Musiibada Xummadda Kaneecadda ee Hargeysa, iyo Masuuliyadda Dayacan ee Xukuumadda
- A Gallaydh Editorial

- Jun 3
- 4 min read
Xanuunka xummadda ayaa faro kulul ku haya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, isaga oo bishii ugu dambaysay soo ritay dadkii abid ugu badnaa. Geerida uu xanuunkani sababayo ayaa si weyn kor ugu kacday, waxaana ka dhashay dhimasho argagax iyo qarracan bulshada ku abuurtay. Dadka uu xanuunkani soo ridanayo ayaa si xawli ah u sii kordhaya maalin kasta, waxaana barbar socda tirada dadka u dhimanaya oo sii badanaysa.
Arrimaha ugu xanuunka iyo argagaxa badan ee xummaddan hadda laga diiwaan geliyey waxa ka mid ah, Allah haw naxariistee, hooyo iyo wiilkeedii oo si is xiga Jimcihii iyo Axaddii ugu geeriyooday xummadda ka jirta magaalada Hargeysa. Dhacdadani waxay daaha ka rogtay halista dhabta ah iyo xawaaraha dilaanimada ah ee mowjaddan cusubi leedahay, taas oo guryo badan oo caasimadda ah u beddeshay goobo baroor iyo bukaan-jiif.

Waa Maxay Xanuunkani? Falanqaynta Cudurka iyo Taariikhdiisa
Xanuunkan oo ay faafiso kaneecadu kuma cusba Somaliland. Sida xogaha iyo diiwaannada caafimaadku muujinayaan, xanuunkani waa Xummadda Dengue (Dengue Fever) oo ay gudbiso kaneecada loo yaqaano Aedes aegypti.Ā Xanuunkani waxa uu si isdaba-joog ah u soo taxnaa tan iyo bishii October ee sannadkii 2022-kii, xilligaas oo ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku markii ugu horraysay ku dhawaaqday dillaaca xummaddan.Ā Ā
Balse mawjadaha hadda socda ayaa ah kuwo si weyn uga duwan kuwii hore, waana kuwo u eg in ay yihiin seef af badan oo dadka qaadanaysa. Astaamaha lagu arkayo dadka uu soo rito xanuunkani waxa ka mid ah:
Xummad aad u daran.
Madax xanuun aan loo adkaysan karin.
Dhiig-bax gudaha iyo dibadda ah.
Murqo xanuun iyo kalagoysyada oo xanuuna.
Qofka oo tamartu si buuxda uga tagto.
Daraasado caafimaad iyo xogaha hay'adaha caalamiga ah ayaa xaqiijinaya in caasimadda Hargeysa ay tahay xudunta ama udub-dhexaadka faafitaanka xanuunkan.Ā Sababta ugu weyn ee Hargeysa u noqotay xudunta ayaa lagu macneeyay cufnaanta dadweynaha oo aad u sarraysa iyo awoodda xakamaynta kaneecada oo aad u hoosaysa.Ā Sida ku cad warbixinnadii ugu dambeeyay ee la daabacay horraantii sannadkan 2026, in ka badan 1,442 kiis oo xummadda Dengue ah ayaa la diiwaan geliyey muddo hal toddobaad gudaheed ah, taas oo caddaynaysa heerka xawliga ah ee uu xanuunku ugu dhex faafayo bulshada dhexdeeda.Ā Ā
Maxaa Sii Hurinaya Faafitaanka Xanuunkan?
Falanqaynta xaaladdan ayaa muujinaysa in ay jiraan arrimo is-biirsaday oo sababay soo laba-kaclaynta iyo fiditaanka xanuunkan dilaaga ah:Ā Ā
Isbeddelka Cimilada:Ā Abaarihii daba-dheeraaday ayaa sababay in bulshadu ay biyo ku kaydsato weelal furan, kuwaas oo noqday goobo ku habboon oo ay ku dhalato kuna taranto kaneecada.Ā Ā
Roobabkii Xoogganaa:Ā Dhinaca kale, roobabkii culusaa ee da'ay xilliyadii hore ayaa abuuray biyo-fadhiisinno ballaadhan oo gacan ka geystay tarmida kaneecada Aedes aegypti.Ā Ā
Nidaamka Caafimaadka oo Liita:Ā Xarumaha caafimaadka ayaa la tacaalaya culeys aad u weyn, iyada oo dawooyinka iyo qalabka lagu baadho xanuunkan ee (RDT kits) ay yihiin kuwo gabaabsi ah.Ā Ā
Xukuumadda oo Doorkeedii La Tebayo: Aamusnaan iyo Wax-ka-qabasho La'aan
Xilli magaalada Hargeysa ay xummaddu ku sii baahayso, ma muuqato wacyi-gelin, wax-ka-qabasho, iyo dhaqaaq muuqda oo ka imanaya xukuumadda Somaliland, gaar ahaanna wasaaradaha ay khusayso.
Lama qaadin ilaa hadda tallaabooyin dhab ah oo lagula dagaallamayo xummadda sii kordhaysa ee caasimadda dhex qaadaysa. Ma jiraan ololeyaal waawayn oo lagu buufinayo kaneecada, laguna baabi'inayo goobaha ay ku taranto. Sidoo kale, ma jirto wax dareen ah ama tacsiyayn qaran oo ilaa hadda laga muujiyey geerida anfariirka leh ee shacabka ku habsanaysa.
Bulshadu waxay si weyn u saluugsan tahay in aan si rasmi ah loo baahin xogta xummadda xilligan dalka soo gashay, meesha ay ka timid, iyo qaabka ay tahay in loola tacaalo intaba. Nidaamka gurmadka degdegga ah iyo xarumaha dawayntu waxay la daalaa-dhacayaan culeys ka baxsan awooddooda, taas oo niyad-jab weyn ku abuurtay xirfadlayaasha caafimaadka iyo bukaanada.Ā Ā
Khatarta Fiditaanka: Digniin Ku Wajahan Deegaannada Fog-fog
Cabsida ugu weyn ee xilligan hortaagan bulshada ayaa ah in xummaddu ay u sii gudubto meelo kale iyo deegaanno fog-fog oo xataa aan lahayn adeeg caafimaad oo aasaasi ah. Haddii xanuunkan dhiig-baxa keenaa uu gaadho miyiga iyo degmooyinka go'doonka ah ee dalka, khasaaraha nafeed waxa uu noqon karaa mid aad u baaxad weyn. Khubarada caafimaadka ayaa ka digaya in jidadka isu-gudbinta bukaanada iyo daryeelka aasaasiga ahi ay xaddidan yihiin, taas oo si weyn u adkaynaysa la-tacaalidda xanuunkan marka uu gaadho goobahaas.Ā Ā
Baaq Iyo Tallaabooyin Degdeg ah
Musiibadan caafimaad ma aha mid xukuumaddu ay si fudud ugu indha-qarsan karto. Si loo badbaadiyo nolosha shacabka, waxaa waajib ah:
In xukuumaddu ay si rasmi ah u shaaciso xaaladda dhabta ah ee xanuunkan, isla markaana ay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah oo caafimaad.
In la bilaabo olole qaran oo wacyi-gelin ah, si bulshada loo baro qaabka looga hortago biyo-fadhiisinnada iyo sidii loo isticmaali lahaa shabaqyada kaneecada.
In la geeyo qalabka baadhista degdegga ah iyo dawooyinka asaasiga ah dhammaan xarumaha caafimaadka ee dalka.
In la bilaabo olole ballaadhan oo lagu buufinayo magaalooyinka waaweyn si loo cidhib-tiro kaneecada xanuunkan gudbinaysa.
Dawladnimadu ma aha oo keliya maamulida siyaasadda, waa in loo istaago badbaadinta nafta muwaadinka. Aamusnaanta iyo fal-celin la'aanta xukuumaddu xilligan waxay la macno tahay oggolaanshaha in xanuunkani uu sii wato gumaadka uu ku hayo shacabka. Waxaa la joogaa xilligii la kici lahaa inta aanay xaaladdu faraha ka bixin.



