top of page

Maraykanka Oo Shaaciyay In Uu Ku Gacan Sarreeyo Dagaalka Iiraan

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo Wasiirka Difaaca Pete Hegseth ayaa si wadajir ah u shaaciyay in xukuumadda Washington ay ku guulaysanayso dagaalka culus ee ay la gashay waddanka Iiraan. Hadalladan ayaa imanaya xilli uu dagaalku galay waji cusub oo dhanka cirka iyo badda ah, iyada oo milatariga Maraykanku uu fulinayo duqaymihii ugu xoogganaa abid.


Madaxweyne Trump ayaa guul weyn ka sheegtay dagaalka gobolka, isaga oo xaqiijiyay in ciidamadiisu ay ka takhaluseen madaxdii ugu sarraysay ee hoggaaminaysay Iiraan, sidoo kalena ay gabi ahaanba burburiyeen doomihii iyo gaadiidkii badda ee ciidamada waddankaas. Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa qirtay xaqiiqo xanuun badan, isagoo sheegay in askar tiro badan oo Maraykan ah lagagu dhaawacay dagaalka ka socda Bariga Dhexe, in kasta oo aanu si qoto dheer uga hadlin khasaaraha kale ee dhaqaale iyo midka qalab ee dalkiisa ka soo gaadhay isku dhacan.


TRUMP IRAN WAR: TRUMP SAYS USA IS WINNING IRAN WAR

Saddexda Yool Ee Pentagon-ka

Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Maraykanka (Pentagon) Pete Hegseth oo la hadlayay warbaahinta maalintii Talaadada ayaa caddeeyay in Maraykanku uu diiradda saarayo saddex yool oo aasaasi ah.


"Ujeeddooyinkayagu waa in aan meesha ka saarno awoodda gantaalaha Iiraan, in aan burburino ciidamadeeda badda, iyo in aan si joogto ah oo waligeed ah uga hor istaagno Iiraan in ay yeelato hub nukliyeer ah," ayuu yidhi Hegseth.

Wasiirka ayaa ka gaabsaday in uu muddeeyo xilliga uu dagaalku dhammaan doono, isaga oo xusay in go'aankaas la sugayo uu gaadhi doono Madaxweyne Trump. Wuxuu intaas ku daray in aanay marnaba is dabcineyn ilaa cadowga si buuxda oo kama dambays ah looga adkaado, isagoo ku hanjabay in maanta ay noqon doonto maalintii ugu cuslayd ee duqaymaha, iyadoo la adeegsanayo diyaaradaha dagaalka iyo kuwa bambooyinka tuura ee ugu tirada badan.


Dhabar Adaygga Tehraan

Inkasta oo Washington ay ku celcelinayso in Iiraan la jebiyay, haddana hoggaanka Tehraan ayaa muujinaya dhabar adayg adag iyo in ay sii wadi doonaan iska caabintooda. Cali Larijani oo ka mid ah mas'uuliyiinta sarsare ee Iiraan ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada maalintii Talaadada ku yidhi: "Kuwi idinka awoodda badnaa ayaan awoodin in ay tirtiraan qarankayaga. Kuwii isku dayayna iyaga ayaa la tirtiray oo meesha ka baxay."


Farriimaha Is Burinaya Ee Madaxweyne Trump

In kasta oo ay xukuumadda Washington guul sheeganayso, haddana waxaa si weyn loo falanqaynayaa in Madaxweyne Trump uu dirayo farriimo aad isku burinaya oo jahawareer ku abuuraya xulafada iyo shacabka Maraykanka intaba. Madaxweynaha ayaa hal maalin gudaheed bixiyay hadallo muujinaya in dagaalku dhammaad yahay, iyo kuwo kale oo sheegaya in hawshu wali qabyo tahay.


Waraysi dhanka taleefanka ah oo uu Isniintii siiyay telefishinka CBS News, Trump wuxuu ku yidhi: "Waxaan qabaa in dagaalku uu aad u dhammaystiran yahay, inta badanna uu soo idlaaday." Wuxuu intaas raaciyay in awooddii milatari ee Iiraan la tirtiray lana baabiiyay.


Hadalkaas mid aad uga duwan, shirkii jaraa'id ee ugu horreeyay ee uu qabto tan iyo markii uu dagaalku bilowday, Trump wuxuu sheegay in Maraykanku uu "qaadayo tillaabooyin waaweyn oo loo qaaday dhanka dhammaystirka yoolkeena milatari," isaga oo Iiraan uga digay in ay carqaladayso sahayda tamarta adduunka, taas oo muujinaysa in khatartii Iiraan ay wali jirto.


Hase yeeshee, kulan kale oo gaar ah oo uu magaalada Miami kula yeeshay xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga, wuxuu la yimid cod gebi ahaanba beddelan oo muujinaya in dagaalku uu sii socon doono.


"Dhinacyo badan waan uga guulaysanay, laakiin si ku filan ugamaan guulaysan," ayuu yidhi Trump. Wuxuu hadalkiisa kusoo xidhney: "Waxaan horay u soconaynaa annaga oo ka go'aan adag sidii hore si aan u gaadhno guusha kama dambaysta ah ee soo afjari doonta khatartan muddada dheer soo jirtay mar qudha iyo waligeed."


Farriimahan is khilaafsan ayaa falanqeeyayaasha siyaasaddu u arkaan in in kasta oo milatariga Maraykanku uu awood lixaad leh adeegsaday, haddana qiimaynta guusha dhabta ah ee dagaalkan iyo waqtiga rasmiga ah ee uu soo afmarmayo ay wali tahay mid aan caddayn. Waa xaalad u muuqata in la galay dagaal wajiyo badan oo guushiisa lagu gaadhi karo waqti ka dheer intii markii hore la qorsheeyay.

bottom of page