top of page

Madaxweyne Cirro oo Kiinya Beesha Caalamka ugu Soo Bandhigay Iskaashi Dhaqaale

NAIROBI (August 2026)Ā Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo safar shaqo oo muhiim ah ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka iyo hay'adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi.Ā Kulankan ayaa noqday madal uu Madaxweynuhu ugu soo bandhigay beesha caalamka weji cusub oo diblomaasiyadeed, isaga oo xusay in Somaliland ay u gudubtay xilli ay baadi-goobayso maalgashi dhab ah iyo iskaashi istaraatiijiyadeed, halkii ay ku tiirsanaan lahayd gargaar bini'aadamnimo iyo gacan-hoorsi.Ā Ā 


Iskaashi Ku Dhisan Dano-wadaag iyo Is-ixtiraam

Madaxweyne Cirro ayaa si cad ugu sheegay dublamaasiyiinta iyo wakiillada hay'adaha caalamiga ah ee uu la kulmay in Xukuumaddiisu aanay la iman liis codsiyo ah, balse ay miiska soo saartay waxqabad la taaban karo iyo fursado iskaashi oo labada dhinacba faa'iido u leh.Ā "Somaliland waxay doonaysaa iskaashi iyo maalgashi ku dhisan dano-wadaag, mas'uuliyad la wadaago iyo wax-wada-qabsi waara, kama doonayno dunida gargaar oo keliya," ayuu fagaaraha ka caddeeyey.Ā Aragtidan cusub ayaa salka ku haysa yoolka xukuumadda ee ah in la abuuro jawi kobciya dhaqaalaha dalka isla markaana xoojiya madax-bannaanida maaliyadeed ee qaranka.Ā Ā 


President Cirro Unveils Strategic Economic & Investment Vision in Nairobi | Gallaydh.com

Xoojinta Nabadda iyo Xallinta Khilaafaadka Gudaha

Isaga oo ka hadlaya dhinaca amniga, Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in nabadda iyo xasilloonidu ay yihiin laf-dhabarta aragtidiisa dawladnimo.Ā Waxa uu la wadaagay guul weyn oo laga gaadhay sugidda amniga qaranka, taas oo ah in in ka badan 6,000 oo xubnood oo ka tirsanaa ciidan-beeleedyo kala duwan si nabad ah hubka looga dhigay, tababar qaran loo furay, ka dibna si rasmi ah loogu qarameeyey Ciidanka Qaranka Somaliland.Ā Ā 


Dhinaca kale, Madaxweyne Cirro waxa uu xusay in shaqaaqooyinkii iyo xiisadihii dhowaan ka dhashay gobollada galbeedka Somaliland lagu xallinayo hannaanka wada-hadalka iyo xeer-beegtida dhaqanka, taas oo ah waddadii ay Somaliland muddada dheer ku soo caano-maashay.Ā Sidoo kale, waxa uu beesha caalamka u xaqiijiyey in xukuumaddiisa ay ka go'an tahay in arrinta Laascaanood xal waara looga gaadho wada-hadal nabadeed, is-afgarad iyo dib-u-heshiisiin walaaltinimo ku dhisan, isaga oo meesha ka saaray xal kasta oo gacan-ka-hadal ah.Ā Ā 

Aqoonsiga Caalamiga ah iyo Tallaabadii Taariikhiga ahayd ee Israa'iil

Dhinaca diblomaasiyadda iyo doonista aqoonsiga, Madaxweynuhu waxa uu soo hadal qaaday guushii dhawaan soo hoyatay ee ahayd in Dawladda Israa'iil ay si rasmi ah u aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland December 26, 2025. Waxa uu tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo muujinaysa midho-dhalka halganka dheer ee shacabka Somaliland.Ā Hase yeeshee, waxa uu caddeeyey in aqoonsigaasi aanu ahayn dhammaadka geeddi-socodka, balse uu yahay bog cusub oo u furmay qaranka.Ā Ā 


Waxa uu beesha caalamka xusuusiyey in qaddiyadda Somaliland ay ku dhisantahay xaqiiqooyin biyo-kama-dhibcaan ah oo ay ugu horreeyaan in ka badan soddon sano oo nabad ah, dimuqraadiyad hanaqaadday, hay'ado dawli ah oo shaqaynaya, iyo awoodda qaranka oo si nabad ah oo daah-furan loogu kala wareego doorashooyin xor ah.Ā Ā 

Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Mudnaanta Qorshaha Horumarineed

Madaxweynuhu markii uu ka hadlayay hiigsiga horumarineed ee dalka, waxa uu soo bandhigay qorsheyaal istaraatiiji ah oo xukuumaddu xoogga saarayso.Ā Qorsheyaashan ayaa diiradda saaraya dhismaha waddooyinka isku xidha dalka, horumarinta tayada waxbarashada iyo caafimaadka, iyo casriyeynta isgaadhsiinta.Ā Ā 


Waxa uu si gaar ah carrabka ugu adkeeyey muhiimadda ay leedahay tamarta iyo biyaha.Ā Si loo dardargeliyo koboca dhaqaalaha, Madaxweyne Cirro waxa uu sheegay in maalgashiga tamarta nadiifta ah iyo hoos-u-dhigista qiimaha korontadu ay saldhig u yihiin qorshaha dawladda.Ā Dhinaca sugnaanshaha biyaha, waxa uu sheegay in sahaminta iyo ka-faa'iidaysiga kaydka biyaha dhulka hoostiisa ku jira ay tahay arrin masiiri ah, isaga oo beesha caalamka weydiistay in ay Somaliland ka taageeraan dhinacyada khibradda farsamo iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee lagu horumarinayo qaybtaas.Ā Ā 

Doorka Somaliland ee Geeska Afrika iyo Gunaanadka

Gebagabadii kulanka, Madaxweyne Cirro ayaa farriin cad u diray saaxiibbada iyo bah-wadaagta caalamka. Waxa uu ku boorriyey in ay Somaliland ku qiimeeyaan xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dalka, waxqabadkeeda, iyo rikoodhkeeda maamul wanaag, isla markaana ay ula macaamilaan si ixtiraam iyo sinnaan ku dheehan tahay.Ā Ā 


Waxa uu adkeeyey in Somaliland ay door lama huraan ah kaga jirto xaqiijinta nabadda, amniga, ganacsiga, iyo horumarka waara ee guud ahaan gobolka Geeska Afrika.Ā "Waxaan rajaynayaa in iskaashiga mustaqbalka ee Somaliland iyo beesha caalamku uu noqdo mid ku dhisan xaqiiqooyin dhab ah, is-ixtiraam, dano-wadaag, iyo natiijooyin la taaban karo, kaas oo gogol-xaadh u noqon doona nabad iyo barwaaqo waarta oo ka dhalata Geeska Afrika," ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.Ā 

bottom of page