Ukraine Oo 200 Oo Khubaro Milatari Ah U Dirtay Bariga Dhexe Si Ay Uga Hortagaan Diyaaradaha Iiraan
- Hassan Gallaydh

- Mar 19
- 3 min read
Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in in ka badan 200 oo khubaro milatari ah oo u dhashay dalkiisa ay haatan ku sugan yihiin gobolka Khaliijka iyo guud ahaan Bariga Dhexe. Ujeeddada khubaradan ayaa ah in ay dowladaha gobolka ka caawiyaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee (Drones) ee ay soo dirayso dowladda Iiraan.
Madaxweyne Zelensky oo Talaadadii khudbad taariikhi ah u jeedinayay daraasiin xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Boqortooyada Midowday ee UK (United Kingdom) ee magaalada London, ayaa sheegay in 201 khabiir oo ku takhasusay la-dagaalanka diyaaradaha Drones-ka ay durba ku sugan yihiin gobolka, halka 34 kalena ay u diyaar garoobeen in la daadgureeyo.

Khibradda Dagaalka Iyo Iskaashiga Cusub
Ukraine, oo in ka badan saddex sano dagaal dhiig badani ku daatay kula jirtay dalka Ruushka, ayaa haatan u muuqata in ay u xuubsiibatay waddan caawimaad amni iyo mid teknooloji u fidinaya dalalka hodanka ah ee Khaliijka Carabta. Tani waxay imanaysaa xilli waddamadaasi ay wajahayaan khatar joogto ah oo kaga imanaysa diyaaradaha ismiidaamiya ee Iiraan, balse aysan wali si buuxda u horumarin nidaamyo difaac oo iyaga u gaar ah oo ay iskaga caabiyaan.
"Kuwani waa khubaro milatari, waa khubaro yaqaana sida wax looga hortago, iyo sida la isaga difaaco diyaaradaha Shahed," ayuu yidhi Zelensky khudbadiisa, isaga oo si gaar ah tixraac ugu samaynaya diyaaradaha Drones-ka ee qaabka "Kamikaze" u shaqeeya ee lagu farsameeyo Iiraan, kuwaas oo uu Ruushku si ba'an ugu adeegsanayay dagaalka uu ku hayo Ukraine tan iyo horraantii 2022.
Madaxweynaha ayaa farta ku fiiqay in hawlgalkan difaaca ahi uu yahay mid si xawli ah u socda. "Kooxahayagu waxay durba ku sugan yihiin Imaaraatka Carabta (UAE), Qatar, iyo Sucuudiga, waxayna ku sii jeedaan dalka Kuwayt," ayuu yidhi. Wuxuu intaas raaciyay in ay wadashaqayn la leeyihiin waddamo kale oo dhowr ah, isaga oo xaqiijiyay in heshiisyadii wada-shaqayntu ay yihiin kuwo la meelmariyay. "Ma doonayno nidaamka Iiraan ee dhanka ka ah argagixisada in deriskiisa ay ka guulaysato."
Mashiinka Difaaca Ukraine Iyo Farriinta Washington
Zelensky waxa uu si adag u dhaliilay isbahaysiga u dhexeeya Moscow iyo Tehraan, isaga oo labada xukuumadood ku tilmaamay "Walaalo ku midoobay nacayb," taasina ay tahay sababta ay u noqdeen "Walaalo ku midoobay hubka."
Wuxuu sidoo kale soo bandhigay awoodda cusub ee dalkiisu u yeeshay wax-soo-saarka hubka. Wuxuu xusay in Ukraine ay ka gudubtay oo keliya samaynta diyaaradaha Drones-ka ee badda iyo cirka, ayna hadda soo saarto gantaallada difaaca ee dhexda ka qabta Drones-ka cadowga (Interceptors). Madaxweynaha ayaa ku faanay in dalkiisu awood u leeyahay in uu maalin kasta soo saaro ugu yaraan 2,000 oo gantaaladaas ah, iyadoo badh ka mid ah ay u baahan yihiin difaacooda gudaha, inta soo hartayna ay diyaar u yihiin in ay isticmaalaan xulafadoodu.
"Haddii ay noqoto in diyaarad Shahed ah laga baaciyo Imaaraatka waan samayn karnaa. Haddii ay noqoto in lagu difaaco Yurub ama Boqortooyada Midowday (UK) waan samayn karnaa. Waa arrin ku xidhan teknooloji, maalgashi, iyo iskaashi," ayuu yidhi Zelensky isaga oo muujinaya kalsooni buuxda.
Si kastaba ha ahaatee, in kasta oo Ukraine ay noqotay mid ka mid ah dalalka ugu horreeya adduunka ee soo saara aaladaha casriga ah ee lagu tijaabiyay goobaha dagaalka ee lagula tacaalo Drones-ka, faragelintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu jiro isbeddel siyaasadeed.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa horay u sheegay in uusan u baahnayn caawimaadda Ukraine si uu uga hortago diyaaradaha Drones-ka ah ee Tehraan ay la beegsanayso bartilmaameedyada milatari ee Maraykanka iyo xulafadiisa ee ku yaalla Bariga Dhexe.



