Uganda iyo Israel: Taallo Yoni Netanyahu oo laga Dhisayo Garoonka Entebbe
- Gallaydh News Desk

- Feb 21
- 3 min read
Taliyaha Ciidanka Uganda Muhoozi Kainerugaba ayaa shaaciyay in taallo loo dhisayo Yoni Netanyahu laga taagi doono isla goobtii uu ku dhintay hawlgalkii Entebbe ee 1976. Tallaabadan ayaa lagu macneeyay mid lagu raadinayo isusoo dhawaansho ah Kampala iyo Tel Aviv.
Taliyaha ciidanka Uganda, Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni, ayaa ku dhawaaqay in dhawaan la dhisi doono taallo lagu maamuusayo Lt. Col. Yonatan “Yoni” Netanyahu, taas oo laga taagi doono garoonka caalamiga ah ee Entebbe.
Kainerugaba ayaa sheegay in taalladu ka taagnaan doonto “isla goobtii saxda ahayd ee lagu dilay” sarkaalkan Israa’iiliga ah intii lagu guda jiray hawlgalkii milateri ee caan baxay sannadkii 1976, kaas oo markii dambe loo bixiyay “Operation Yonatan.”
Taliyaha ciidanka Uganda oo qoraal ku baahiyay baraha bulshada, ayuu ku tilmaamay tallaabadan mid lagu xoojinayo “xidhiidhka dhiigga” ee u dhexeeya Uganda iyo Israel. Yoni Netanyahu wuxuu ahaa walaalka weyn ee raysal wasaaraha hadda talada haya ee Israel, Benjamin Netanyahu.

Maxuu Ahaa Hawlgalkii Entebbe?
Hawlgalkii Entebbe wuxuu dhacay 4tii July 1976, kadib markii diyaarad ay lahayd shirkadda Air France oo ka soo kacday Tel Aviv una socotay Paris la afduubtay. Afduubka waxaa fuliyay maleeshiyaad Falastiiniyiin ah oo kaashanayay koox Jarmal ah, kuwaas oo diyaaradda ku dejiyay Entebbe, Uganda.
Xilligaas, Uganda waxaa xukumayay Idi Amin, oo la sheegay inuu taageero siiyay afduubayaasha. Dadka la haystay oo tiradoodu ahayd ku dhowaad 100 Israa’iiliyiin iyo Yuhuud ah ayaa lagu hayay terminal hore oo garoonka Entebbe ah, iyadoo lagu dalbanayay sii deynta maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku xidhnaa Israel.
Israel ayaa go’aansatay inay qaaddo hawlgal geesinimo, iyada oo ciidamo khaas ah u dirtay Uganda si ay u badbaadiyaan dadka la afduubtay. Hawlgalku wuxuu ku dhammaaday guul, iyadoo inta badan la haystayaashii la badbaadiyay, afduubayaashiina la dilay.
Hase yeeshee, hal askari oo Israa’iili ah ayaa ku dhintay weerarka, wuxuuna ahaa Yoni Netanyahu, oo hoggaaminayay cutubka Sayeret Matkal. Hawlgalkii oo markii hore loo bixiyay Operation Thunderbolt ayaa markii dambe loogu magac daray Yonatan Netanyahu si loogu maamuuso.
Kumuu Ahaa Yoni Netanyahu?
Yonatan Netanyahu wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada khaaska ah ee Israel, laguna yaqaanay hoggaan adag iyo geesinimo. Wuxuu ka qalin jabiyay jaamacado ku yaalla Maraykanka, wuxuuna si weyn uga dhex muuqday cutubyada milateriga Israel.
Geeridiisa ayaa noqotay astaan qaran oo ku dhex taal bulshada Israa’iil, gaar ahaan qoyska Netanyahu. Walaalkiis Benjamin Netanyahu ayaa marar badan ku tilmaamay inuu ahaa dhiirrigeliyaha ugu weyn ee noloshiisa siyaasadeed.
Xidhiidhka Uganda iyo Israel
Xidhiidhka Uganda iyo Israel wuxuu soo maray marxalado kala duwan. Intii uu talada hayay Idi Amin, labada dal xidhiidhkoodu aad ayuu uu xumaa, gaar ahaan kadib hawlgalkii Entebbe. Laakiin markii Museveni talada la wareegay 1986, xidhiidhku dib ayuu u soo hagaagay.
Sanadihii u dambeeyay, Israel waxay kaalin muuqata ku lahayd tababarka amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo teknoolajiyadda beeraha iyo biyaha ee Uganda. Dhanka kale, Uganda waxay Israel u aragtaa lamaane istaraatiiji ah oo ka caawin kara dhinacyada milateriga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Kampala sidoo kale waxay danaynaysaa maalgelin iyo iskaashi dhinaca tiknoolajiyadda, gaar ahaan beeraha casriga ah iyo nidaamyada waraabka, halka Israel ay rabto inay sii ballaadhiso saameynteeda Geeska iyo Bariga Afrika.
Macnaha Siyaasadeed ee Taallada
Go’aanka lagu dhisayo taallo Yoni Netanyahu waxay muujinaysaa in Uganda ay doonayso inay si muuqata u xoojiso xidhiidhkeeda Israel, xilli ay isbeddello ka socdaan siyaasadda gobolka iyo loollan quwadeed oo sii kordhaya.
Sidoo kale, arrintan waxay u muuqataa mid sii adkaynaysa xidhiidhka qoyska Netanyahu iyo hoggaanka Uganda, iyadoo Muhoozi Kainerugaba uu si gaar ah u muujiyay xidhiidh dhow oo uu la leeyahay siyaasiyiinta Israel.
Taallada la qorsheeyay waxay noqoneysaa xusuus taagan oo ka hadlaysa mid ka mid ah hawlgalladii milateri ee ugu caansanaa qarnigii 20aad, isla markaana astaan u noqoneysa wajiga cusub ee xidhiidhka Uganda iyo Israel.



