top of page

Maraykanka Oo Cunaqabataynta Ka Qaaday Shidaalka Iiraan Xilli Qiimihiisu Cirka Isku Shareeray

Washington D.C. — Tallaabo siyaasadeed oo si weyn loola yaabay, isla markaana ka leexanaysa siyaasaddii soo jireenka ahayd ee Maraykanka, ayay Waaxda Maaliyadda ee dalkaasi waxay cunaqabataynta uga qaaday malaayiin foosto oo ah shidaalka Iiraan, kaas oo haatan saaran maraakiibta ku xanniban badaha caalamka. Go'aankan ayaa yimid xilli maamulka Madaxweyne Trump uu la tacaalayo saamaynta ba'an ee uu dagaalka Iiraan ku yeeshay suuqyada tamarta ee adduunka.


Xoghayaha Waaxda Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, ayaa ku dhawaaqay oggolaansho muddo kooban ah oo si gaar ah loogu talagalay in lagu iibiyo shidaalka Iiraan ee haatan badda ku xanniban. Oggolaanshahan oo socon doona ilaa 19-ka bisha Abriil ee sannadkan, ayaa la filayaa in uu suuqyada caalamka si degdeg ah u soo geliyo ilaa 140 milyan oo foosto oo shidaal ah.


U.S. Lifts Iran Oil Sanctions Amid 2026 Energy Crisis

Sababaha Iyo Saamaynta Dhaqaale

Dagaalka ka qarxay Bariga Dhexe dhamaadkii bishii labaad ayaa si weyn u ruxay suuqyada tamarta. Qiimaha shidaalka ceyriin ee Brent ayaa gaadhay $112 foostadiiba, taas oo ah kor u kac gaadhaya boqolkiiba 53% marka la barbar dhigo sannadkii la soo dhaafay.


Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka oo la hadlayay telefishanka Fox Business ayaa sababeeyay go'aankan, isaga oo xusay in cunaqabatayn qaadistani ay gacan ka geysan doonto in shidaalka Iiraan loo weeciyo dalalka aadka ugu baahan sida Hindiya, Jabaan, iyo Malaysiya. Kahor dagaalka, dalka Shiinaha ayaa ahaa iibsadaha ugu weyn ee shidaalka Iiraan, isaga oo uga faa'iidaysan jiray cunaqabataynta Maraykanka si uu shidaalkaas ugu iibsado qiimo aad u jaban. Bessent waxa uu ku dooday in tallaabadani ay Shiinaha ku qasbi doonto in uu shidaalka ku iibsado "qiimaha suuqa ee dhabta ah".


Inkasta oo uu Bessent bartiisa X (Twitter-kii hore) ku sheegay in Iiraan ay adkaan doonto in ay gasho dakhliga ka soo baxa iibkan, isla markaana uu Maraykanku sii wadi doono "cadaadiska ugu sarreeya ee Iiraan," falanqeeyayaasha dhaqaalaha ayaa shaki weyn gelinaya faa'iidada xeeladdan. Khubarada ayaa sheegay in saamaynta shidaalkani ku yeelan doono hoos u dhaca qiimaha caalamiga ah ay noqon doonto mid kooban, balse dhanka kale ay siin karto xukuumadda Tehraan dhaqaale xooggan oo ay ku maalgeliso dagaalka ay kula jirto Maraykanka.

Marinka Hormuz Iyo Shuruudaha Iiraan

Go'aankan ayaa imanay maalin uun kadib markii maamulka Trump uu sidoo kale hakiyay qayb ka mid ah cunaqabatayntii saarnayd shidaalka Ruushka, tallaabadaas oo cambaarayn xooggan kala kulantay hoggaamiyeyaasha Yurub oo ku dooday in ay xoojinayso maamulka Madaxweyne Vladimir Putin.


Xudunta dhibaatada tamarta ee hadda jirta ayaa ah xidhnaanshaha Marinka Hormuz. Qiyaastii shan meelood meel (1/5) ka mid ah 100-ka milyan ee foosto ee adduunku isticmaalo maalin kasta ayaa caadi ahaan soo mara marinkan istiraatiijiga ah ee dhaca xeebaha Iiraan. Tan iyo markii uu dagaalku bilowday, isu-socodkii maraakiibta ee gacankan ayaa gabi ahaanba istaagay, taas oo suuqa caalamka ka saartay ku dhawaad toban meelood meel (1/10) shidaalkii adduunka loo iib geyn jiray.


Dhankeeda, dowladda Iiraan ayaa soo saartay shuruudo adag oo ku aaddan furitaanka gacanka Hormuz. Tehraan ayaa sheegtay in ay marinka furi doonto oo keliya marka la joojiyo duullaanka milatari ee dalkeeda lagu soo qaaday. Waxay sidoo kale ku dartay in dal kasta oo Iiraan heshiis la gala loo oggolaan doono in maraakiibtiisu ay ka gudbaan gacanka iyaga oo bixinaya khidmad yar, balse shardi looga dhigay in aanay sinaba u taageerin dagaalka Maraykanku hormuudka ka yahay. Haddii la ogaado in markabku uu taageero u yahay isbahaysiga Maraykanka, waxaa gabi ahaanba loo diidi doonaa in uu halkaas ka gudbo.


Xaaladdan isku-barkan ee loolanka milatari iyo dagaalka dhaqaale ayaa adduunka gelinaysa hubaal la'aan, iyada oo Maraykankuna uu haatan u muuqdo mid qaadanaya go'aamo quus ah si uu u xakameeyo sicir bararka tamarta ee dalkiisa ragaadinaya.

bottom of page