top of page

14 Sano oo Somaliland Lagu Maaweelinayo Rajada Shidaalka

Jul 19
4 min read

Bishii August ee sannadkii 2012, shacabka Somaliland waxa la soo gudboonaatay rajo aad u sarreysa markii xukuumaddii xilligaas ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay si rasmi ah ugu dhawaaqday in shirkadda Genel Energy oo fadhigeedu yahay magaalada London ay bilaabayso hawlgallada sahaminta iyo soo-saarista shidaalka. Ballanqaadka shirkaddu waxa uu ahaa mid degdeg ah oo la taaban karo: in qodista ceelka koowaad ee shidaalka la bilaabi doono sannadka 2014, gaar ahaan gobollada Saraar iyo Daadmadheedh.


Maanta, 14 sano kadib, ballanqaadkaasi waxa uu isugu soo biyo-shubtay dhalanteed iyo madhan-tuur siyaasadeed. Dhegaha shacabka Somaliland waxay dhawrayaan war lagu diirsado, halka saddex xukuumadood oo is-beddelay ay dhammaantood shacabka u sheegayeen hal sheeko oo isku mid ah: "Shidaalkii waa la soo saarayaa."


Somaliland Oil Mirage: 14 Years of Delays, Genel Energy & Turkey's Hidden Hand

Haddaba, waa maxay xaqiiqada dhabta ah ee ku gedaaman shidaalka Somaliland? Maxaa hor taagan in la qodo ceelka 'Toosan-1' muddo ka badan toban sano? Muxuuse yahay doorka dahsoon ee xukuumadda Turkigu ku leedahay curyaaminta rajada dhaqaale ee Somaliland?

Gacanta Turkiga ee Gudaha Genel Energy

Si loo fahmo dib-u-dhaca ku yimid soo-saarista shidaalka Somaliland, waa in marka hore hoos loo eego cidda awoodda dhabta ah ku dhex leh shirkadda Genel Energy. In kasta oo shirkaddan xarunteedu tahay London, haddana milkiyaddeeda iyo go'aan-qaadashadeedu waxa ay si weyn ugu janjeedhaa dhinaca Turkiga.


Xogta rasmiga ah ee shirkadda ayaa muujinaysa in shanta xubnood ee ugu sarreeya guddiga fulinta (Board of Directors) ay saddex ka mid ahi yihiin Turki. Intaas waxaa dheer, saamilayda ugu weyn ee shirkadda ayaa ah laba shirkadood oo Turki ah: Bilgin Grup (oo leh 23.75%) iyo Daax Corp FZE (oo leh 17.48%). Wadarta labadan saamiba waxa ay ka dhigan tahay in ka badan 41% milkiyadda shirkadda. Midda ugu xasaasisan ayaa ah in 51% ee hantida shirkadda ay leeyihiin cid aan magacooda si cad loogu soo bandhigin diiwaanka shirkadda (Unknown Entities), taas oo tuhun weyn abuuraysa in awoodda iyo faragelinta Turkigu ay aad uga sarreyso 41%.


Soo-gelitaankii Genel Energy ee Somaliland muu ahayn mid ku yimid tartan ganacsi oo furan, balse waxa uu ku yimid faragelin diblomaasiyadeed. Sannadihii 2011 ilaa 2015, xukuumadda Turkigu waxa ay saamayn ballaadhan ku lahayd Somaliland. Sida ay hore u daabacday hay'adda wararka ee VOA sannadkii 2012, dawladda Turkigu waxa ay qaadatay door olole ah si ay xukuumaddii Somaliland ugu qanciso in Genel Energy la siiyo qandaraaska sahaminta shidaalka.

Kala Duwanaanshaha Mashruuca Cumaan iyo Somaliland

Si loo caddeeyo madmadowga ku jira hab-dhaqanka shirkadda, waxa ku filan in la eego warbixinta sannadlaha ah ee Genel Energy soo saartay dhammaadkii 2025. Warbixintani waxay is-garab dhigaysaa mashaariicda kala duwan ee shirkadda ee aan weli wax soo-saar ah gaadhin (Pre-production assets).


Marka laga hadlayo mashruucooda 'Block 54' ee dalka Cumaan, shirkaddu waxay soo bandhigtay qorshe faahfaahsan oo la taaban karo: "Tijaabadii ceelka Batha West-1 waa la soo gabagabeeyay wakhtigii loogu talagalay... Waxaanu haatan falanqaynaynaa xogtii la ururiyay si aan u go'aamino goobaha kale ee la sahaminayo, oo ay ku jirto in aan ururinno xogta '3D seismic' isla markaana qodno laba ceel oo tijaabo ah 2-da sano ee soo socota. Hawlaha 2026 waxa u badnaan doona ururinta xogta 3D iyo qorshaynta qodista ceelka ugu horreeya."


Taas beddelkeeda, warbixintii laga qoray xidhmooyinka Somaliland (SL10B13) waa mid madhan oo aan xambaarsanayn wax xog dhaqaale ama farsamo ah: "Waan sii wadaynaa shaqadii lagu doonayay in lagu qodo ceelka Toosan-1 ee aadka loo rajaynayo. Dhanka kale, Genel waxa ay sii waddaa in ay si dhow ula shaqayso bulshada maxalliga ah... hawlo isugu jira caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, waxbarashada iyo deegaanka."


Warbixintan ayaa si cad u muujinaysa in shirkaddu ay mashruucii shidaalka u rogtay mid samafal oo keliya, halka aanay marnaba caddayn xilliga rasmiga ah ee mishiinadu dhulka daloolin doonaan. In kasta oo xogta maaliyadeed ee 2025 ay muujinayso in kharashka ku baxay mashaariicda hordhaca ah uu laba-jibbaarmay (laga soo bilaabo $2.7 milyan sannadkii 2014 ilaa $5.0 milyan sannadkii 2025) iyo in shirkaddu ay gudaha Somaliland ku hayso shaqaale celcelis ahaan gaadhaya 23 qof, haddana dhaqaalahaas iyo shaqaalahaasi marnaba isumay beddelin qodis dhab ah.

Muuqaalka Geeska: Hal-Bilaabe iyo Hal-Dhameeye

Waxyaabaha ugu yaabka badan ee hortaagan caqliga bad-qabaa waa xawaaraha ku kala jira mashaariicda shidaalka ee Geeska Afrika. Sannadkii 2015, Genel Energy waxa ay qodistii koowaad ka bilawday dalka Ivory Coast ee Galbeedka Afrika. Baadhitaan kadib isla sannadkaas ayay xaqiijiyeen in aanu shidaal ku jirin meeshii ay qodeen. Balse Somaliland oo ay 2012 sheegeen inay calaamadiyeen ceelka 'Toosan-1' ee degmada Qoryaale, muddo 14 sano ah kumay dhiirran in ay hoos u qodaan si ay u xaqiijiyaan waxa ku jira.


Si aynu u qiimayno xajmiga wakhtiga la inaga lumiyay, aan dib-u-milicsanno wixii dalkan ka qabsoomay intii Genel Energy ay nagu sasabaysay rajada shidaalka: Waxa la dhisay dekedda caalamiga ah ee Berbera, waxa la dhammaystiray jidka weyn ee Berbera Corridor, waxa aqoonsi taariikhi ah dalka siisay dawladda Israa'iil, saddex madaxweyne ayaa xafiiska isku beddelay, laba gole baarlamaan ayaa la doortay. Qofkii dhashay markii heshiiskan la saxeexayay 2012, maanta waa da'yar 14 jir ah oo buuxiyay shuruudihii qaan-gaadhka!


Dhinaca kale, dawladda Turkigu waxay 2024 heshiis sahan shidaal la gashay Dawladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana markiiba waxay badda u direen markabkii sahaminta iyo soo-saarista. Tani waxay dhalinaysaa weydiinno masiiri ah: Maxaa keenay in Turkigu uu muddo bilo ah ku hawl-geliyo mishiinada sahaminta ee Xamar, halka mashruucii Somaliland uu 14 sano laaluudsan yahay?

Gunaanad

Wax kasta oo dhacayba, isbeddelka cilaaqaadka siyaasadeed ee Somaliland iyo Turkigu (oo markii hore fiicnaa, haddana gaadhay heerkii ugu hooseeyay) wax saamayn ah kuma yeelan xaaladda shidaalka.


Xukuumadihii is-bedbeddelay ee Somaliland waxay dusha saaranayaan eedda ah inay qayb ka noqdeen marin-habaabinta shacabka, iyaga oo aan waligood soo bandhigin waxa dhabta ah ee hortaagan mashruucan ama caqabadaha farsamo ee shirkaddu marmarsiiyaha ka dhiganayso.


Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu dhowaan ballanqaaday in shidaalka Somaliland la soo saari doono sannadka 2027. Sannadkaas waxa inaga xiga muddo kooban oo 5 bilood ah, mana jirto wax saan-saan ah ama mishiino waaweyn oo goobta la geeyay.


Su'aasha u baahan in laga jawaabaa waa mid fudud: Suuragal ma tahay in shirkad ay 41% (ama ka badan) leeyihiin maalqabeenno Turki ah, oo saamayn ku leh dalkaas, ay marnaba shidaal u soo saaraan Somaliland, xilli dawladda Turkigu ay gabi ahaanba diiddan tahay jiritaanka iyo madax-bannaanida dalkan? Jawaabta su'aashaasi waxay fure u tahay in la fahmo halka ay salaaddu ka xidhmi la'dahay 14-kii sano ee la soo dhaafay.

bottom of page