top of page

Fahamka Dhaqaalaha Tamarta: Waa Maxay Sababta Uu Shidaalka Dalka Yaallaa U Qaaligaroobaa Xilliyada Xasaradaha?

Maalmihii u dambeeyay, xilli qiimaha tamartu uu cirka isku shareeray, waxaa fagaarayaasha iyo baraha bulshada si weyn looga maqlayay su'aal xaq ah oo ay dad badani isweydiinayaan: "Haddii shidaalkani uu yahay midkii hore u yiilay dalka oo lagu soo iibsaday qiimo jaban, maxaa xilligan loo qaalisaynayaa?"


Waa su'aal macquul ah oo dareenka bulshada ka turjumaysa. Balse, su'aashani waxay sidoo kale daaha ka rogaysaa in aan si dhab ah loo fahansanayn hab-dhaqanka suuqyada tamarta caalamka iyo aasaaska cilmiga dhaqaalaha (Economics). Si aan arrintan u iftiimino, waxaa lagama maarmaan ah in aan eegno xaqiiqada dhaqaale ee ka dambaysa ganacsiga, sababta ganacsatadu aanay doorasho kale u lahayn, iyo guud ahaan silsiladda saadka tamarta ee kasoo bilaabata ceelasha Sucuudiga ilaa ay ka soo gaadho kaalinta shidaalka ee xaafaddaada.


Understand the 2026 energy crisis through the lens of "Replacement Cost" and the global supply chain.

Cilmiga Dhaqaalaha: Waa Maxay 'Qiimaha Beddelka Kaydka' (Replacement Cost)?

Fahamka ugu weyn ee inaga maqani waa fikradda dhaqaale ee loo yaqaanno "Replacement Cost" ama Qiimaha Beddelka Kaydka. Ganacsiga shidaalku ma aha mid ku salaysan qiimihii shalay wax lagu soo iibsaday, balse wuxuu ku salaysan yahay qiimaha ay ku kacayso in berri la soo iibsado shidaal cusub oo lagu beddelo kan maanta la iibinayo.

Bal aan tusaale fudud u soo qaadanno mulkiile leh kaalin shidaal. Ka soo qaad in aad leedahay kaalin, waxaadna haantaada ku haysataa 1,000 litir oo baatrool ah oo aad maalmo ka hor ku soo iibsatay 8,000 oo shilin litirkii. Maanta, dagaal ayaa Bariga Dhexe ka qarxay, qiimihii suuqa adduunkuna wuu kacay, shirkaddii weynayd ee aad shidaalka ka gadan jirtayna waxay litirka jumlad ahaan ka dhigtay 12,000 oo shilin.


Haddii aad tahay mulkiile naxariis badan oo 1,000-ka litir ee aad haysato ku iibiya qiimihii hore ee 8,000 shilin, waxaad heli doontaa 8 milyan oo shilin marka haantu kaa faaruqdo. Subaxa xiga, marka aad damacdo in aad shidaal cusub soo iibsato si kaalintaadu u sii shaqayso, 8-daas milyan waxay kuu goynaysaa oo keliya qiyaasahaan 666 litir (maadaama litirku hadda yahay 12,000 shilin). Maalinta sii xigta 666-kaas litir ayaa faaruqaya, markaad iibisidna waxaad soo gadanaysaa litirro ka sii yar, ilaa aad gabi ahaanba kacdo (Bankrupt) oo kaalintaadu xidhanto. Si aad ganacsigaaga u sii waddo, una adeegto bulshada, waa in aad shidaalka aad maanta haysato ku iibiso qiimaha cusub, si aad awood ugu yeelato in aad iibsato kaydka berritoole.


Sidoo kale, shirkadaha waaweyn ee dalka keena shidaalka (Oil Importers) waxay wajahayaan xaalad taas la mid ah balse ka baaxad weyn. Shirkadahani waxay shidaalka ku soo iibsadaan malaayiin doolar. Marka ay markab shidaal ah keenaan dekedda Berbera, durbadiiba waxay bilaabaan in ay dalbadaan markabkii xigay si aanu dalku shidaal la'aan u noqon. Haddii qiimaha shidaalka adduunku uu kaco inta ay iibinayaan markabka koowaad, waa in ay qiimaha kordhiyaan kaydka u yaalla, si ay u helaan raasamaal ku filan oo ay ku soo iibsadaan markabka labaad ee qiimihiisu sare u kacay. Haddii aanay sidaas samayn, awood uma yeelanayaan in ay shidaal cusub soo dalbadaan, waana sababta ganacsatada loogu qasbo in ay qiimaha kordhiyaan xitaa kaydka hore u yaalla, si ay ula jaanqaadaan isbeddelka caalamka.

Silsiladda Saadka Tamarta

Si aynu dhumucda dhibaatada iyo isbedbedelka qiimaha u fahamno, waa in aynu si qoto dheer u darsanaa safarka dheer ee uu shidaalku soo maro. Shidaalku si fudud dalka kuma yimaado, wuxuuna soo maraa silsilad saadka ah oo aad u murugsan isla markaana isku xidhan (Supply Chain), taas oo ka kooban marxalado waaweyn oo min mid kharashkeeda leedahay.


Marxaladda Koowaad (Upstream):Ā Barta bilowgu waa Bariga Dhexe. Shirkadaha waawayn ee dunida sida Saudi Aramco ee dalka Sucuudiga ayaa dhulka iyo badda hoosteeda ka soo saara shidaal aan la sifeyn (Crude Oil). Tanni waxay u baahan tahay bilaayin doolar oo maalgashi ah si loo qodo ceelasha, loona hirgeliyo tiknoolajiyadda casriga ah ee shidaalka lagu soo saaro.


Marxaladda Labaad (Midstream iyo Downstream):Ā Shidaalka ceeydhin lama isticmaali karo iyada oo sideeda ah. Waa in dhuumo dhaadheer lagu geeyaa warshadaha sifaynta ee aadka u waaweyn (Refineries). Warshadahan dhexdooda ayaa saliiddii madoobayd lagu karkariyaa heerar kulayl oo kala duwan, si looga soo dhex saaro baatroolka, naaftada, gaaska diyaaradaha, iyo daamurka laamiyadda la saaro. Marxaladdani waa warshadayn culus oo u baahan kharash xad-dhaaf ah, kaas oo aakhirtka lagu daro qiimaha shidaalka.


Soo Dejinta Somaliland:Ā Shirkadaha Somaliland shidaalka soo dejiyaa ma iibsadaan shidaal ceeydhin, balse waxay soo iibsadaan shidaal sifaysan (Refined Products) oo diyaar ah, waana sababta ay macaamiishu u bixiyaan kharashka sifaynta. Ganacsatada dalku waxay dalbadaan malaayiin litir iyaga oo soo na ijaarta maraakiibta xambaarta shidaalka (Oil Tankers). Maraakiibtani waxay soo jeexaan biyaha caalamiga ah, waxaanay si toos ah u soo maraan Marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, ka hor inta aanay soo gelin Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.


Marka uu markabku si nabad ah ku soo gaadho dekedda Berbera, shidaalka waxaa si toos ah loogu shubaa haamaha kaydka ee dalka (Berbera Oil Terminal) . Halkan waxaa ku soo kordhaya kharashyo maaliyadeed oo waaweyn. Shirkadaha waxaa laga qaadaa cashuurta soo dejinta ee dawladda, kharashka kaydinta haamaha, iyo kharashyada maamulka dekedda. Ugu dambayn, ganacsatadu ama waxay uu wareejiyaan haamo ee gaar uu leeyihiin ama waxay kireeyaan booyado shidaalka u daabula magaalooyinka kala duwan ee dalka sida Hargeysa, Burco, Laascaanood iyo Boorama, iyaga oo bixinaya kharashka gaadiidka, ilaa uu shidaalkaasi ka soo gaadho haamaha kaalinta xaafaddaada. Qofka macaamiisha ahi marka uu shidaal iibsanayo, wuxuu bixinayaa wadarta kharashkaas dheer ee silsiladda saadka adduunka.

Suuqyada Shidaalka Caalamka: Yaa Go'aamiya Sicirka Tamarta?

Dad badan ayaa aaminsan in waddanka shidaalka soo saaraa uu isagu qiimaha go'aamiyo, balse xaqiiqadu taas way ka duwan tahay. Qiimaha shidaalka waxaa si madaxabannaan u go'aamiya suuqyada caalamiga ah ee ganacsiga (Commodity Markets), iyada oo la raacayo sharciga aasaasiga ah ee dhaqaalaha ee Saadka iyo Baahida (Supply and Demand).


Marka dalabka shidaalku uu bato (tusaale ahaan warshadaha adduunka oo si xawli ah u shaqeeya), qiimuhu kor ayuu u kacaa. Marka waxsoosaarku bato ama dhaqaalaha adduunku hoos u dhaco, qiimuhu wuu jabaa.


Intaas waxaa dheer, ururka waddamada dhoofiya batroolka ee loo yaqaanno (OPEC), oo Sucuudigu hormuud u yahay, ayaa awood weyn ku leh isku-dheellitirka qiimaha. Haddii qiimuhu dhaco, dalalka OPEC waxay isku raacaan in ay yareeyaan inta foosto ee ay maalin kasta dhoofiyaan, si suuqa uu shidaalku ugu yaraado, qiimuhuna dib ugu kaco. Sidoo kale, qiimaha shidaalka la sifeeyay ee Somaliland timaada waxaa saldhig u ah halbeegga shirkadaha qiimaynta madaxabannaan sida (Platts), iyo qiimaha tixraaca ee saliidda caalamka ee (Brent Crude). Ganacsadaha maxalliga ahi malaha awood uu ku gorgortamo qiimaha guud; wuxuu ku qasban yahay in uu bixiyo qiimaha shaashadaha adduunka ka soo muuqda maalinta uu wax iibsanayo.


Maxaa Keena In Qiimuhu Si Kedis Ah Isu Beddelo?

Ganacsiga shidaalku waa kan ugu xasaasisan uguna isbedbedelka badan adduunka, waxaana si degdeg ah u ruxi kara dhowr arrimood oo isbiirsaday:


Colaadaha iyo Siyaasadda (Geopolitics):Ā 

Shidaalka adduunka intiisa badani wuxuu ka yimaadaa gobollo aan xasiloonayn. Tusaale cad waa dagaalka haatan dhex maraya isbahaysiga Maraykanka, Israa'iil iyo Iiraan, iyo go'aanka ay xukuumadda Tehraan ku xidhay Marinka Hormuz. Xidhitaanka marinkani waxa uu suuqa caalamka ka saaray qiyaasahaan 20 milyan oo foosto oo saliid ah maalin kasta (oo u dhiganta boqolkiiba 20 shidaalka adduunka). Marka waxsoosaarkii adduunku intaas le'eg hoos u dhaco si lama filaan ah, dhibic kasta oo shidaal ah oo dunida taallaa qiimaheedu kor ayuu u kacayaa saacado gudahood, sababtoo ah baahidii ayaa ka badatay sahaydii la heli karayay.


Kharashka Gaadiidka Badda iyo Ceymiska (Shipping and Insurance Costs):Ā 

Marka ay baddu dagaal gasho ama marinadu xidhmaan, maraakiibta shidaalka qaadaa waxay wajahaan halis ah in la beegsado ama lala wareego. Shirkadaha ceymiska adduunku waxay durbadiiba si xad-dhaaf ah kor ugu qaadaan lacagaha ceymiska ee loo yaqaanno khidmadda halista dagaalka (War risk premiums). Sidoo kale, milkiilayaasha maraakiibtu waxay qaaliyeeyaan kirada markabka maadaama ay waddooyin dhaadheer u marayaan si ay uga fogaadaan goobaha halista ah. Kharashkan dheeraadka ah ee la saaray markabka iyo ceymiska, waxaa si toos ah loogu daraa qiimaha litirka shidaalka ah ee lagu iibinayo dekedda Berbera.


Awoodda Sarrifka Doolarka (Currency Fluctuations):Ā 

Suuqyada caalamka, shidaalka waxaa lagu kala iibsadaa oo keliya Doolarka Maraykanka (Petrodollar). Sidaas darteed, isbedbedelka sarrifka lacagaha ayaa si toos ah u beddela qiimaha inagoo aan dareemin. Ganacsatada Somaliland waa in ay helaan doolar si ay shidaal u soo iibsadaan. Haddii qiimaha doolarku uu adkaado, waxay la macno tahay in la bixinayo lacag shilin Somaliland ah oo aad u badan si loo helo isla xaddigii shidaalka ahaa ee shalay la iibsan karayay. Arrintani waxay si toos ah dalka gudihiisa uga abuurtaa sicir barar macmal ah, xataa haddii qiimaha saliiddu aanu caalamka iska beddelin.

Gunaanad

Waa xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah in sicir bararku uu dhibaato iyo culays weyn ku hayo muwaadin kasta. Balse waa in aan fahamnaa in suuqa xorta ah ee tamartu uu leeyahay sharciyo adag oo caalami ah. Ganacsatada maxalliga ahi ma aha kuwo go'aamiya qiimaha adduunka, lamana weydiin karo in ay hantidooda khasaare u beddelaan, waayo taasi waxay dalka dhaxalsiinaysaa shidaal la'aan gabi ahaanba curyamisa isku socodka iyo nolosha aasaasiga ah. Fahamka qotada dheer ee silsiladdan murugsan iyo dabeecadda suuqyada caalamiga ah ayaa inaga caawinaya in aan si dhab ah u aragno in sicir bararka tamartu uu yahay hirar ka imanaya dhacdooyin caalami ah oo ka baxsan awoodda maamul iyo midda ganacsi ee dalkeena.


bottom of page