top of page

Sida Ku-mashquulidda Xad-dhaafka Ah Ee Dhibcaha Imtixaanaadku U Dhaawacdo Nuxurka Waxbarashada

Translated By: Gallaydh Editorial Team


Dugsiyo badan oo maanta jira, dhibcaha imtixaannadu waxay noqdeen in ka badan uun halbeeg lagu cabbiro heerka waxbarasho ee ardayga; waxay isku beddeleen ujeeddadii waxbarashada lafteeda. Beddelkii ay ardaydu isweydiin lahaayeen "Maxaan bartay?", waxay u badan yihiin in ay isweydiiyaan "Maxaan helay?". Aragtidan maskaxeed waa mid si qoto dheer looga walwalo. Marka ardaydu ay si xad-dhaaf ah ugu mashquulaan dhibcaha sare, barashadii dhabta ahayd dib ayay u dhacdaa. Haddii ujeeddada dugsiyadu ay tahay in ay beeraan xiise, faham iyo korriin maskaxeed, danaynta xad-dhaafka ah ee dhibcuhu waxay si aamusan u burburinaysaa hadafkaas.


Discover why the obsession with high grades is destroying the essence of education.

Waa Maxay Ku-mashquulidda Xad-dhaafka ah ee Dhibcuhu?

Ku-mashquulidda dhibcaha waxaa lagu qeexi karaa "fiiro gaar ah ama xooggan oo la saaro natiijooyinka ama dhibbcaha, loo na arko cabbirka keli ah ee guulaha waxbarasho" (Romanowski, 2004). Kani ma aha uun in ardaygu uu doonayo in uu natiijo fiican keeno. Ma jiro wax dhib ah oo ku jira in qofku uu yeesho himilo, edbin ama uu ku dadaalo dhibco heer sare. Dhibaatadu waxay bilaabataa marka dhibcuhu ay noqdaan diiradda keliya ee nolosha waxbarasho ee ardayga, ama midda ka sii daran, marka ay noqdaan halbeegga lagu cabbiro qiimihiisa nafeed.


Fasallada dhexdooda, dabeecaddani waxay inta badan u muuqataa qaabab la garan karo: ardayda oo isku aqoonsata natiijooyinkooda, sida in qof lagu tilmaamo "ardayga A-da wada keena", ardayda oo u doorta koorsooyinka sida ay u fududahay in dhibco sare laga helo, ardayda oo macallimiinta kula murma dhibcooyin ama natijadda la siiyay, iyo ardayda oo ka fogaada su'aalaha ama hawlaha yara adag cabsi ay ka qabaan in ay qaldaan. Xaaladaha ugu darran, waxay dhiirrigelin kartaa in ardaygu uu raadiyo waddooyin gaagaaban sida in uu wax qishiyo.


Sidaas darteed, maxay dhibaatadani u noqotay mid baahsan? Qayb ka mid ah jawaabta ayaa salka ku haysa sida dabiiciga ah ee dadku ay uga falceliyaan waxyaabaha dhiirrigelinta ah. Cilmi-nafsiga Carl Rogers ayaa ku dooday in aadanuhu u janjeedho in uu diiradda saaro wixii gacan ka geysanaya ilaalinta ama ka faa'iidaysiga naftiisa. Si kale haddii loo dhigo, dadku waxay waqti iyo tamar geliyaan wixii ay aaminsan yihiin in ay guul gaadhsiinayaan. Marka la eego xaaladda Somaliland, dhibcaha sare waxay inta badan fure u yihiin deeqaha waxbarasho, aqbalaadda jaamacadaha iyo fursadaha waxbarasho ee dibadda. Arday badan, fursadahani waxay u furaan albaabada shaqooyin xasiloon iyo horumar dhaqaale. Xaaladahaas marka la eego, waa wax la fahmi karo in dhibcuhu ay noqdaan mudnaanta koowaad.


Balse in wax la fahmi karo, macnaheedu ma aha in aanay dhib lahayn.

Khatarta Dhaawacaysa Barashada Dhabta Ah

Khatartu waxay bilaabataa marka dhibcuhu ay iska daayaan in ay noqdaan qalab lagu cabbiro aqoonta, balse ay iyagu isku beddelaan ujeeddada kama dambaysta ah. Ardayda sida xad-dhaafka ah u daneeya dhibcuhu inta badan ma daneeyaan in ay si qoto dheer u fahmaan casharrada, balse waxay ka welwelaan in ay xifdiyaan inta ku filan si ay imtixaanka uga soo baxaan.


Waxay noqdaan kuwo xeeladaysta intii ay si dhab ah uga qaybqaadan lahaayeen waxbarashada, iyaga oo isweydiiya "maxaa imtixaanka ku jira?" beddelkii ay isweydiin lahaayeen "maxaa mudan in la barto?". Fikirka noocan ahi wuxuu soo saari karaa natiijooyin imtixaan oo aad uu sareeya, laakiin daruuri ma aha in uu soo saaro arday fakari kara, awood leh ama isku filan.


Danaynta xad-dhaafka ah ee natiijooyinku imtixaanaadku waxay sidoo kale hoos u dhigtaa dhiirranaanta fahamka. Barashada dhabta ahi waxay timaadaa marka uu jiro halgan aqooneed. Waxay u baahan tahay jahawareer, khaladaad la sameeyo, dib u eegis iyo adkaysi. Hase yeeshee, marka ardaydu ay ka baqayaan in caqabad kastaa ay hoos u dhigi karto natiijadooda guud ee GPA-da ama imtixaanka, waxay gabi ahaanba ka fogaadaan wixii ku yara adag. Halkii ay soo dhaweyn lahaayeen wax ku cusub ama isbedel, waxay ku ekaadaan xuduudaha wixii ay u arkaan in ay ammaan yihiin oo ay kalsooni ku qabaan. Tani waxay soo saartaa arday laga yaabo in ay yaqaaniin sida waxbarashada loogu guulaysto, laakiin aan ka gudbi karin hubanti la'aanta, caqabadaha iyo guuldarrada, kuwaas oo dhammaantood lagama maarmaan u ah waxbarashada iyo nolosha dhabta ah.

Burburka Xidhiidhka Iyo Saamaynta Nafsiga Ah

Khasaaruhu intaas kuma eka. Dhaqanka dugsiyada ee salka ku haya dhibcaha wuxuu wiiqaa xidhiidhka ka dhexeeya ardayda. Beddelkii ay u arki lahaayeen ardayda ay isku fasalka yihiin kuwo ay waxbarashada iska kaashadaan, waxay bilaabaan in ay u arkaan in ay yihiin kuwo ay ku tartamayaan. Wax kastaa waxay isku beddelaan olole lagu raadinayo qofka ugu fiican, qofka ugu caqliga badan, ama qofka ugu sarreeya fasalka. Deegaankaas dhexdiisa, is-taageeridda, wada-korriinka iyo jacaylka dhabta ah ee waxbarashada waxaa si fudud u beddela isbarbardhig, kalsooni darro iyo cadaadis.


Malaha qaybta ugu xanuunka badan ayaa ah dhaawaca shucuureed iyo kan nafsiyeed ee ka dhasha arrintan. Marka ardaydu ay shakhsiyaddooda si aad ah ugu xidhaan bandhiggooda waxbarasho, dhibcuhu waxay bilaabaan in ay qaabeeyaan sida ay isku arkaan. Dhibic hoose mar dambe lama dareemo in ay tahay jawaab celin lagu saxayo qaladaadka, balse waxaa loo dareemaa guuldarro shakhsiyeed. Waqtiga ka dib, tani waxay kordhin kartaa walwalka, isku-buuqa iyo isku-kalsooni darrada. Waxay baabi'in kartaa is-qadarinta, waxayna abuuri kartaa aaminsanaan khatar ah oo ah in qiimaha qofka bini'aadamka ahi uu kor u kaco ama hoos u dhaco iyada oo lagu salaynayo lambar ku qoran warqadda natiijada dugsiga. Kani waa culeys aad ugu weyn in uu xanbaaro arday kastaa.

Maxaa Xal Ah?

Haddii la doonayo in wax laga qabto dhibaatadan, tallaabada ugu horraysa waa mid aad u fudud: waa in aynu qirnaa in dhab ahaan, ay tahay dhibaato. Inta badan, ku-mashquulidda dhibcaha waa la bogaadiyaa ama si khaldan ayaa loogu arkaa dhab-u-qaadasho waxbarasho. Laakiin ardayga ay maskaxdiisa la wareegeen raadinta dhibcuhu, qasab ma aha in uu yahay mid horumar samaynaya. Hadda iyo wixii ka dambeeya, maamulayaasha dugsiyada iyo macallimiintu waa in ay sameeyaan dadaal miyir qaba oo ay kula dagaallamayaan dhaqankan. Dugsiyadu waxay u baahan yihiin in ay bixiyaan farriin cad oo ah in waxbarashada,ujeededda ugu muhiimsan aanay ahayn oo keliya kala-sarraynta natiijooyinka, ay tahay ujeeddada dhabta ah ee dugsiga.


Tani waxay sidoo kale ka dhigan tahay in dib u eegis lagu sameeyo qaar ka mid ah dhaqamada iyo farriimaha si aan ula kac ahayn u sii hurinaya dabeecaddan. Ardayda ma waxaa lagu abaalmariyaa oo keliya dhibcaha sare, mise waxaa sidoo kale lagu abaalmariyaa dadaalka, horumarka, xiisaha iyo adkaysiga? Ma loo qaabeeyay fasallada siyaabo dhiirrigelinaya faham qoto dheer, mise waxaa lagu saleeyay oo keliya ka bixidda imtixaannada? Kuwani waa su'aalo ay tahay in dugsiyadu ay si daacad ah u wajahaan.

Dhanka kale, waalidiinta iyo bulshada weyni waa in ay qayb ka noqdaan wadahadalkan.


Dugsiyadu keligood ma xallin karaan dhibaatadan haddii ardaydu ay sii wadaan in ay guriga iyo bulshadaba ka helaan farriinta ah in natiijada imtixaanku ay tahay wax walba.

Waalidiintu waxay si gaar ah u leeyihiin door aad u awood badan oo ay ku qaabeeyaan sida carruurtu u arkaan guusha. Marka xoogga la saaro kaliya dhibcaha, qiimaynta iyo is-barbardhigga, ardaydu waxay aaminaan in qiimahoodu uu ku xidhan yahay shuruudo. Haddii aan dhab ahaan u doonayno in aan gaadhno natiijooyin waxbarasho oo caafimaad qaba oo macno leh, waa in aan iska kaashanaa sidii aan guusha dib ugu qeexi lahayn si ballaadhan.


Nuxur ahaan, dugsigu wuxuu ku talagal yahay in uu noqdo meel wax lagu barto. Taasi waa shaqadiisa aasaasiga ah. Dhibcuhu waa uun hal qalab oo loo isticmaalo in lagu cabbiro waxqabadka; marnaba looguma talagalin in ay noqdaan udub-dhexaadka waayo-aragnimada waxbarasho ee ilmaha. Waqti dheer kadib marka ardaydu ay ka qalinjabiyaan dugsiga, dad aad u yar ayaa danayn doona dhibcihii ay dugsiga ka keeneen. Waxa ugu muhiimsan ee waxtarka leh ayaa noqon doona in ay yaqaanaan sida loo fakaro, loo xalliyo dhibaatooyinka, loola qabsado duruufaha, wax loo wada xidhiidhiyo, loona sii wato waxbarashada noloshooda oo dhan.


Haddii aan doonayno in aan korinno dad nolol-bood waxbarta halkii aan ka soo saari lahayn tartamayaal isku buuqsan, markaa waa in aan joojinaa in aan dugsiga ula dhaqano sidii gole loogu tartamayo dhibco sare. Waxbarashadu waa in aanay noqon mid soo saarta arday taqaan sida loo baacsado natiijooyinka, balse waa in ay noqotaa mid horumarisa arday taqaan sida wax loo barto.


Tixraacyo

Rogers, C. R. (1961). On becoming a person: A therapist’s view of psychotherapy.Ā Houghton Mifflin. Romanowski, M. H. (2004).

Student obsession with grades and achievement.Ā Kappa Delta Pi Record, 40(4), 149–151. https://doi.org/10.1080/0969594042000333887


Ku Saabsan Qoraaga:Ā 

Sahra Yaasiin waa aqoonyahanad Soomaali-Kanadiyaan ah, horayna khibrad qoto dheer ugu soo qaadatay dhigista dugsiyada sare iyo jaamacadaha gudaha Somaliland. Haatan waxay shahaadada labaad ee Master-ka (Master's in Education) oo ay diiradda ku saarayso Manhajka iyo Hab-dhigista (Curriculum and Pedagogy) ka diyaarinaysaa Jaamacadda Western Ontario ee dalka Kanada. Sahra waxay si gaar ah u danaysaa isla markaana u ololeysaa tayeynta waxbarashada, caddaaladda bulshada iyo horumarinta waxbarashadda deegaannada soomalidda.

bottom of page