Trump Oo Weeraray Dalalka Yurub, Ingiriiskana Ku Yidhi "Xoog Ku Qabsada Marinka Hormuz"
- Hassan Gallaydh

- Mar 31
- 2 min read
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale qaaday olole eedeymo kulul ah oo uu la beegsanayo dalalka Yurub, gaar ahaan Boqortooyada Ingiriiska (UK), isaga oo si adag ugu dhaliilay in ay ka gaabiyeen sidii ay gacan milatari uga geysan lahaayeen dagaalka culus ee ka socda dalka Iiraan.
Qoraal xanaf leh oo uu saaka oo Salaasa ah soo dhigay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Truth Social, ayuu Trump ugu baaqay xukuumadda London in ay ciidamadeeda u dirto Marinka Hormuz si ay xoog ugu furto xannibaadda, iyada oo xasaradda gobolka Bariga Dhexe ay haatan gaadhay heerkii ugu sarreeyay bishan March. Tallaabadan ayaa imanaysa xilli dalalka Yurub ay wajahayaan dhibaato ba'an oo dhanka shidaalka diyaaradaha ah (jet fuel), taas oo ka dhalatay xayiraadda ay Iiraan saartay marinkaas istiraatiijiga ah ee ay ku tiirsan yihiin suuqyada tamarta ee caalamku.

"Naga Iibsada Shidaalka Ama Dagaallama"
Madaxweyne Trump waxa uu qoraalkiisa ku muujiyay cadho uu u qabo xulafadiisa Yurub oo uu aaminsan yahay in ay ka gaabsadeen duullaanka awoodda lagu wiiqayo xukuumadda Tehraan. Isaga oo adeegsanaya luuqad u muuqata mid ganacsi iyo mid canaan ah, wuxuu bixiyay laba xulasho.
"Dhammaan dalalka aan heli karin shidaalka diyaaradaha Marinka Hormuz dartiis, sida Boqortooyada Ingiriiska oo diidday in ay qayb ka noqoto madax-goynta Iiraan, waxaan idiin hayaa talo," ayuu Trump soo qoray. "Midda koowaad, naga soo iibsada shidaalka, Maraykanku wuxuu haystaa kayd inagu filan. Midda labaadna, isku keena dhiirranaan aad dib u dhigateen, taga Marinka Hormuz, oo si fudud u qabsada."
Madaxweyne Trump waxa uu sidoo kale ku dooday in ololihiisa milatari ee cirka ahi uu midho dhalay, isaga oo raaciyay, "Iiraan asal ahaan waa la tirtiray. Qaybtii adkayd waa la soo dhaafay. Oroda oo soo doonta shidaalkiina."
Khatarta Ku Wajahan NATO Iyo Isbahaysiga Reer Galbeedka
Hadalkan ayaa si weyn u ruxay aasaaska xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo midka difaac ee u dhexeeya Maraykanka iyo dalalka Yurub (Transatlantic alliance). Madaxweynaha ayaa fariin adag u diray xulafadiisa, isaga oo u sheegay in la gaadhay xilligii ay baran lahaayeen sida naftooda loo difaaco. "Maraykanku halkan ma joogi doono si uu mar kale idiin caawiyo, sidii aydaan noo garab istaagin," ayuu yidhi Trump, hadalkaas oo dadka siyaasadda faaqidaa ay u arkaan in uu khatar gelinayo mustaqbalka isbahaysiga NATO.
Faaqidaadda arrintan ayaa iftiiminaysa in dalalka Yurub, gaar ahaan Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalku, ay si weyn uga cago-jiidayaan in ay si toos ah ugu milmaan dagaalkan. Xukuumadaha qaaradda Yurub waxay ka cabsi qabaan in faragelin toos ah oo ay sameeyaan ay gobolka u horseeddo dagaal gabi ahaanba faraha ka baxa oo guba Bariga Dhexe. Waxay sidoo kale ka fogaanayaan in dhulkooda iyo muwaadiniintoodu ay bartilmaameed u noqdaan weeraro aargoosi ah oo kaga yimaada Iiraan ama kooxaha gacan-saarka la leh.
Sidoo kale, hab-dhaqanka Trump ee ah in uu fursaddan u adeegsado iibgeynta shidaalka dalkiisa ("naga soo iibsada shidaalka"), ayaa si cad u muujinaysa qaabka ganacsi ee uu u wajaho qalalaasaha caalamiga ah. Yurub ayaa haatan wajaheysa xaalad cakiran: In ay aqbasho sicir barar baahsan iyo ceejinta dhaqaale ee ka dhalatay dagaalka, ama in ay u hoggaansanto cadaadiska Washington oo ay galaan dagaal aanay markii hore doonayn.



