Trump Oo Sheegay In Uu Wada-hadal La Yeeshay Iiraan Iyo Tehraan Oo Warkaas Si Adag U Beenisay
- Hassan Gallaydh

- Mar 23
- 3 min read
Washington iyo Tehraan ayaa soo bandhigay laba sheeko oo aad u kala fog kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in uu hakiyay weeraradii lagu beegsanayay xarumaha tamarta ee dalka Iiraan, isaga oo sabab uga dhigay wada-hadallo miro-dhal ah oo dhex maray labada dhinac. Hase yeeshee, mas'uuliyiinta sarsare ee dawladda Iiraan ayaa si degdeg ah u gaashaandaruuray warkaas, iyaga oo ku tilmaamay qorshe loogu talagalay in lagu dejiyo suuqyada shidaalka adduunka ee qiimahoodu cirka isku shareeray.

Baaqa Trump Iyo Culeyska Dhaqaale
Qoraal dheer oo uu ku baahiyay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Truth Social subaxnimadii Isniinta, Madaxweyne Trump ayaa shaaciyay in uu waaxda difaaca ee Pentagon-ka ku amray in dib loo dhigo dhammaan duqaymihii lala beegsanayay warshadaha korontada iyo kaabeyaasha tamarta ee Iiraan muddo shan maalmood ah. Hakinta weeraradan ayuu ku xidhay guusha wada-hadallo uu sheegay in ay haatan socdaan.
Sidoo kale, Trump oo la hadlayay suxufiyiinta ayaa xusay in wada-hadalladu ay dhaceen maalintii Axadda, isaga oo intaas raaciyay in dawladda Maraykanku ay la xidhiidhay mas'uul sare oo ka tirsan Iiraan, in kasta oo aanu magacaabin shakhsigaas.
"Waxay si weyn u doonayaan in heshiis la gaadho, annaguna sidoo kale waan rabnaa in heshiis la gaadho," ayuu yidhi Trump. Wuxuu intaas raaciyay in mudada shanta maalmood ah ay qiimayn doonaan xaaladda, balse haddii wada-xaajoodku uu guul darraysto ay sii wadi doonaan duqaymaha dhinaca cirka ah.
Go'aankan ayaa imanaya kadib markii Trump uu hore ugu hanjabay in uu burburin doono ilaha tamarta Iiraan haddii aanay 48 saacadood gudahood ku furin Marinka Hormuz. Xidhnaanshaha marinkan istiraatiijiga ah ee ay Iiraan beegsatay maraakiibta ka gudbaysa, ayaa curyaamiyay dhaqdhaqaaqii ganacsiga badda. Tani waxay dhalisay cadaadis dhaqaale oo baaxad leh, iyada oo cabsi gelisay suuqyada caalamka isla markaana sicirka saliidda gaadhsiisay heerkii ugu sarreeyay.
Diidmada Qaxan Ee Iiraan
Saacado kooban un kadib hadalka kasoo yeedhay Aqalka Cad, madaxda sare ee Iiraan ayaa si adag u beeniyay jiritaanka wax wada-hadal ah oo toos u dhex maray Washington iyo Tehraan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Baaqir Qalibaaf, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X (Twitter-kii hore) ku xusay in aanay jirin wax wada-xaajood ah oo lala yeeshay Maraykanka. Qalibaaf ayaa hadalka Trump ku tilmaamay warar been abuur ah oo la doonayo in lagu jahawareeriyo suuqyada maaliyadda iyo shidaalka, isla markaana ay Maraykanka iyo Israa'iil kaga baxsanayaan dhiiqada ay ku dhex dhaceen ee dhinaca milatariga.
Sida ay werisay wakaaladda wararka ee Fars iyo warbaahinta Clash Report, waxaa sidoo kale jiritaanka wada-hadalladan beeniyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbaas Caraaqji.
Dhanka kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Ismaaciil Baqaei, oo la hadlay wakaaladda wararka rasmiga ah ee IRNA, ayaa isna sheegay in aanay jirin wada-hadallo toos ah. Wuxuu xaqiijiyay in kaliya ay fariimo ka heleen dalal saaxiibbo la ah, kuwaas oo isku dayaya in ay soo gudbiyaan codsi ka yimid Maraykanka oo ku aaddan wada-xaajood lagu soo afjarayo dagaalka.
Xaqiiqada Jirta Iyo Saamaynta Suuqyada
Beenintan wejiga is-ka-mariska ah ayaa imanaysa xilli dagaalka u dhexeeya isbahaysiga Maraykanka iyo Israa'iil dhinac ah iyo Iiraan uu galay toddobaadkii afraad. Xaqiiqada biyo-kama-dhibcaanka ah ee dhulka ka jirta ayaa dhabar-jab ku ah rejada xabbad-joojinta, maadaama milatariga Israa'iil ay isla maalintii Isniinta ku dhawaaqeen in ay mowjado weeraro cusub ku qaadeen caasimadda Iiraan ee Tehraan.
Is-khilaafkan soo kala dhex galay labada dhinac ayaa muujinaya in xasaradda Bariga Dhexe ay gashay weji cusub oo ah dagaal dhanka warfaafinta iyo maskaxda ah. Falanqeeyayaasha siyaasadda iyo dhaqaalaha ayaa aaminsan in baaqa Trump uu u badnaa isku day uu ku doonayo in uu ku dajiyo argagaxa suuqyada shidaalka adduunka si loo yareeyo sicir bararka inta xal laga gaadhayo arrinta Marinka Hormuz. Hase yeeshee, Iiraan ayaa u muuqata mid aan diyaar u ahayn in ay bixiso sawir ah in ay gashay wada-hadallo jilicsan, xilli duqaymahu ay wali si toos ah uga socdaan caasimaddeeda. Arrinkan ayaa mugdi weyn gelinaya rajadii laga qabay in colaadda gobolku ay hoos u dhacdo xilligan dhow.



