Naf Ku Xidhan Mashiin iyo Nidaam Daalacan: Dayaca Bukaanka Kelyaha ee Somaliland
- A Gallaydh Editorial

- Aug 2
- 6 min read
Magaalada Hargeysa waxa dhawaan ka dhacday dhacdo xanuun badan oo bannaanka soo dhigtay xaaladda murugada leh ee nidaamka caafimaadka Somaliland, gaar ahaan daryeelka dadka la nool xanuunnada kelyaha. Boqollaal bukaan ah oo ay wejiyadooda ka muuqatay diihaal, daal iyo rajo-xumo, ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada. Ma ahayn dibad-bax siyaasadeed ama mid dhaqaale doon ah, balse waxa uu ahaa dhawaaq samata-bixin ah oo ka soo yeedhayay dad naftoodu ay ku xidhan tahay mishiin, kuwaas oo dareemay in nidaamkii dawladnimo ee ay maganta u ahaayeen uu dayacay.
Sida ku cad xogaha laga helay bukaanadan, xaaladda ka dhex jirta Qaybta Sifaynta Kelyaha ee Cisbitaalka Guud ee Hargeysa waa mid ka baxsan dulqaadka bini'aadamnimada. Bukaanada kelyaha hawl-gabay ee u baahan in dhiigga loo safeeyo saddex jeer toddobaadkii, ayaa helayay adeeggaas maalin iyo badh oo keliya, taas oo khatar toos ah ku ah noloshooda.

Ganacsiga Gudaha Cisbitaalka iyo Culeyska Dhaqaale
Dhibaatadu kuma koobna oo keliya yaraanta saacadaha mashiinka. In kasta oo adeegga mashiinka sifaynta kelyuhu uu ahaa mid bilaash ah tan iyo xilligii xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Alle ha u naxariistee, haddana bukaanada ayaa lagu curyaamiyay kharashaadka dawooyinka iyo agabka caafimaad ee lagu dhex iibiyo gudaha cisbitaalka.
Tusaale cad oo muujinaya dhiig-miirashada ka jirta gudaha cisbitaalka dawladda ayaa ah qiimaha dawooyinka asaasiga ah. Faleebada biyaha ah ee loo yaqaano Normal Saline (NS) oo farmashiyeyaasha dibadda lagaga iibsado qiimo u dhexeeya 6,000 ilaa 10,000 oo Shilinka Somaliland ah ($0.5-1), ayaa bukaanada kelyaha ee ku xidhan mashiinka loogaga iibiyaa 15,000 oo Shilin ($1.5) gudaha cisbitaalka. Bukaanku marka uu mashiinka ku xidhan yahay ma laha awood uu bannaanka ugu baxo si uu dawo jaban u soo iibsado, taas oo ka dhigaysa mid lagu qasbayo in uu bixiyo qiimaha laalaabka ah ee xarunta yaalla. Tani waa caddaalad-darro dhaqaale oo lagu hayo dadka ugu nugul bulshada.
Dalabkii Fududaa iyo Fashilka Hadalka Wasiirka
Dalabka bukaanadani ma ahayn mid adag. Waxa ay Wasiirka Caafimaadka u gudbiyeen laba qodob oo salka ku haya nidaaminta maamulka: In qaybta kelyuhu ay noqoto mid madax-bannaan, iyo in loo magacaabo Dr. Xamse Raage oo ah dhakhtarka keliya ee ku takhasusay cudurrada kelyaha ee ay haystaan. Bukaanadu waxa ay aaminsanaayeen in dhakhtar takhasus ahi uu keeni karo istaraatiijiyad daryeel, isla markaana uu fahmi karo baahidooda. In kasta oo Wasaaraddu ay ballanqaaday in ay arrintaas fulinayso, haddana lix bilood kadib waxba kama qabsoomin.
Markii ay bukaanadu dareemeen in la majara-habaabiyay oo ay dariiqa bannaanbaxa qaadeen, jawaabtii ka soo baxday Wasiirka Caafimaadka, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa noqotay mid dhaawacday damiirka ummadda. Beddelkii uu wasiirku dhegaysan lahaa cabashadooda, waxa uu doortay in uu weerar afka ah ku qaado, isaga oo yidhi:
"Barnaamijkani waa mid la soo abaabulay oo meelo kale iyo dad shisheeye ahi dabada ka riixayaan, waxa ku jira suxufiyiin iyo abwaanno... waa arrin siyaasadaysan."
Hadalkan ayaa muujiyay dareen-la'aan iyo bisayl xumo dhinaca maamulka ah. Bukaan naftiisa ula tacaalaya xanuun oo raadinaya dawo, in lagu eedeeyo in uu yahay qalab siyaasadeed oo shisheeye soo diray, waa gef weyn oo ka dhan ah xuquuqda bini'aadamka.
Dareenka La Dhaawacay, Gurmadka Mucaaradka iyo Ganacsatada
Jawaabtii ay bukaanadu ka bixiyeen hadalka wasiirka ayaa ahayd mid qalbiyada taabatay. "Ilaahay baa naftayada gacantiisa geliyay. In uu maanta inagu jeesjeeso oo uu caafimaadka uu haysto noogu faano, aad baan uga xunahay. Sidiisa oo kale ayaanu ahayn shalay, waanu caafimaad qabnay, Ilaahay baa intuu naga qaaday isaga na soo hoos dhigay," ayuu yidhi guddoomiyaha bukaanada kelyaha. Dadkani ma doonayn in la siyaasadeeyo xaaladdooda, waxa ay doonayeen naxariis iyo xal.
Dhaqanka masuuliyad-darrada ah iyo hadallada xanafta leh ee ka soo yeedhay Wasiirka Caafimaadka waxa ay xukuumadda u horseedeen in ay weydo kalsoonidii shacabka ee arrintan. Fashilkani waxa uu si toos ah albaabka ugu furay xisbiyada mucaaradka oo si xariifnimo iyo xeelad siyaasadeed ku jirto uga faa'iidaystay fursadda. Halka Wasiir Xuseen Bashiir uu bukaanada ku tilmaamayay aalad siyaasadeed, mucaaradka Somaliland ayaa ficil u beddelay ololahooda, iyaga oo shacabka u muujiyay in ay yihiin beddelka dhabta ah ee xaaladdan wax ka qaban kara.
Isla markiiba, Xisbiga Kaah ayaa ka jawaabay dhawaaqa bukaanada, isaga oo ku deeqay saddex mashiin oo lagu safeeyo kelyaha, kuwaas oo midkiiba si gaar ah loogu wareejiyay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, Cisbitaalka Boorama, iyo Cisbitaalka Burco. Sidoo kale, Xisbiga Kulmiye ayaa dhankiisa soo dhex galay gurmadkan, waxaana uu keenay saddex mashiin oo cusub, iyada oo laba ka mid ah lagu wareejiyay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, halka mashiinka saddexaadna loo diray Cisbitaalka Boorama.
Gurmadkan laguma koobin oo keliya xisbiyada siyaasadda; ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa isna muujiyay damiirkiisa waddaniyadeed. Mulkiilaha shirkadda Horseed Spare Parts, oo ah ganacsade maxalli ah, ayaa cisbitaalka Hargeysa ugu deeqay afar mashiin oo dheeraad ah. Tallaabooyinkan isku dhafka ah ee ka yimid mucaaradka iyo ganacsatadu waxa ay farriin aad u adag u direen xukuumadda. Waxay caddaysteen in baahida bukaanada la dabooli karo, isla markaana mashiinno la keeni karo si degdeg ah haddii la helo naxariis iyo daacadnimo, waxayna fadeexad qaawan dusha uga tuureen wasaaraddii ay shaqadeedu ahayd in ay arrintan xaliso.
Tallaabada Madaxweynaha: "Dab-demiska" Xukuumadda Cirro
Culeyskan siyaasadeed ee kaga yimid dhinaca mucaaradka iyo dareenka bulsho ee sii karkarayay ayaa ku qasbay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) in uu qaado tallaabo degdeg ah, isaga oo dhexda u xidhay sidii uu u damin lahaa dabka uu shiday wasiirkiisu. Booqashadii kediska ahayd ee uu Madaxweynuhu aroornimadii hore ku tagay Qaybta Sifaynta Kelyaha ee Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, iyo war-saxaafadeedkii xigay ayaa ahaa kuwo si weyn loogu baahnaa oo yimid xilligii ugu habboonaa.
Madaxweynuhu ma qaadin tallaabo indho-sarcaad ah ama hal-ku-dheg madhan, balse waxa uu soo saaray go'aamo wax-ku-ool ah oo si toos ah u taabanaya xididdada dhibaatada ay bukaanadu ka cabanayeen. Go'aamadaas oo ay ugu waaweynaayeen in gebi ahaanba bilaash laga dhigo dawooyinka iyo agabka yaryar ee kelyo maydhista, in xukuumaddu si degdeg ah u soo iibiso 15 mashiin oo cusub si loo kordhiyo awoodda qaybta loona yareeyo ciriiriga, iyo in guddi qiimayn ah oo dhinaca farsamada ah loo saaro xaaladda cisbitaallada dalka oo dhan.
Tallaabooyinkan hordhaca ah waa kuwo bogaadin mudan, kuwaas oo muujinaya in Madaxtooyadu ay diyaar u tahay in ay garwaaqsato dhaliisha, dhageysato shacabka, isla markaana ay si adag u saxdo khaladaadka laamaha fulinta.
Hase yeeshee, dhinaca falanqaynta maamul-wanaagga, faragelintani waxa ay mar kale iftiiminaysaa daldaloolo weyn oo ka jira dhismaha xukuumadda. Madaxweynuhu ma aha in uu noqdo "dab-demis" joogto ah oo ka daba orda qaladaadka iyo hadallada meel-ka-dhaca ah ee xubnaha golihiisa wasiirada. In Madaxweynaha dalku uu shaqadiisii qaran ee ballaadhayd ka soo tago si uu cisbitaal u dhex tago, ugana jawaabo arrin ay ahayd in Wasiirka Caafimaadku uu xal buuxa uga gaadho xafiiskiisa, waxa ay muujinaysaa baahida degdegga ah ee loo qabo is-xisaabtan dhab ah iyo in dib-u-qiimayn lagu sameeyo tayada masuuliyiinta loo dhiibay xilalka masiiriga ah.
Musiibada Ka Baxsan Hargeysa: Xaaladda Gobollada
In kasta oo indhaha lagu hayo Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, xaqiiqada dhabta ah ayaa ah in dhibaatadani ay dalka oo dhan ka taagan tahay. Haddii bukaanada ku sugan caasimaddii oo ay wasaaraddu fadhido ay la' yihiin adeeg dhammaystiran, waa maxay xaaladda bukaanada kelyaha ee ku sugan magaalooyinka Burco, Boorama, Ceerigaabo, Laascaanood iyo Berbera?
Xarumaha caafimaadka ee gobollada dalka waxa ay la tacaalayaan xaalad aad uga liidata tan Hargeysa. Mashiinnada sifaynta ee gobollada yaalla waa kuwo aad u kooban, mararka qaarkoodna u fadhiista koronto la'aan ama dayactir xumo. Bukaanada gobollada ka yimaada waxa fuula kharash labanlaab ah oo isugu jira safar, deegaan iyo dawo, taas oo keenta in dad badani ay xanuunka u dhintaan iyaga oo awoodi waayay in ay Hargeysa yimaadaan. Nidaamka daryeelka kelyaha ee dalku waa mid u baahan in si caddaalad ah loo gaadhsiiyo gobollada oo dhan.
Talo-soojeedin iyo Istaraatiijiyadda Horay-u-socodka
Si dhibaatadan xididdada loogu siibo, lagana baaqsado in madaxweynuhu uu mar kasta "dab-demis" u noqdo fashilka wasaaradda, waa in Wasaaradda Caafimaadku ay qaaddaa tallaabooyin isbeddel oo dhab ah. Halkan waxa ku xusan istaraatiijiyado ay tahay in dawladdu hirgeliso:
Midda koowaad waa hirgelinta Sanduuqa Daryeelka Xanuunnada Joogtada ah. Waa in la abuuraa miisaaniyad qaran oo si toos ah u kafaala-qaadda dawooyinka asaasiga ah ee dadka qaba kelyo xanuunka, macaanka iyo dhiig-karka, si meesha looga saaro ganacsiga dawooyinka ee ka dhex socda gudaha xarumaha dawladda.
Midda labaad waa kordhinta dhakhaatiirta takhasuska ah. Waa wax aan la aqbali karin in waddan dhan uu ku tiirsanaado hal ama laba dhakhtar oo kelyaha ah. Wasaaraddu waa in ay bixisaa deeqo waxbarasho oo lagu dhiirigelinayo dhakhaatiirta da'da yar in ay ku takhasusaan cudurrada kelyaha (Nephrology).
Midda saddexaad waa balaadhinta adeegga caafimaadka. Waa in la qalabeeyaa xarumaha kelyo maydhista ee gobollada waaweyn, lana hubiyo in ay helaan miisaaniyad joogto ah, qalab casri ah iyo koronto aan go'in, si bukaanadu aanay ugu qasbanaan in ay usoo safraan caasimadda.
Midda afraad waa wacyigelinta iyo ka-hortagga. Sifaynta kelyuhu waa xalka u dambeeya. Wasaaradda Caafimaadku waa in ay olole ballaadhan ka bilowdaa dalka oo lagu wacyigelinayo bulshada halista cudurrada macaanka iyo dhiig-karka oo ah sababaha ugu waaweyn ee daliya in kelyuhu fariistaan.
Ugu dambayn, dhacdadan waa in ay cashar u noqotaa xubnaha Golaha Wasiirada. Mas'uuliyadda dawladnimadu ma aha eedayn iyo difaac, balse waa naxariis, dhegaysi iyo daryeelidda muwaadinka. Waa in wasaaraduhu ay yeeshaan hab xidhiidh dadweyne oo hufan, si looga fogaado in shacabka dhibaataysan warkooda loo fasirto shirqool siyaasadeed. Caafimaadku ma aha siyaasad, ee waa xaqa nolosha.



