top of page

Maxaa Ku Adkeeyay Siyaasiga Soomaaliyeed Inuu Is Casilo Markuu Fashilmo?

Isbarbardhig qoto dheer oo u dhexeeya dalalka ay is-casilaaddu ka tahay astaan mas’uuliyadeed iyo dhaqanka siyaasadeed ee Soomaalida oo aan lahayn isla xisaabtan muuqda, iyadoo la iftiiminayo dhacdooyin amni, dhaqaale iyo bulsho oo sababi lahaa xil ka degid iyo baaritaan qaran haddii ay meelo kale ka dhici lahaayeen.

Maxaa ku adkeeyay in siyaasintu Soomaaliyeed is casilaan marka fashil, qalad weyn, ama fadeexad ku timaado?


Abstract painting of a politician

Sida aan badanaa aragno, siyaasiga Soomaaligu wuxuu is casilaa oo keliya marka dano siyaasadeed ku khasbaan, sida khilaaf xisbigiisa dhexdiisa ah, loollan awood, ama isku shaandhayn kuraas oo uu isagu u arko fursad uu ku badbaado. Laakiin marnaba ma dhacdo inuu siyaasi Soomaaliyeed is casilo isagoo shacabkiisa u tudhaya, ama isagoo si cad u qiraya in uu gudan kari waayay mas’uuliyaddii loo xil saaray.


Marnaba ma dhacdo inuu is casilo marka go’aannadiisu shacabka waxyeeleeyaan, ama marka uu dhib toos ah ama mid dadban geysto. Xitaa marka fashilkiisu muuqdo, ama fadeexaddu wajigiisa ku dhacdo, waa yartahay inuu cafis shacabkiisa weydiisto, ama uu qaato mas’uuliyadda waxa dhacay.


Tani kuma koobna siyaasiyiinta oo keliya. Qof kasta oo xil ummadeed haya, haddii uu khalad galo, inta badan islama xisaabtamo. Sida keliya ee uu ku tago waa in maamul ka sarreeya ka qaado, ama in xaalad siyaasaddu is beddesho. Taasi waxay dhalisay dhaqan khatar ah oo ah in xilku noqdo ā€œhanti la haysto,ā€ halkii uu ka ahaan lahaa ā€œaaminaad la qaado.ā€ Taasi waxay muujinaysaa in nidaamkeenna siyaasadeed aanu ku dhisnayn masuuliyad shakhsiyeed, balse uu ku tiirsan yahay awood sare oo kormeeraysa. Su’aashu waxay tahay, ma taas baa dimuqraadiyad ah?


Haddaba, ka hor intaanan u gelin dhacdooyinka ka dhacay dhulka Soomaalida, kuwaas oo adduunka meel kale sababi lahaa is casilaad, xil ka qaadis, ama baaritaan culus oo sharci, bal aan marka hore eegno tusaalooyin caalami ah oo muujinaya in is casilaaddu tahay qayb ka mid ah mas’uuliyadda, isla markaana ay tahay dariiq lagu ilaalinayo hay’adaha iyo kalsoonida shacabka.



Is Casilaaddu Waa Dhaqan Mas’uuliyadeed: Tusaalooyin Caalami Ah

Dunida badan, is casilaaddu ma aha in qofku ā€œcabsado,ā€ ama ā€œdaciifo,ā€ balse waa hab ay hay’aduhu isku ilaalinayaan. Qofka xilka haya waxa lagu qaddariyaa in uu qaato mas’uuliyadda guud, xitaa haddii uusan isagu shaqsi ahaan falka geysan. Waxaa la yiraahdaa, hoggaanku waa masuuliyad, masuuliyadduna waxay la timaaddaa cawaaqib.



1. Taliyayaal Booliis oo Is Casilay: Mas’uuliyadda Dhibaatada Shacabka


Japhet Koome, Kormeeraha Guud ee Booliiska Kenya (2024)Ā Kenya waxaa ka dhacay mudaharaadyo waaweyn oo lagu diidanaa siyaasado maaliyadeed iyo canshuuro la soo jeediyay. Booliisku waxay adeegsadeen xoog xad dhaaf ah, waxaana jiray dhimasho iyo dhaawac ka dhashay rabshadaha iyo rasaasta. Cadaadis shacab, mid bulshada rayidka ah, iyo mid siyaasadeed ayaa si xooggan u kacay, ugu dambayn Madaxweynaha Kenya wuu aqbalay is casilaadda Kormeeraha Guud ee Booliiska, Japhet Koome, ka dib cambaarayn xooggan oo ku saabsan sida ciidanku u wajahay mudaharaadyadaas.


Qodobka muhiimka ah ee halkan ku jira waa kan: Koome ma ahayn askarigii rasaasta riday, laakiin wuxuu ahaa madaxii hay’adda. Dunidaas, madaxa hay’addu wuxuu qaadaa mas’uuliyadda natiijada, ma aha oo keliya amarka.


Erika Shields, Taliyihii Booliiska Atlanta (2020) Markii Rayshard Brooks, oo ahaa muwaadin aan hubaysnayn, lagu dilay gacan booliis, waxay keentay cadho shacab iyo su’aalo culus oo ku saabsan isticmaalka awoodda. Taliyihii booliiska magaalada, Erika Shields, waxay isku casishay saacado gudahood. Is casilaaddeedu waxay astaan u noqotay mabda’ ah in hoggaanku uu u taagan yahay mas’uuliyadda guud, iyo in dhacdo hal qof ah ay noqon karto fashil nidaam iyo hoggaan.


Halkan waxaa ka muuqata farqi weyn: dalal badan, hal muwaadin oo si khaldan loo dilo ayaa keena in hoggaanka amnigu isku arko in uu xilka banneeyo, si loo muujiyo in dhibaatada shacabka aysan ahayn wax la dhayalsan karo.



2. Hoggaamiyeyaal Is Casilay Xil Gudasho La’aan awgeed: Markii Ballanqaadkii Qaran La Fulinkari Waayay


Theresa May, Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska (2019) Theresa May waxay xilka ka degtay kadib markii ay ku guul-darraysatay in ay hirgeliso qorshihii Brexit, oo ahaa ka bixitaanka Midowga Yurub. Arrintu waxay gashay qalalaase siyaasadeed, Baarlamaankuna wuu diiday heshiisyo ay soo bandhigtay. Ugu dambayn, waxay qiratay in ay gaadhi weyday isku raac qaran, waxayna ku dhawaaqday is casilaad. Halkan, is casilaaddu waxay noqotay aqoonsi ah in hoggaanku uusan awoodin inuu fuliyo waajibkiisii ugu weynaa ee lagu doortay.



3. Is Casilaado Ka Dhashay Fashil Amni: Markii Dowladdu Ku Fashilanto Ilaalinta Muwaadiniinta


Mid ka mid ah tusaalooyinka si adag u muujinaya mas’uuliyadda hoggaanka, waa waxa ka dhacay Israel kadib weerarkii 7-da Oktoobar 2023. Weerarkaasi wuxuu noqday fashilaad amni iyo sirdoon oo waaweyn, waxaana ka dhashay su’aalo ku saabsan diyaar garow, digniino la dayacay, iyo nidaam ka gaabiyay ilaalinta shacabka.


Waxaa la arkay in saraakiil sare oo ka tirsan laamaha amniga ay bilaabeen in ay qaataan mas’uuliyadda fashilka:

  • Maj. Gen. Aharon Haliva, madaxa sirdoonka militariga, wuxuu is casilay isagoo sheegay in uu ku fashilmay ka hortagga weerarka.

  • Lt. Gen. Herzi Halevi, taliyaha guud ee ciidamada, wuxuu ku dhawaaqay in uu xilka ka degayo, isagoo qirtay fashilka weyn ee 7-da Oktoobar iyo mas’uuliyadda ka saaran hoggaanka.


Qodobka aad u weyn ee halkan ka muuqda waa: iyagoo haysta awood ciidan, taageero ballaadhan, iyo hay’ado xooggan, haddana waxay qireen in hoggaanku uusan ka baxsaneyn mas’uuliyadda. Haddii taas lagu dhaqmo, maxaa keenaya in dhulka Soomaalida laga waayo xitaa ā€œqirasho,ā€ aan ka tagnee is casilaad?


Deegaanadda Soomaalida Maxaa Ka Dhacay oo Adduunka Meel Kale Sababi Lahaa Is Casilaad?


Kuwani waa wax yar oo ka mid ah dhacdooyinka ka dhacay deegaanada Soomaalida, kuwaas oo dalal kale sabab uu ahaan lahaa in masuuliyiin xilalka ka degaan, baaritaanno qaran la furo, ama ugu yaraan la helo qirasho iyo mas’uuliyad qaadis.


Haddii la isku dayo in la tiriyo falalka, khaladaadka, iyo go’aannada siyaasadeed ee sababay dhimasho, burbur hantiyeed, qalalaase amni, iyo dhaawac ku yimid kalsoonida shacabka, balse aan cidna lagula xisaabtamin, waxaa suuragal noqon lahayd in laga qoro buugaag buuxin kara maktabad dhan. Inta badan dhacdooyinkaas waxay ku dhammaadaan hadal kooban, eedayn is dhaafsi, ama waqti si tartiib ah u tirtira xusuusta, iyada oo aanay jirin cawaaqib siyaasadeed oo muuqda.


1. Qaraxyada Muqdisho iyo Fashilka Amniga

Markasta oo qarax weyn ka dhaco Muqdisho, gaar ahaan meelaha la sheego inay si adag u ilaaliyaan hay’adaha amniga, waxa dhaca waa murugo, baroordiiq, iyo hadallo tacsi ah. Laakiin su’aasha aasaasiga ahi waa: yaa qaata mas’uuliyadda nidaamka fashilmay?

Soomaaliya, inta badan, masuul amni ama sirdoon ma is casilo, lamana arko xisaabtan muuqda oo sheegaya: ā€œTani aniga ayaa mas’uul ka ah.ā€ Natiijadu waa in qaraxyadu noqdaan dhacdooyin soo noqnoqda, halka mas’uuliyaddu noqoto wax aan cidna qaadin.


2. Isku Dhaca Laamaha Ciidanka ee Puntland iyo Khasaare Shacab

3. Dilalka Soo Noqnoqda ee Askartu Isku Disho

Dhacdooyinka askari askari kale dilo, ama dhacdooyin la xidhiidha anshax darro ciidan, marka ay noqdaan wax soo noqnoqda, waxay ka dhigan yihiin fashil nidaam, tababar, maamulka hubka. Halkan, dhibaatadu ma aha oo keliya ā€œdilaagaā€ oo la qabto, ee waa su’aal ku saabsan hoggaanka ogolaaday in dhaqankan xun ku faafo.


4. Musuqmaasuqa Gargaarka: Fadeexadaha Raashinka Deeqda ee WFP

Haddii fadeexad caalami ah oo sidan u culus dhacdo, yaa iska casila? yaa shacabka u sheegay in uu qaadanayo mas’uuliyadda? yaa xilka banneeya si loo muujiyo in aan la aqbalayn dhaqankaas? Badanaa, jawaabtu waa: qofna.


5. Imtixaanaadka oo Suuqyada Lagu Iibsado

Marka imtixaan qaran suuqa lagu iibiyo, taasi waa burbur ku yimid anshaxa waxbarashada, kalsoonida shahaadooyinka, iyo mustaqbalka dhalinyarada. Hase yeeshee, marka dhaqankan ka dhaco dhulka Soomaalida, inta badan wuxuu ku dhammaadaa hadal, eedayn hoose, iyo in ardaydii qish lagu maago, iyada oo aan la helin mas’uul si cad u qaata masuuliyadda.


6. Sicir Barar iyo Sarif Jab: Mas’uuliyad La’aan Dhaqaale

Weligaa ma aragtay guddoomiyaha bangiga qaranka oo is casilay, ama xitaa raalli gelin bixiyay, marka sicir bararku faraha ka baxo ama sarifku jab weyn ku dhaco?


Haddaba, Gaar Ahaan Somaliland Maxaa Ka Dhacay ooĀ  Adduunka Meel Kale Sababi Lahaa Is Casilaad Ballaadhan?


1. Las Anod: Amni Darro

Markii amniga Las Anod la sugi kari waayay, banaanbaxyo bilaabmeen, kadibna xaaladdu isu rogtay colaad ballaadhan, mas’uuliyiintii loo xil saaray inay xaaladda xakameeyaan ma is casilin, raali gelin ma bixiyeen?


2. Goojacade: Jab Ciidan Iyo Dhul Gacanta Ka Baxay

3. Hargeisa: Mudaharaadyo, Shacab Lagu Laayay

Marka shacab mudaharaadaya la laayo, oo dhimasho iyo dhaawac dhacay, dalal badan taliyahooda booliiska ama wasiirka arrimaha gudaha ayaa xilka ka degi lahaa, ama la hor geyn lahaa guddi baadhitaan, kadib na maxkamad. Hase yeeshee, dhaqanka Soomaalida, arrin noocaas ah waxay inta badan ku dhammaataa ā€œmag la kala qaatay,ā€ taas oo ka dhigan in dhibaatadii shacabka loo beddelay heshiis bulsho, halkii ay noqon lahayd mas’uuliyad dowladeed.


Halkan waxaa ku jira dhaawaca ugu weyn ee dhaqanka: shacabka waxaa la tusayaa in nafta muwaadinku ay ka qiimo jabantahay kursiga masuulka.


4. Komishanka Doorashooyinka: Fashil Wakhtiyeed iyo Indho AdaygĀ 

Dhulka Soomaalida, marar badan, komishanku wuxuu dalbadaa muddo kordhin, isagoo aan qaadan mas’uuliyadda in uu ku fashilmay shaqadii ugu weynayd ee loo xilsaaray.


5. eVisa: Maamul Xumo iyo Been

Markii arrinta eVisa bulshada lagu soo rogay, dooddaasu waxay xambaarsan tahay laba qodob: mid waa habka loo maamulay, midna waa sida masuuliyiintu u wajahayeen. Halkii laga filayay daahfurnaan iyo run sheegid, waxaa muuqday marin habaabin iyo isku day in guul been ah la sheegto, inkasta oo shacabka weli saameynta eVisa dareemayaan. Marka masuul awoodi waayo inuu difaaco dan shacab, waxa laga filan karaa inuu kursiga banneeyo, ama ugu yaraan bulshada u caddeeyo waxa dhacay. Taasi ma dhicin.


6. Xeer Ciise: Hal Go’aan oo Magaalada Boorama Gubay

Arrinta Xeer Ciise waxay noqotay tusaale muujinaya sida hal go’aan dowladeed oo si degdeg ah loo shaaciyo uu u kicin karo dareen bulsho, una uu baddali karo wax khilaaf siyaasadeed iyo dhaqan ku boobnaa mid isu roga rabshad, dhimasho, iyo burbur hantiyadeed. Xiisaddu waxay ka dhalatay markii xukuumaddu ku dhawaaqday in munaasibad la xidhiidha buugga ā€œXeer Ciiseā€ iyo xuskiisa lagu qabanayo magaalada Saylac, kadib maalmo muran iyo is jiid jiid ah oo ku saabsan in la fasaxo ama la joojiyo. Wararku waxay tilmaameen in xukuumaddu mar fasaxday munaasibadda, mar joojisay, ka dibna mar kale si lama filaan ah dib ugu fasaxday.


Markii fasaxaasi soo baxay, mudaharaadyo waaweyn ayaa ka qarxay Boorama, waxaana si degdeg ah u kacay cadho iyo isku dhac u dhexeeya dad mudaharaadayay iyo ciidammada amniga oo sababtay dhimasho iyo dhaawac. Magaalada dhexdeeda waxaa ka dhacay gubasho iyo khasaare hantiyeed, ganacsiyo iyo hanti dadweyne ayaa waxyeello gaadhay.Ā 


Haddaba, halka ay dawladdu ugu dambayn joojisay munaasibaddii, su’aasha maqaalkan udub-dhexaadka u ah waxay ahaanaysaa tan: yaa qaata mas’uuliyadda go’aankan keenay dhimasho, dhaawac, dab, burbur ganacsi, iyo dhaawac ku yimid kalsoonidii amniga magaalada? Dal kale, wasiirka, taliyaha hay’ad amni, ama masuul sare oo go’aankaas ku lug lahaa wuxuu la kulmi lahaa baaritaan hufan, xil ka qaadis, ama is casilaad siyaasadeed.


Halkan se, dhacdo sidan u weyn waxay u muuqataa mid mar kale ku dhammaatay hadal, eedayn is tuur tuur, iyo in aan la helin masuul si cad u yidhaahda: ā€œArrintan aniga ayaa ka masuul ah, xilkaanna waan banneynayaa.ā€

Dhibaatadu Mas’uuliyiinta oo Keliya Maaha, Shacabkuna Wuxuu Ku Leeyahay Lug


Indho adayg iyo damiir la’aan waxay noqdeen astaamo si muuqata uga dhex iftiimaya siyaasadda Soomaaliyeed. Laakiin runta adag ayaa ah in dhibaatadu ku koobnayn masuuliyiinta oo keliya. Shacabkuna wuxuu ku leeyahay qayb aan la iska indho tiri karin.


Markasta oo la isku dayo in masuul lala xisaabtamo, waxa si degdeg ah u bilaabma difaac ku dhisan qabiil. Marka la yidhaahdo, ā€œmas’uulkan shaqadiisii ma gudan,ā€ waxa lagu jawaabaa, ā€œreer hebel ayaa la beegsanayaa.ā€ Su’aashii ku saabsanayd xil gudasho la’aanta ayaa isu beddesha dood ku saabsan hayb iyo beel. Sidaas ayay mas’uuliyaddii uga leexataa shaqada iyo waajibka, una noqotaa difaac shakhsiyeed oo qabiil ku salaysan.

Marka xaaladdu sidaas noqoto, masuulku ma dareemayo cadaadis siyaasadeed ama mid shacab oo ku khasbaya in uu qaato mas’uuliyadda. Wuxuu dareemayaa in uu haysto gaashaan aan sharci ahayn balse ku dhisan qabiil. Is casilaaddu ma noqoto astaan mas’uuliyadeed, ee waxay isu beddeshaa wax loo arko ceeb qabiil ama jab kooxeed.


Halkaas ayay ku burburtaa fikraddii aasaasiga ahayd ee dowladnimo: in xilku yahay amaah ay ummaddu bixisay, oo lagu soo celiyo kalsooni haddii si hufan loo maamulo, laguna waayo haddii lagu fashilmo. Marka xilka loo arko xuquuq la kasbaday ama hanti gaar loo leeyahay, la xisaabtanku wuu adkaadaa, is casilaadduna waxay noqotaa wax aan la malayn karin.


Inta dhaqankaasi jiro, is casilaadduĀ  iyo masuuliyad qaadasho iyo isla xisaabtan dhab ah lagama arki doono deegaanada soomaalida.


Gabagabo


Is casilaaddu maaha in qofku uu ka baxsaaday xisaabtan. Waa dariiq lagu yidhaahdo:

ā€œXilkan anigaa ayaa qaaday, waana aqoonsanahay in aan ku fashilmay, haddaba hay’adda ha sii noolaato oo, shacabka kalsooni aan dib ugu abuuree, waan is casilay.ā€

Ugu dambayn, su’aashu ma aha oo keliya, ā€œmaxaa ku adkeeyay siyaasiga Soomaaliyeed inuu is casilo?ā€ Su’aasha dhab ah waa: ā€œmaxaa inaga naga joojinaya in aan ku khasbno in uu is casilo?ā€


Haddii aynaan maanta dhisin dhaqan is xisaabtan, berri fashil walba wuxuu noqon doonaa caadi, qalad walbana wuxuu heli doonaa cudurdaar, dhiig walbana wuxuu ku dhammaan doonaa mag.


Qaran aan isla xisaabtamin, mustaqbal ma dhisto.

bottom of page