top of page

Somaliland oo 25 Khubaro u Dirtay Israel: Tallaabadii Ugu Horreysay ee Iskaashi Wax-ku-ool ah Kadib Aqoonsiga

Xukuumadda Somaliland ayaa sagootin u samaysay 25 khubaro ah oo tababar u tegaya Israel si ay ugu soo bartaan maaraynta biyaha iyo waraabka. Tallaabadan ayaa noqotay midda ugu horreysa ee Midho dhal ka noqota aqoonsigii Israel ee 2025, iyadoo la filayo in iskaashigu ku fido beeraha, tiknoolajiyadda iyo amniga.

Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah u sagootisay 25 khubaro ah oo u amba baxaya dalka Israel, halkaas oo ay ku qaadan doonaan tababar ku saabsan maaraynta biyaha iyo nidaamyada waraabka casriga ah. Safarkan ayaa ah mid taariikhi ah, maadaama uu yahay tallaabadii ugu horreysay ee wax-ku-ool ah tan iyo markii Israel si rasmi ah u aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland dabayaaqadii sannadkii 2025.


Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda ayaa sheegay in tababarkani uu diiradda saari doono farsamooyinka keydinta biyaha roobka, waraabka dhibicda ah, sifeynta iyo dib-u-isticmaalka biyaha, iyo tiknoolajiyada lagu yareeyo khasaaraha biyaha ee ka dhasha kuleylka iyo uumiga. Somaliland oo si joogto ah u wajahda abaaro soo noqnoqda iyo roobab aan si habsami leh looga faa’iidaysan, ayaa si weyn ugu baahi qabta khibrad noocan ah.

Somaliland President and Israeli Foreign Minister Holding Hands.

Israel waxaa loo aqoonsan yahay mid ka mid ah dalalka adduunka ugu horreeya dhinaca maaraynta biyaha, inkastoo ay ku taallo gobol qalalan oo biyo yari ka jirto. Shirkadaha iyo hay’adaha cilmi-baarista Israel ayaa hormuud ka noqday horumarinta waraabka dhibicda ah, nidaamyada biyaha cusbada laga sifeeyo, iyo dib-u-warshadaynta biyaha wasakhda ah si loo isticmaalo beeraha. Khibraddan ayaa Israel ka dhigtay tusaale caalami ah oo ku saabsan sida biyo yar loogu abuuri karo wax-soo-saar sare.


Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa hore u ballan qaaday in dalkiisu uu Somaliland ka taageeri doono dhinacyada biyaha, beeraha, tiknoolajiyadda, amniga iyo arrimo kale oo istiraatiiji ah. Tallaabadan 25-ka khubaro ah ayaa loo arkaa bilowga iskaashi ballaaran oo mustaqbalka ku fidi kara tababarro dheeraad ah iyo mashaariic wadajir ah.

Khubarada la dirayo ayaa la filayaa inay soo qaataan aqoon ku saabsan keydinta biyaha roobka, dhismaha barkadaha casriga ah, iyo adeegsiga xogta cimilada si loo qorsheeyo waraabka. Sidoo kale, waxaa la saadaalinayaa in mustaqbalka dhow ay jiri doonaan tababarro ku saabsan beeraha wax-soo-saarka sare leh, teknoolajiyada tamarta qorraxda, iyo nidaamyada amniga casriga ah ee la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta kaabayaasha dhaqaalaha.


Somaliland oo ku tiirsan xoolaha iyo beeraha roobka ku tiirsan ayaa u baahan isbeddel ku yimaada sida ay u maareyso kheyraadkeeda biyaha. Haddii aqoonta laga soo baran doono Israel si habboon loo hirgeliyo, waxay gacan ka geysan kartaa yareynta saameynta abaaraha, kordhinta wax-soo-saarka beeraha, iyo xoojinta amniga cunnada.


Tallaabadan cusub ayaa sidoo kale muujinaysa in aqoonsiga diblomaasiyadeed uu isu beddelayo iskaashi la taaban karo oo dhinacyo badan leh. Indhaha shacabka ayaa ku sii jeeda natiijada tababarkan, maadaama ay noqon karto bilowga xidhiidh istiraatiiji ah oo saameyn muuqata ku yeesha horumarka dalka sannadaha soo socda.

bottom of page