top of page

Cadaalad Dib Loo Dhigay: Baaq Qaran oo ka Yimid Reer Awdal

Qoraalkan Xil Maxamed Abiib waa baaq si cad u qeexaya cabashada taariikhiga ah ee Reer Awdal, kuna dalbanaya wada-hadal qaran, awood-qaybsi caddaalad ah, iyo dib-u-habaynta wadajirka Somaliland ka hor inta aan dib-u-dhac kale dhalin kala-qaybsanaan iyo khasaare aan laga soo kaban karin.



Xil Maxamed Abiib.


Dooddayadu waa in Somaliland si dhab ah loo wada yeesho, awood qaybsigeedana la saxo, si Cadaalad ahna loogu sinnaado.


Wakhti kuma xidhna, xilli iyo sannad toona kuma xidhna. Waa dood iyo gar markasta taagan illaa ay saxmayso. Waa dood iyo gar aanaan cidna abaal kaga rabin, cidna aanaan ku colaadinayn, gu'gan maanta ahna aan dhaafi karayn. Waa xaqayagii oo si u kas ah la iskaga dhagomarinayo oo aanaan markan sinaba uga tanaasulayn.



Dooddaasi waxaa qaba dadkayga reer Awdal siday u dhanyihiin yar iyo weyn meel ay joogaan ba. Waana rabitaan sii xoogaysanaya maalinkasta iyo waqti kasta hadaan maanta la dhagaysana keeni kara wax aan qofna u dan ahayn.


Doodani gaamurtay muddo dheer ayaa la iska dhagomarinayay. La furfurayay, isla markaana marwalba laga dhiganayay jid loo maro awoodda iyo xilalka. Dariiqaasi wuu soo dhamaaday. Maanta waxaa u taagan jiil aan gabashada aqoon oo aan akhriyin fartii hore ee shaqayn jirtay. Jiil maalin cad labaatan labaatan ugu dhintay dooddan maalin cad. Jiilkaas inaan codkooda kor u qaado, mar kaste makarafoon u ahaado, isla markaana metelo danahooda iyo himiladooda ah in ay Somaliland xaqooda ka helaan, waa nasiib Illaahay igu simay oo aan diyaar u ahay inaan la dhamaysto ilaa ilbidhiqsiga ugu danbeeya noloshayda.


Aniguna, doodan waxan soo waday taniyo sanadkii 2010, Hortayana waxa waday Dadkale oo ay kamid ahaayen ragii wadankan wax ka dhisay.


Dadka aan dooddan u babac dhigi karin, ama se qalbiga ka raba inaanay meelmarin ama midho dhalin dooddani, waxay ku dedaalayaan marin habaabinta iyo magacyo u raadinta dooddan adag ee xaqa ah.


Waxay idiinku soo dhuuman doonaan magac aqoonyahan, falanqeeye, siyaasi IWM. Waa dad intellectually lazy ah oo aad u aragti gaaban. Waxayna qabsanayaan xadhko aad u jilicsan. Waxay isku dayayaan in ay dooddan abbaarteeda weeciyaan. Magacyo aan qaban u bixiyaan oo ku shaambadeeyaan dood iyo qaddiyad shisheeye ama awrkacsi dano shaqsiyeed laga leeyahay. Kuwaas waa kuwii shalay lahaa "Dhulbahante muxuu sheegi". Waa kuwii indhaheenna oo shan ah Laascaanood diray. Kuwa noocaas ah ee doodaha masiiriga ah ku jeesjeesa, wakhtiga oo qudha ayaa wax bara oo macallin u noqda.


Anigu Xildhibaan Maxamad ahaan, waxaan u dhaartay wakiilnimda Dalkeena, dadkeena iyo deegaankayga ee Golaha Wakiilada Somaliland.


Masuuliyaddayda koobaad waa inaan si bilaa hagrasho ah u matalo danohooga goor kasta iyo goob kasta. Kuma shaqeeyo dareen ku dhisan jacayl iyo nacayb ee lagu raali galiyo kolba cida dalka maamusha. Bil caksi, waxaan ku shaqeeyaa dareenka dadka aan matalo iyo wixii aan u arko inuu Adkaynayo Waddajirka iyo Midnimada Shacabka Jamhuuriya Somaliland


Dadkayguna maanta wuxuu qabaa dood aan meel loo dhaafi karaa jirin, taas oo aan laga yaabin inay qabowdo mooyane inay dhimato, markasta oo ay sii daahdana laga dhaxli maayo waxan dhimasho iyo kala dhimasho ahayn.


Xalka kaliya ay leedahayna, waa in laga wada fadhiisto oo wax la isku ogyahay oo qoran lagaga heshiiya. mana ah dood ku dagaysa Wasiir iyo laba la kordhiyo oo uu magacabo M.wayne markaa Xafiiska joogaa,balse waxay ku dagi heshiis gun iyo baar ah ay galaan Dadka wadankan wadalihi.


Waxan kaga baxayaa Tixdan Gudgude ee Hadrawi AHN.


Galab noolba ooddeedu waa , gudinta loo hay-ye

Nin gufeeya mooyiye ma jirin, ruux gunaanadaye

Gelbiskeeda oo qudha hadduu, tacabku kuu gooyo

Adigoo gadaashaday hadday , guure kugu dhaafto

Gommodkiyo yaboohdeedu way, goora badataaye

Haddii aan gantada loo adkayn, amase gaafaanta


Guddo iyo waxay yeelataa, gulufo shaydaane

Gaadaa dhexdeedaba ka kaca, maalin gelinkeede

Gacmaa lagu xejaa amase way, galab dhaqaaqdaqye

Waa lagu gam’aa amase way, geeri badisaaye

Gob baa lagu noqdaa amase waa, lagu gumoobaaye.

Garan maayo maalmaha intuu, soor gad leeyahaye


Mar hadduu gidaad bahal qabaa, gaajo kula ciiro

Gujo-dhaadhigeediyo hadduu, taabo gorofkeeda

Waxba kama go’aan ruux ku shubay, xeedho gudaheede

Hadduu gaar u maamulo qof, waa geel nin leeyahaye

Inkastoo gantaal iyo wed iyo, gawrac lagu hooyo

Meel loo gun-raaciyo haddaan, gogol dhig loo yeelin

Mar haddaan garaad loo lahayn, wayska gubataaye

Geedkeed ba’waa sixir haddaan, garasho hilayne.

bottom of page