatay aragtida adag ee maanta sii xoogaysanaysa: in Guurtidu ka soo wareegtay doorkeedii “nabadeeye” una gudubtay waxa qaar ku tilmaamaan “nabar furan” ama “caaryada ku faaftay dimuqraadiyadda Somaliland.” Erayadan waa kuwo culus, balse waxay ka tarjumayaan niyad-jabka bulshada, gaar ahaan dhalinyarada, oo dareemaya in mustaqbalkooda siyaasadeed lagu haysto gole aan la dooran, aan la cusboonaysiin, kana madax bannaan rabitaanka shacabka.


Si kastaba ha ahaatee, dooddu ma aha in Guurtida la baabi’iyo. Taasi ma aha mid macquul ah, mana aha mid waafaqsan xaqiiqada bulshada Somaliland oo weli qiimo weyn siisa dhaqanka iyo doorka odayaasha. Su’aasha saxda ahi waa: sidee loo waafajin karaa Guurtida iyo dimuqraadiyad casri ah? Sidee loo ilaalin karaa doorkeeda dhaqameed, iyada oo aan la dhaawacayn mabda’a codka shacabka?


Xalka ugu macquulsan waa in la helo hannaan doorasho ama cusboonaysiin oo gaar ah, kana duwan kan Golaha Wakiillada. Tani waxay noqon kartaa doorasho dadweyne oo xaddidan, ama nidaam ay beeluhu si rasmi ah u soo magacaabaan odayaal muddo cayiman u fadhiya. Waxa kale oo la dejin karaa shuruudo da’ iyo xil-hayn ah, si looga hortago in Guurtidu noqoto gole cimri-dherer ah. Waxa ugu muhiimsan waa in laga qaado awoodda ay isku kordhin karto muddada, maadaama taasi tahay is-khilaaf sharci iyo akhlaaqeed.


Haddii Somaliland doonayso inay sii haysato sumcadda ay ka heshay dunida—dal dimuqraadi ah oo ka duwan deriskiisa—waa in ay si daacad ah u wajahdaa arrinta Guurtida. Dimuqraadiyaddu ma istaagi karto iyadoo tiir ka mid ahi qudhmay. Golaha Guurtida wuxuu weli yeelan karaa door sharaf leh oo taariikhi ah, balse kaliya haddii dib loo habeeyo, loo cusboonaysiiyo, loogana dhigo hay’ad la jaanqaadaysa qarniga 21aad.


Mustaqbalka Somaliland kuma badbaadi karo xusuus hore oo keliya; wuxuu u baahan yahay hay’ado sharci, hufan, oo ay dadku kalsooni ku qabaan. Guurtidu waa in ay noqotaa qayb ka mid ah xalka, ee aanay noqon caqabadda ugu weyn ee horumarka dimuqraadiyadeed.

bottom of page