top of page

Masiibada Tamarta Adduunka: Sida Xidhitaanka Marinka Hormuz U Curyaamiyay Dhaqaalaha Dalalka Soo Koraya

Dagaalka ba'an ee haatan ka socda Bariga Dhexe, kaas oo ka dhashay duqaymihii isbahaysiga Maraykanka iyo Israa'iil ay la beegsadeen dalka Iiraan horraantii bishii Maarso 2026, iyo go'aankii aargoosiga ahaa ee ay Iiraan ku xidhay Marinka Hormuz, ayaa sababay qalalaase tamar oo gabi ahaanba ruxay dhaqaalaha adduunka.


Xidhitaanka marinkan istiraatiijiga ah ayaa suuqa caalamka ka saaray qiyaastii 20 milyan oo foosto oo saliid ah maalin kasta, iyo xaddi aad u ballaadhan oo ah gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG). Natiijada arrintan, qiimaha shidaalka iyo gaaska ayaa kor u kacay inta u dhaxaysa boqolkiiba 45 ilaa 55, waxaanay si ba'an u curyaamisay dalalka soo koraya ee qaaradaha Aasiya iyo Afrika. Dalalkan oo inta badan si dabiici ah ugu tiirsan wax dhoofsiga Gacanka Carabta ayaa ah kuwo aan haysan kayd istiraatiiji ah oo ku filan, isla markaana aan lahayn awood maaliyadeed iyo mid saadka oo ay kaga gaashaantaan dhibaatadan lixaadda leh.


The 2026 closure of the Strait of Hormuz has paralyzed developing economies.

Hoos waxaa ku xusan falanqayn qoto dheer oo sharraxaysa dhibaatada baaxadda leh ee haysata siddeedda waddan ee saamaynta ugu weyni ay kasoo gaadhay dagaalkan iyo xidhitaanka Gacanka Hormuz, iyada oo la eegayo xaddiga ay ku tiirsan yihiin Gacanka, kaydkooda, iyo talaabooyinka gurmadka ah ee ay qaadeen dhammaadkii bishii Maarso 2026.

1. Bangladesh:


A view showing long queues of public transport and motorcycles lined up at a fuel station in Dhaka, as Bangladesh faces a fuel shortage.

Bangladesh ayaa ka mid ah waddamada dhibaatada ugu weyni ay soo gaadhay, iyada oo boqolkiiba 95 shidaalkeeda dibadda uga yimaado, gaar ahaan Gacanka Carabta oo ay ka hesho boqolkiiba 63. Sidoo kale, boqolkiiba 72 gaaska LNG ee dalkaas ayaa ka yimaada Qadar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta. Kaydka istiraatiijiga ah ee dalkaas ayaa ku filan oo keliya 21 maalmood. Xukuumadda ayaa soo rogtay xaddidaad maalinle ah oo lagu iibsanayo shidaalka, waxayna xidhay jaamacadaha si loo yareeyo dhaqdhaqaaqa iyo isticmaalka tamarta.


Magaalada caasimadda ah ee Dhaka, darawalada iyo shaqaalaha ayaa saacado badan safaf dhaadheer ugu jira litirro kooban oo shidaal ah. Dhibaatada ugu weyni waxay haysataa waaxda warshadaha dharka oo ah isha koowaad ee dhaqaalaha dalkaas, soona saarta boqolkiiba 84 dhoofinta Bangladesh. Waaxdan ayaa wajaheysa koronto la'aan joogto ah iyo istaagga saadka, taas oo halis gelinaysa malaayiin shaqo iyo isha ugu weyn ee lacagta qalaad ee waddanka oo ay ku nool yihiin 170 milyan oo qof. Haddii marinku xidhnaado, dalku wuxuu wajihi doonaa masiibo shidaal la'aan ah saddex toddobaad gudahood.


2. Sri Lanka:


Tiktuk Drivers standing in long fuel queues in Sri Lanka, waiting for their fuel quota following the country's energy rationing system.

Dalka Sri Lanka ayaa isna wajahaya riyo cabsi leh isaga oo dib u xusuusanaya burburkii dhaqaale ee ruxay sannadkii 2022. Shidaalka ayaa ka ah rubuc ka mid ah dhammaan wax dhoofsiga dalkaas, kaydkiisuna wuxuu ahaa mid aad u hooseeya xitaa kahor dagaalka, iyada oo haatan uu haysto shidaal ku filan 14 maalmood oo keliya. Boqolkiiba 60 tamarta Sri Lanka waxay soo martaa Marinka Hormuz.


Xukuumadda ayaa soo rogtay nidaam qaddarin shidaal ah oo aad u adag, halkaas oo mootooyinka la siiyo 8 litir, baabuurta yaryar 25 litir, halka basaska la siiyo 100 litir asbuucii. Qiimaha shidaalka ayaa durbadiiba kor u kacay boqolkiiba 33. Si loo yareeyo isticmaalka shidaalka, dawladdu waxay go'aamisay in aan la shaqayn maalmaha Arbacada, iyada oo la xidhay xafiisyada dawladda iyo iskuullada. Shirkadda dawladda ee Litro Gas ayaa haysata kayd dhan 8,000 oo tan oo gaaska cuntada lagu karsado ee (LPG) ah, halka baahida bishii ee waddanku ay tahay 33,000 oo tan. Arrintan ayaa cadaadis xooggan saartay lacagta dalkaas ee Rupee, waxayna dib u burburisay waaxda dalxiiska oo curdun ahayd soona kabanaysay.



3. Pakistan:


Congestion and queues of cars and motorcycles in front of a fuel station in Pakistan, as the government imposes strict energy restrictions.

Saamaynta Gacanka Hormuz ayaa si toos ah u curyaamisay dalka Pakistan, kaas oo boqolkiiba 99 gaaska LNG ka keensada dalalka Qadar iyo Imaaraadka. Burburkii iyo xidhitaankii warshadda weyn ee Ras Laffan ee dalka Qadar ayaa gabi ahaanba jartay sahaydii gaaska ee Pakistan.



Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Shehbaz Sharif ayaa soo rogtay talaabooyin gurmad ah oo aad u adag, kuwaas oo isugu jira in shaqaalaha dawladdu ay shaqeeyaan afar maalmood asbuucii, in la xidho iskuullada lana fasaxo, iyo in boqolkiiba 50 shaqaaluhu ay guryaha ka shaqeeyaan. Dhaqaale xumada jirta awgeed, wasiirrada iyo xildhibaanada ayaa mushaharkooda laga jaray boqolkiiba 25, waxaana la joojiyay dhammaan safarada dibadda ee aan lagama maarmaanka ahayn iyada oo la faray in shirarka lagu galo habka fogaan aragga. Amar cusub oo lagu xakamaynayo gaaska dabiiciga ah ayaa mudnaanta siiyay guryaha iyo gaadiidka, isaga oo gaaskii ka jaray warshadaha kiimikooyinka iyo bacriminta beeraha (fertilizers), taas oo si ba'an u wiiqi doonta waxsoosaarka sarreenka isla markaana halis ku ah amniga cuntada ee dalka.


4. Filibiin:


Manila, Philippines, showing queues of public transport known as Tuk-tuks waiting for fuel, as fuel prices have skyrocketed.

Dalka Filibiin, boqolkiiba 95 ilaa 98 saliidda wuxuu ka keensadaa Gacanka Carabta, kaydkiisuna waa mid aad u xaddidan oo ku filan 30 maalmood oo keliya. Qiimaha litirka shidaalka ayaa kasoo kacay $0.86 isaga oo gaadhay $1.41, taas oo dhalisay in ay shaqo joojin ballaadhan sameeyaan darawalada gaadiidka dadweynaha ee caasimadda Manila.


Xukuumadda ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo dhanka tamarta ah, waxayna bixisay kaalmooyin lacageed oo toos ah si loo caawiyo wadayaasha iyo dadka danta yar. Malaayiin beeralay iyo kaluumaysato ah ayaa wajahaya xaalad adag oo ay ku kala dooranayaan in ay shaqeeyaan iyaga oo iibsanaya shidaal qaali ah iyo in ay qoysaskooda quudiyaan. Dalkani waxa uu soo rogay in dawladdu ay shaqayso afar maalmood, arrintaas oo si weyn u xaddidaysa socodka bulshada iyo koboca dhaqaalaha magaalada.


5. Vietnam:


Hundreds of motorcycles in a continuous queue to buy fuel in Vietnam, after panic buying affected fuel stations.

Dhinaca kale, waddanka Vietnam oo ah xudunta waxsoosaarka warshadaha ee beddeshay ganacsiyo badan oo hore u yiilay Shiinaha, ayaa boqolkiiba 85 saliidda ceeriin ka keensada Bariga Dhexe, gaar ahaan dalka Kuweyt. Kaydkiisu waa 20 maalmood oo keliya.



Xukuumadda ayaa soo rogtay qaddarin dhanka tamarta warshadaha ah, waxayna mamnuucday in dalka dibaddiisa loo dhoofiyo shidaalka sifaysan si loo ilaaliyo kaydka gudaha. Wasaaradda Ganacsiga ayaa ku baaqday in guryaha laga shaqeeyo si loo yareeyo safarada. Qiimaha shidaalka baabuurta ayaa kacay boqolkiiba 32, naaftada boqolkiiba 56, iyo shidaalka diyaaradaha oo kacay boqolkiiba 80. Tani waxay wiiqaysaa maalgashiga shisheeye iyo koboca dhaqaale ee waddankan, iyada oo warshado badan lagu qasbay in ay yareeyaan saacadaha shaqada.

6. Kenya:


Scooters and cars in congested queues at a fuel station in Nairobi, Kenya, as the country's reserves run low.

Qaaradda Afrika, gaar ahaan Bariga iyo Koonfurta, oo boqolkiiba 75 shidaalka sifaysan ka keensada Bariga Dhexe, ayaa wajahnay dhibaato lixaad leh. Kenya oo boqolkiiba 85 shidaalkeeda ka hesha Gacanka iyada oo sii marta heshiisyo dawladeed, ayaa haysata kayd ku filan 12 maalmood oo keliya. Guddoomiyaha Ururka Xarumaha Shidaalka Kenya ee (POAK) Martin Chomba ayaa xaqiijiyay in boqolkiiba 20 ka mid ah 3,100 xarumood ee shidaalka ay durbaba go'een.


Xaaladda ayaa ka sii dartay markii Hay'adda Nidaaminta Tamarta ee (EPRA) ay bartamihii Maarso diidday in ay kordhiso qiimaha shidaalka muddo 30 maalmood ah, inkasta oo qiimaha caalamku uu kacay. Arrintan ayaa dhalisay in ganacsatadu ay qariyaan shidaalka iyaga oo rajaynaya in qiimuhu kaco bisha xigta, taas oo sii kordhisay cabsidii dadweynaha. POAK ayaa xukuumadda ugu baaqay in ay u oggolaato ganacsatada in ay shidaal ka iibsadaan shirkadaha gaarka ah. Kenya ayaa sidoo kale lagu qasbay in ay shidaal degdeg ah ka raadiso warshadda weyn ee Dangote ee dalka Naajeeriya si ay u buuxiso farqiga jira. Dhibaatadani waxay sii ballaadhinaysaa hoos u dhaca dhaqaale, waxayna culays weyn saaraysaa lacagta shilinka Kenya.


7. India:


A view showing congestion and motorcycle queues resulting from excessive panic buying at a fuel station in India.

In kasta oo uu yahay dal awood dhaqaale leh, Hindiya waxay si weyn ula daalaa-dhacaysaa saamaynta xidhitaanka Hormuz, iyada oo boqolkiiba 60 shidaalka aan la sifeeyn ka keensata Gacanka. Kaydkeeda istiraatiijiga ah ayaa ku filan oo keliya 9.5 maalmood, in kasta oo wadarta kaydkeeda guud uu gaadhayo 74 maalmood. Cabsi iibsi oo xad dhaaf ah ayaa ka dhalatay magaalooyinka waaweyn ee gobolada Gujarat, Maharashtra, Tamil Nadu iyo Telangana.


Si ay u ilaaliso macaamiisha kana hortagto sicir bararka xilli xukuumaddu ay raadinayso xasilinta muddo xileedkeeda afraad, dawladdu waxay hoos u dhigtay cashuuraha saaran shidaalka macaamiisha, waxayna cashuuro dheeraad ah saartay shidaalka diyaaradaha iyo naaftada ee dibadda loo dhoofiyo. Wasaaradda shidaalka ayaa ku dhawaaqday in ay xaqiijisay sahay 60 maalmood ah, iyada oo waddanku u weecday shidaal rakhiis ah oo ka yimaada Ruushka iyo Afrika, isla markaana ciidamada badda ee Hindiya u diray in ay galbiyaan maraakiibta isticmaalaysa waddooyinka kale ee badda si looga fogaado weerarada.

8. Myanmar:


Drivers to refuel at a station in Myanmar, as the country faces severe fuel shortage issues.

Waddankan oo la daalaa-dhacayay shan sano oo dagaal sokeeye ah tan iyo inqilaabkii milatari ee 2021, ayaa haatan wejiga ku dhuftay dhibaato shidaal oo ba'an oo dibadda kaga timid. Qiimaha naaftada ayaa gaadhay $1.80 litirkii bartamihii March. Xukuumadda milatariga ayaa soo rogtay nidaam qaddarin ah oo adeegsanaya koodhka diiwaangelinta ee (QR codes) si looga hortago in baabuurta si isdaba joog ah shidaal loogu shubo, balse arrintan ayaa keentay saxmad aad u weyn iyo safaf saacado qaadanaya.


Beeralayda bariiska ayaa waayay naafto ay ku kiciyaan cagaf-cagafyada, taas oo dhalin karta macaluul. Sidoo kale, shidaalkii diyaaradaha oo dalkani uu tiro badan ka keensan jiray Iiraan ayaa gabi ahaanba go'ay, taas oo sababtay in shirkadaha diyaaradaha ee waddanka gudihiisu ay baajiyaan duulimaadyo badan, shandadaha xaddidaan, qiimihii tikidhaduna uu saddex jibaarmo. Xukuumadda ayaa sidoo kale fartay shaqaalaha in ay guryaha ka shaqeeyaan maalmaha Arbacada si loo badbaadiyo shidaalka, in kasta oo ay ku andacoonayaan in ay hayaan kayd 50 maalmood ah.



Gunaanad

Xidhitaanka Marinka Hormuz iyo dagaalka isbahaysiga Maraykanka, Israa'iil iyo Iiraan waxa uu si dhab ah u kashifay jilicsanaanta silsiladaha saadka tamarta ee caalamka.Dhibaatadani ma aha oo keliya xiisad milatari iyo mid diblomaasiyadeed, balse waa duufaan dhaqaale oo burburinaysa dhabarka dambe ee waddamada soo koraya ee Aasiya iyo Afrika. Xukuumadaha dalalkan ayaa haatan lagu qasbayaa in ay qaataan go'aamo xanuun badan oo isugu jira in la xidho iskuullada, in la xaddido waxsoosaarka warshadaha, iyo in bulshada la baro nolol cidhiidhi ah oo aan ilaa hadda la saadaalin karin dhammaadkeeda.


Dhibaatooyinkani waxay adduunka ugu baaqayaan in la dedejiyo u guuridda ilo tamar oo madaxabannaan iyo kaydad istiraatiiji ah oo xajin kara naxdinta dagaallada iyo isbedbedelka siyaasadda caalamka.

bottom of page