top of page

Yaa Ka Macaashay Dagaalka Iiraan iyo Masiibada Dunida?

Xilli dunida dacaladeedu ay la tacaalayaan sicir-barar ba'an iyo gaadhista saliidda oo gaadhay in ka badan 115 doolar foostadii, haddana taariikhda dagaaladu waxay ina baraysaa in hadba meeshii masiibo ka dhacdo, ay jiraan dhinacyo kale oo ay u tahay fursad dahabi ah. Dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo isbahaysiga Maraykanka iyo Israa'iil, oo horseeday xidhitaanka Marinka Hormuz bishii February, ayaa gabi ahaanba dhabarka ka jabiyay dalalkii Khaliijka ee shidaalka soo saari jiray, balse wuxuu albaabo cusub u furay dalal ka fog goobta dagaalka.


Marinka Hormuz oo markii hore qaadi jiray boqolkiiba labaatan (20%) shidaalka adduunka, ayaa haatan noqday goob dagaal oo ay adag tahay in maraakiibtu maraan. Tani waxay keentay in dalal ay ka mid yihiin Ruushka, Liibiya, Norway, Canada iyo Koonfur Afrika ay noqdaan kuwa ugu faa'iidada badan xilligan, iyaga oo buuxinaya kaalintii ay baneeyeen Qatar iyo Sucuudigu.


Who Profits from the 2026 Iran War? Global Energy Winners

Ruushka: Ka Baxashada Go'doonkii Mudada Dheeraa

Dalka Ruushka ayaa muddo afar sano ah u dhibbanaa cunaqabatayn xadhkaha goosatay oo ay reer Galbeedku ku soo rogeen kadib duullaankii Ukraine ee sannadkii 2022. Si kastaba ha ahaatee, dagaalka Iiraan ayaa Ruushka u noqday "badbaado" diblomaasiyadeed. Maaddaama dunidu ay u ooman tahay tamar beddel u noqota tan Khaliijka, cunaqabatayntii saarnayd shidaalka Ruushka ayaa si dadban meesha uga baxday.

Washington iyo xulafadeedu waxay ku khasbanaadeen in ay indhaha ka laabaan shidaalka Ruushka ee suuqyada u soo qulqulaya si loo xakameeyo sicir-bararka adduunka. Tani waxay Ruushka u oggolaatay in uu helo dhaqaale aad u ballaadhan oo uu ku kabo kharashka dagaalkiisa, isaga oo noqday dalka koowaad ee ka faa'iiday khalkhalka Bariga Dhexe.


Liibiya: Halbowlaha Cusub Ee Woqooyiga Afrika

Dalka Liibiya, inkasta oo uu wali la tacaalayo dhibaatooyin gudaha ah, haddana waxa uu si weyn u kordhiyey soo saarista iyo dhoofinta shidaalka tan iyo markii uu qaraxay dagaalka Iiraan. Sida ay werisay jariiradda Middle East Eye, Liibiya waxay haatan noqotay isha koowaad ee shidaalka u dhoofisa dalka Masar iyo qaar ka mid ah dalalka Yurub ee u dhow.

Kor u kaca baahida shidaalka Liibiya ayaa Tripoli ka dhigtay mid ka mid ah magaalooyinka ugu mashquulka badan dhinaca heshiisyada tamarta. Maaddaama shidaalka Liibiya uu u dhow yahay suuqyada Yurub, isla markaana aanu u baahnayn in uu dhex maro Marinka Hormuz ama Badda Cas, waxa uu noqday mid ammaan ah oo ay ganacsatadu doorbidaan.

Norway Iyo Canada: Saaxiibbada "Laysku Halayn Karo"

Norway iyo Canada ayaa haatan u tartamaya sidii ay u hoggaamin lahaayeen suuqyada tamarta ee adduunka "quusta" ku jira. Wasiirka Tamarta ee Canada, Tim Hodgson, ayaa sheegay in tani ay tahay "waqtigii Canada", iyada oo dalkiisu uu isu diyaarinayo in uu noqdo dalka afraad ee adduunka ugu dhoofinta badan gaasta dareeraha ah ee LNG. Canada waxay haatan buuxinaysaa kaalintii dalka Qatar, oo warshadihiisii gaasta ay soo gaadheen dhaawacyo culus kadib weeraradii Maraykanka iyo Israa'iil.


Dhanka kale, shirkadda Equinor ee dalka Norway ayaa qorshaynaysa in ay kordhiso wax-soo-saarkeeda boqolkiiba labaatan iyo shan (25%) ilaa sannadka 2030. Norway waxay haatan eeganaysaa khayraadka yaalla badda Barents ee dhaca waqooyiga fog, si ay u dammaanad qaaddo ammaanka tamarta ee Yurub. Faa'iidada baaxadda leh ee Norway ka heshay kor u kaca qiimaha saliidda ayaa xitaa dhalisay xurguf siyaasadeed oo dhex marta iyada iyo dalalka deriska la ah sida Sweden iyo Denmark, kuwaas oo aaminsan in Norway ay tahay in ay deeqsinimo muujiso maaddaama ay heshay lacag aanay markii hore filayn.

Koonfur Afrika: Dekedda Oo Dib U Soo Noolaatay

Koonfur Afrika, oo aan ahayn dal shidaal badan soo saara, ayaa haddana faa'iidada ugu weyn ka heshay dhinaca saadka iyo isu-socodka maraakiibta. Maaddaama Marinka Hormuz iyo Badda Cas ay noqdeen meelo khatar ah, shirkadaha waaweyn ee maraakiibta sida Maersk iyo Hapag-Lloyd ayaa go'aansaday in ay maraakiibtooda u weeciyaan dhinaca Marinka Dabaysha Wanaagsan (Cape of Good Hope).


Xeebaha Cape Town ayaa haatan noqday halka ay ku nastaan, adeeggana looga fidiyo maraakiibta u kala gooshaysa Aasiya iyo Yurub. Tani waxay Koonfur Afrika u soo xaraysay dhaqaale balaadhan oo markii hore ay heli jireen dalalka Masar (oo isticmaala Kanaalka Suweys) iyo Imaaraadka Carabta. Koonfur Afrika waxay haatan u muuqataa in ay dib u heshay miisaankeedii istiraatiijiyadeed ee ay lahayd ka hor intaan la furin Kanaalka Suweys sannadkii 1869.

Gunaanad

Dagaalka Iiraan wuxuu tusaale u yahay sida khariadada dhaqaalaha adduunku u isbeddeli karto muddo kooban. Halka dalalka Khaliijku ay luminayaan suuqyadoodii iyo kaabayaashoodii dhaqaale, dalalkan kale waxay dhisayaan boqortooyooyin tamar iyo mid saadka badda ah. Dunida April 2026 ma aha tii hore, waxaana muuqata in isbeddelka haatan socdaa uu noqon doono mid raad ku yeesha amniga tamarta ee caalamka tobanka sano ee soo socda.



bottom of page