Ganacsiga Natiijada: Sida Wasaaradda Waxbarashadu Ugu Gacan-gelisay Telesom Macluumaadka Ardayda Somaliland
- A Gallaydh Editorial

- Aug 26
- 3 min read
Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, iyada oo kaashanaysa Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, ayaa si rasmi ah u shaacisay natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe, kuwa sare iyo dugsiyada farsamada gacanta. In ka badan 42,500 oo arday ayaa sannadkan u fadhiistay imtixaanka, taas oo ah tiradii ugu badnayd taariikhda Somaliland marka loo eego ardayda u fadhiisata imtixaannada qaranka. Hase yeeshee, farxadda iyo sugitaanka natiijada waxa hadheeyay nidaam cusub oo ganacsi laga dhigay, kaas oo ardayda iyo waalidiinta ku qasbay in ay bixiyaan lacag si ay u ogaadaan dhibcihii ay keeneen.

Culeyska Dhaqaale iyo Macaashka Shirkadda
Sida caadada ah, ardayga reer Somaliland waxa fuula culeys dhaqaale oo is-biirsaday inta uu ku jiro geeddi-socodka waxbarashada. Ardaygu waxa uu bixiyaa lacagta diiwaangelinta imtixaanka, aqoonsiga (ID card) uu imtixaanka ku gelayo, buugaagta, gaadiidka, iyo ugu dambayn shahaadada rasmiga ah marka uu qalin-jabiyo. Sannadkan, arrimaha ku cusub nidaamka waxa ka mid ah in ardaygu uu bixiyo $0.40 (U dhiganta Labaatan Kun oo shilin) si uu natiijadiisa uga eegto adeegga shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom.
Xogta rasmiga ah ayaa muujinaysa in 16,119 arday ay ka qalin-jebiyeen dugsiyada sare, 26,116 ardayna ay dhammaysteen dugsiga dhexe, halka 860 arday ay ka baxeen dugsiyada farsamada gacanta. Isku-geynta tiradan ayaa muujinaysa in shirkadda Telesom ay maalin gudaheed macaash gaadhaya $17,238 (Toddoba iyo toban kun, laba boqol iyo siddeed iyo soddon doolar) ka samaysay eegista natiijada oo keliya.
Hore wasaaradda waxbarashada Somaliland waxa ay xogta ardayda siin jirtay shirkadaha isgaadhsiinta, balse lacag laguma xidhi jirin ogaanshaha natiijada, taas oo ka dhigaysa tallaabadan cusub mid toos u taabanaysa jeebka waalidiinta mar horeba la daalaa-dhacayay nolosha adag.
Mashruuc Lacag-urursi iyo Awood-darrada Wasaaradda
Falanqeeyeyaasha tignoolajiyadda iyo xogta ayaa ku doodaya in shaqada ay shirkaddu qabatay aanay ahayn mid adag oo mudan in bulshada laga qaado canshuur dadban. Wasaaradda waxbarashada ayaa xogtii ardayda oo dhammaystiran (Database) si toos ah u siisay shirkadda. Shaqada kaliya ee Telesom ay qabatay waa isku-dubbaridka xogtaas (Data Entry iyo Database Management) si ardaygu fariin ahaan ugu helo.
Dunida casriga ah ee maanta, maaraynta xogta noocan ah waa arrin aad u fudud oo aan u baahnayn in loo gacan-geliyo shirkad dibadeed. Xitaa diiwaangelinta iyo xog-gelinta waxa si fudud loogu samayn karaa aaladaha sirdoonka macmalka ah (AI) iyo barnaamijyada sawirka qoraal u beddela (OCR), kuwaas oo daqiiqado gudahood kumanaan waraaqood oo imtixaan ah ugu beddeli kara xog kombiyuutar. Nidaamkani waxa uu u muuqdaa mid shirkaddu ay kaga faa'iidaysanayso aqoon-darrada iyo tignoolajiyad-la'aanta wasaaradda, isaga oo u eg mashruuc lacag-urursi ah oo qaawan.
Tallaabadani waxa ay si cad bannaanka u soo dhigtay aragti-la'aanta iyo awood-darrada farsamo ee ka jirta Wasaaradda Waxbarashada iyo Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka. Dalalka horumaray iyo kuwa soo korayaba, natiijada imtixaannada qaranka waxa lagu daabacaa bogagga rasmiga ah ee dawladda, ama waxa lagu baahiyaa baraha bulshada ee wasaaradaha si waalidka iyo ardaygu ay si bilaash ah ugu eegtaan. In xog qaran oo noocan ah lagu wareejiyo shirkad gaar loo leeyahay, laguna xidho lacag, waxa ay meesha ka saaraysaa madax-bannaanidii iyo mas'uuliyaddii dawladnimo. Wasaaraddu waxa ay u dhaqantay sidii xafiis xog-uruurin ah oo xogta macmiilka u gudbiya shirkadaha isgaadhsiinta, halkii ay ka ahayd hay'addii ilaalinta hantida iyo danta ardayga.
Talo-soojeedin iyo Qorshaha Mustaqbalka
Si looga gudbo dhibaatadan, loo ilaaliyo xogta muwaadiniinta, loona dhiso nidaam dawladeed oo hufan, waa in Wasaaradda Waxbarashadu qaaddaa tallaabooyinkan:
Dhismaha Bog Qaran oo Madax-bannaan:Ā Waa in wasaaraddu hirgelisaa nidaam xogeed (Database Portal) oo si gaar ah u leh Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, kaas oo arday kastaa uu si bilaash ah ugu eegan karo natiijadiisa iyo shahaadadiisa isaga oo adeegsanaya lambarkiisa imtixaanka.
Dhisidda Awoodda Farsamo (IT Capacity):Ā Waa in Xafiiska Imtixaanaadka Qaranku uu shaqaaleysiiyaa khubaro dhinaca tignoolajiyadda ah oo awood u leh maaraynta, kaydinta, iyo ilaalinta xogta ardayda, si looga maarmo shirkado dibadeed iyo faragelin ganacsi.
In La Joojiyo Lacagaynta Adeegyada Aasaasiga ah:Ā Waa in xukuumaddu soo saartaa wareegto mamnuucaysa in shirkadaha isgaadhsiintu ay lacag ku xidhaan helitaanka xogta dawladda, maadaama xogtaasi ay tahay hanti qaran oo bulshadu leedahay.
Isticmaalka Tignoolajiyadda Casriga ah:Ā Wasaaraddu waa in ay la jaan-qaaddaa casriga oo ay adeegsataa barnaamijyada sirdoonka macmalka ah (AI) iyo nidaamyada (Data Digitization) si xogta ardayda loogu kaydiyo si dhakhso ah oo kharash yar.
Ugu dambayn, xuquuqda helitaanka macluumaadka waxbarashada waa mid ka mid ah xuquuqaha asaasiga ah ee muwaadinka, mana aha in laga dhigo badeecad ganacsi oo saameynaysa ardayda ugu danyarta ah ee qaranka.



