top of page

"Bambooyin Ayaan Ku Wada-xaajoonaynaa": Pete Hegseth, Xoghayaha Difaaca

Updated: Mar 26

Trump Oo Daaha Ka Rogay In Xoghayihiisa Difaacu Uu Ka Xun Yahay Joojinta Dagaalka Iiraan

Xilli ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in heshiis xabbad-joojin ah oo uu Maraykanku garwadeen ka yahay laga gaadhi doono dagaalka ba'an ee u dhexeeya isbahaysiga Maraykanka iyo Israa'iil dhinac ah iyo Iiraan, ayaa Madaxweyne Donald Trump waxa uu si lamafilaan ah u shaaciyay in masuuliyiintiisa ugu sarsarraysa dhanka milatarigu ay aad uga xun yihiin in la soo afjaro colaadda.


Madaxweyne Trump, oo ka hadlayay xafiiskiisa Oval Office ee Aqalka Cad salaasadii, kadib dhaartii Xoghayaha cusub ee Amniga Gudaha (Homeland Security) Markwayne Mullin, ayaa sheegay in Xoghayihiisa Difaaca, Pete Hegseth, iyo Guddoomiyaha Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Janaraal Dan Caine, ay ahaayeen "labada qof ee keliya ee aad uga xumaaday" in dagaalka lala galay Tehraan uu dhowaan soo dhammaan karo.

President Trump reveals Defense Secretary Pete Hegseth’s "disappointment" over a potential Iran ceasefire.

"Waad ogtihiin, labada qof ee keliya ee aadka u niyad-jabay — ma rabo in aan arrintan sheego, laakiin waa in aan sheegaa," ayuu yidhi Trump, isaga oo la hadlayay suxufiyiinta.

Wuxuu intaas raaciyay: "Waxaan ku idhi, 'Pete iyo Janaraal Caine, waxaan filayaa in arrintan si degdeg ah loo xallin doono,' markaas ayay igu yidhaahdeen, 'Oh, taasi waa nasiib darro (That's too bad).'"

Hadalkan yaabka leh ee ka soo yeedhay Madaxweynaha ayaa muujinaya kala qaybsanaan qoto dheer oo u dhaxaysa madaxtooyada oo doonaysa in ay hoos u dhigto xiisadda si ay u xakamayso qiimaha shidaalka adduunka, iyo hoggaanka Pentagon-ka oo aaminsan in la sii wado cadaadiska milatari.

Hegseth oo isaguna goobta ku sugnaa xilligii uu Madaxweynuhu hadlayay, ayaan qarin mawqifkiisa dagaal-doonnimo. Wuxuu caddaystay in Waaxda Difaacu ay aaminsan tahay awoodda milatari in ay tahay qalabka kaliya ee wada-xaajoodka.


"Waaxda Difaacu waxay is-aragtaa in ay qayb ka tahay wada-xaajoodkan. Annagu bambooyin ayaan ku wada-xaajoonaynaa," ayuu yidhi Hegseth.

Trump Oo Iska Fogaynaya Masuuliyadda Dagaalka

Intii uu hadalkiisa sii watay, Madaxweyne Trump waxa uu carrabka ku adkeeyay doorkii uu Pete Hegseth ku lahaa riixitaanka iyo dhiirrigelinta dagaalka lala galay Iiraan. Wuxuu tibaaxay in xoghayihiisa difaacu uu ahaa shakhsigii koowaad ee ku qalqaaliyay in uu duullaan ku qaado dalka Iiraan, isaga oo sheegay in soo jeedintii koowaad ee duullaanka Bariga Dhexe uu Hegseth usoo bandhigay intii lagu guda jiray shir ka dhacay gobolka Tennessee.


Sida uu Trump xusay, Hegseth ayaa kula taliyay in Iiraan aan marnaba loo oggolaan in ay yeelato hub Nukliyeer ah, isla markaana ay tahay in lagu qaado dagaal baaxad leh oo jaanta lagu marinayo guud ahaanba dalkaasi.


Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha siyaasadda Maraykanka ayaa u arka in hadalladan Trump ay yihiin xeelad uu si dadban isaga fogaynayo masuuliyadda cawaaqib-xumada dagaalka. Trump ayaa xitaa qiray in maamulkiisu aanu waligii filayn in Iiraan ay kaga jawaabi doonto dagaalka weeraro difaac iyo aargoosi ah oo xaddigaas leh, kuwaas oo curyaamiyay dhaqdhaqaaqii ganacsiga badda isla markaana khalkhal geliyay suuqyada tamarta adduunka. In farta lagu fiiqo Xoghayaha Difaaca xilli la raadinayo xabbad-joojin, waxay u muuqataa isku day uu Madaxweynuhu ku doonayo in uu dhaliisha ku weeciyo dhinaca hoggaanka milatariga.

Waa Kuma Pete Hegseth? (Taariikh Iyo Aragtidiisa Iiraan)

Si loo fahmo sababta uu Pete Hegseth u yahay udub-dhexaadka siyaasadda dagaal ee Maraykanka xilligan, waa in dib loo raaco taariikhdiisa. Kahor intii aanu Madaxweyne Trump u magacaabin xilka Xoghayaha Difaaca — oo ah jago inta badan la siiyo khubaro milatari oo ruug-caddaa ah amaba siyaasiyiin miisaan culus leh — Hegseth waxa uu ahaa nin si weyn uga dhex muuqda shaashadaha, isaga oo ahaa barnaamij-daadiye iyo falanqeeye ka tirsan telefishanka muxaafidka ah ee Fox News.


Hegseth waa sarkaal hore uga soo shaqeeyay ciidamada ilaalada qaranka ee (Army National Guard), wuxuuna kasoo dagaalamay dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan. In kasta oo uu leeyahay khibrad milatari oo hoose, magacaabistiisu waxay dhalisay muran weyn, iyada oo dadka naqdiyaa ay ku doodeen in aanu lahayn khibraddii maamul iyo middii istiraatiijiyadeed ee lagu hoggaamin lahaa wasaaradda difaaca ee ugu weyn adduunka.


Aragtidiisa ku aaddan dalka Iiraan marnaba ma ahayn mid qarsoon. Sannado badan intii uu fadhiyay shaashadda Fox News, wuxuu ahaa codka ugu dheer ee ololeeya in awood milatari oo hagar la'aan ah loo adeegsado Tehraan. Hegseth wuxuu si joogto ah u dhaliili jiray heshiisyadii diblomaasiyadeed ee lala galay Iiraan, gaar ahaan heshiiskii Nukliyeerka ee 2015, isaga oo aaminsan in xalka keliya ee lagu xakamayn karo awoodda Iiraan uu yahay in si toos ah loo burburiyo xarumaheeda milatari iyo kuwa tamarta, isla markaana la beddelo nidaamka ka taliya dalkaas (Regime Change).


Sidoo kale, wuxuu si dhow ula saftaa siyaasadda garabka midig ee Israa'iil (Right-wing), isaga oo aaminsan in amniga Maraykanka iyo kan Israa'iil ay isku xidhan yihiin. Fikirkan qallafsan ee uu qabo (Hawkish stance) ayaa ah midka haatan hagaya istiraatiijiyadda Pentagon-ka ee dagaalka gobolka Khaliijka. Marka uu leeyahay "Bambaanooyin ayaan ku wada-xaajoonaynaa," ma aha uun hadal is-muujin ah, balse waa falsafad milatari oo uu si dhab ah u aaminsan yahay, taas oo caddaynaysa sababta isaga iyo jeneraaladiisu ay uga biyo diideen in xabbad-joojin lagu soo afjaro duullaankii ay muddada dheer u ololeynayeen.

bottom of page