Qiimaha Shidaalka Oo Mar Kale Cirka Isku Shareeray Iyo Mucaaridka Oo Dhaliilo Is-daba-joog Ah U Soo Jeediyey
- Hassan Gallaydh

- Apr 7
- 2 min read
Qiimaha shidaalka ayaa mar kale sare u kacay gudaha Somaliland isaga oo hadda dhaafay qiimihii ay xukuumaddu dhowaan u jaan goysay in lagu iibiyo noocyada shidaalka ee laga isticmaalo Somaliland. Halka Litir ee Petrolka ah oo xukuumaddu u goysay in lagu iibiyo 12,500 oo Somaliland Shilling ah ayaa hadda la iibinayaa 13,000 SL Shilling, halka meelaha qaarna uu gaadhay 13,500. Naaftada oo xukuumadda iyo ganacsatadu isla garteen in lagu iibiyo 10,500 SL Shilling ah, ayaa hadda iyaduna noqotay 12,000 oo Somaliland Shilling ah.

Magaalada Burco ayaa lagu soo warramayaa in qiimuhu intaa kaba sii sarreeyo, iyada oo halka Litir ee Petrolka ah lagu iibinayo 13,500 ilaa 14,000 oo Somaliland Shilling ah, sida uu xaqiijiyey Cumar Soomaali oo ah weriyaha Galaydh TV uga soo warrama gobolka Togdheer.
Sare u kacan ku yimi qiimaha shidaalka ayaa ku soo beegmay xilli dhowaan xukuumaddu ganacsatada la qaadatay in la kordhiyo qiimaha shidaalka, iyada oo laysla gartay in qiimo go'an lagu iibiyo, balse hadda laga tegay qiimihii dhinaca xukuumadda ka soo baxay. Lama oga in xukuumaddu qaadi doonto tallaabo lagu dejinayo qiimaha shidaalka ee cirka isku sii shareeraya iyo in faraha laga qaadi doono arrimaha shidaalka ee salka dhigi waayey.
Mucaaridka Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Xukuumadda Cirro
Xaaladdan dhaqaale ee sii xumaanaysa ayaa dhalisay falcelin adag oo ka timid xisbiyada mucaaridka ah, kuwaas oo u arka in xukuumadda cusubi ay ku fashilantay xasilinta nolosha aasaasiga ah ee bulshada.
Xisbiga Kulmiye:
Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye oo war qoraal ah ka soo saaray xaaladda nololeed ee Somaliland ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Cirro ay hagratay, kana gaabisay wax ka qabashada sarrif-bararka iyo sicir-bararka xilligan taagan. Warka ayaa lagu xusay in aan xukuumaddu qaadin tallaabooyin loo baahnaa si wax looga qabto kor u kaca maciishada, shidaalka iyo sarrif-bararka ku yimi lacagta Shilling-ka ee Jamhuuriyadda Somaliland. Kulmiye ayaa ku baaqay in dawladdu samayso la-tashi joogto ah, sidoo kalena ay raadiso habkii loo heli lahaa tamar jaban oo lagaga maarmo shidaalka cirka isku shareeray, isaga oo xukuumadda ku eedeeyay inay indhaha ka qabsanayso dhibaatada dhabta ah ee haysata qoysaska dan-yarta ah.
Xisbiga KAAH iyo Warqaddii Furan Ee Maxamuud Xaashi:
Dhinaca kale, Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka KAAH, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa soo saaray warqad furan oo aad u qoto dheer, taas oo uu ugu kuurgalayo culayska dhaqaale ee dalka soo food saaray. Mudane Maxamuud Xaashi waxa uu tilmaamay in tabaabushe la'aanta xukuumadda ay tahay ta keentay in Somaliland ay u nuglaato isbeddelada ka socda Bariga Dhexe, gaar ahaan bad-xidhanka Marinka Hormuz.
Warqadda furan ee KAAH waxay xukuumadda hordhigtay dhawr qodob oo mudan in si degdeg ah loo fuliyo.
Isku soo wada duuboo, iyada oo dalku galayo bishii labaad ee qalalaasaha tamarta ee caalamiga ah, xukuumadda Madaxweyne Cirro ayaa wajahaysa cadaadis laba dhinac ah: mid uga imanaya suuqa oo qiimuhu isbeddelayo iyo mid siyaasadeed oo uga imanaya mucaaridka oo u arka inaanay dawladdu weli la iman qorshe cad oo lagu badbaadinayo dhaqaalaha dalka.
Maxay kula tahay, miyey tahay in xukuumaddu hadda farogelin toos ah ku samayso suuqa shidaalka, mise waa inay ku koobnaataa bixinta kaalmooyin iyo cashuur dhimis?



