Diwaangelintii Doorashooyinka Somaliland oo Dib u Dhacaya
- Hassan Gallaydh

- Feb 1
- 2 min read
Updated: Feb 6
Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa shaacisay in doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka aan lagu qaban karin wakhtigii loo asteeyay, iyada oo sabab uga dhigtay caqabado la xidhiidha abaaro, nabadgelyo, iyo khilaafaad siyaasadeed oo ku saabsan diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.
Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqday in aanay doorashada Wakiillada iyo deegaanka ku qaban karin xilligii loo asteeyay ee bisha May ee sannadkan.
Guddida ayaa dalbatay muddo kordhin 10 bilood oo ka bilaabmanta 31-may 2026, si loo dhammaystiro hawlaha qabyada ah. Taas oo ka dhigaysa wakhtiga cusub ee doorashooyinka March 31, 2027.
Madaxweyanaha ayay u gudbin doonaan codsigooda kadibna madaxweynaha ayaa u sii gudbinaya golaha Guurtida Somaliland.

WAR-SAXAAFADDEED
Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (KDQ) waxa uu si rasmi ah u ogeysiinayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, hay'adaha dawliga ah, axsaabta siyaasadda, ururrada bulshada rayidka ah, iyo dhammaan daneeyayaasha doorashoinka in Doorashoinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka, oo hore loogu qorsheeyay 31-ka May 2026, isla markaana ay ka hadhsan tahay afar (4) bilood.
KDQ JSL, isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah iyo awoodihiisa sharci, sida ku cad Xeerka Guud ee Doorashoinka Qaranka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha (Xeer Lr. 91/2023), gaar ahaan qodobbada u xilsaaraya Komishanka cayimidda wakhtiga doorashoinka iyo hubinta in dhammaan shuruudaha sharci, farsamo, iyo amni la buuxiyo ka hor qabsoomidda doorasho kasta, waxa uu sameeyay qiimeyn dhammaystiran oo ku saabsan xaaladda dalka.
Kadib markii KDQ si qoto dheer u dersay xaaladda guud ee dalka JSL, waxa uu garwaaqsaday jiritaanka caqabado waaweyn oo si toos ah u saamaynaya suurtogalnimada qabsoomidda doorashoyin xor, xalaal, oo la isku halayn karo. Caqabadahaas waxa ka mid ah:
Abaaro baahsan oo ka jira gobollada dalka, kuwaas oo sababay barakac ballaadhan, gaar ahaan dadka ku nool deegaanada miyiga, taas oo si toos ah u carqaladaysay diyaargarowga diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.
Arrimo nabadgalyo oo ka taagan qaybo ka mid ah dalka, kuwaas oo u baahan tixgelin buuxda ka hor hirgelinta hawlaha doorashoyinka.
Kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo ku saabsan nooca iyo hannaanka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, taas oo qaadatay waqti dheer isla markaana saamayny ku yeelatay jadwalkii hore loo qorsheeyay.
Iyadoo la tixraacayo qodobbada sharciga ah ee khuseeya, isla markaana la eegayo xaaladaha jira, Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL waxa uu go’aamiyay:
In Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee loo asteeyay 31-ka May 2026 aan lagu qaban karin wakhtigaas.
In KDQ JSL farsamo ahaan u baahan yahay muddo toban (10) bilood oo dheeraad ah, oo ka bilaabmaysa 31-ka May 2026, si loo suurtogeliyo qabsoomidda doorashoyin buuxiya dhammaan shuruudaha sharci, farsamo, iyo amni.
Inta lagu jiro muddadaas, KDQ JSL waxa uu fulin doonaa:
Dhammaystirka dhammaan arrimaha farsamo ee la xidhiidha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, oo ay ku jirto kor-u-qaadista tayada xogta cod-bixiyeyaasha iyo casriyaynta qalabka iyo habraacyada diiwaangelinta.
Diyaarinta iyo hirgelinta dhammaan hawlaha lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashooyinka Golaha Wakiillada JSL iyo Golayaasha Deegaanka JSL, si ay u noqdaan doorashoyin waafaqsan Dastuurka JSL, xeerarka dalka, iyo halbeegyada caalamiga ah.
KDQ waxa uu caddeynayaa in go'aankani ku salaysan yahay qiimeyn sharci, farsamo, iyo mas’uuliyad qaran, ujeeddadiisuna tahay ilaalinta hufnaanta geeddi-socodka doorashoyinka, kalsoonida shacabka, iyo sumcadda nidaamka dimuqraadiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Allah Mahad Leh



