top of page

Tubta Nabadda: Dedaallada Madaxweyne Cirro ee Xallinta Colaadaha Bariga Somaliland

Jul 22
2 min read

Madaxweyne Cirro oo hadda sii dhammaysanaya sannadkii labaad ee xukunkii uu qabtay dhammaadkii 2024 waxa uu dedaal badan ku bixiyey sidii uu wax uga beddeli lahaa xaaladda colaadeed ee bariga Somaliland halkaas oo markii uu la wareegay tallada ahayd goob ay dagaallo sokeeye ka socdaan. Tallaabadii koowaad ee uu qaaday waxa ay noqotay qaramayntii ciidamada madaniga ah oo ahaa ciidan beeleed hub xooggan haystay, waxana ay taasi suurta gelisay in colaaddii barigu istaagto oo dagaalkii labada sano socday uu guud ahaanba bartaas ku joogsado.


Mar kale, waxa uu madaxweyne Cirro ka shaqeeyey qayb ka mid ah nabadayntii Ceerigaabo oo uu heshiis kula galay madax dhaqameedka gobolkaas ugu saamayn badan isaga oo sannadkii hore magaaladaas ku soo xidhay shir uu ka soo qayb galay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire.


President Cirro's Eastern Somaliland Peace Strategy

Inkasta oo weli Ceerigaabo ay ka maqan yihiin nadadda mid ka mid ah beelaha dega magalaada.


Sidoo kale nabadaynta Sool ayuu madaxweyne Cirro ku dedaalay in la hir geliyo, inkasta oo si buuxda aanu hawshaas hadda u wada dhammayn haddana heshiiskii Puntland, soo deynta maxaabiis saddex mar dhacday iyo saan saanka nabadeed ee odayasha deegaanka Soomaalidu ay gadh wadeenka ka ahaayeen ayaa loo diiwaan geliyey tallaabooyin u muuqda Astaamo nabadeed oo madaxweyne Cirro qaaday.


Qodobka labaad ee hadda madaxweyne Cirro uu ku hawlan yahay waa in nabad buuxda lagaga hawl galo gobolka Sool, la soo dhaweeyo qof kasta oo qaadanaya qorshe nabadeed. Waxana ajandahan ilaa hadda sida muuqata laga gaadhey guulo hor dhaca ah oo keenay in ay Somaliland ku soo laabtaan siyaasiyiin hore, madax dhaqameed iyo xildhibaanno inkasta oo aan siyaasiyiin miisaan culus weli iman Somaliland.


Siyaasadda soo xero gelinta cid kasta oo Somaliland ka fikir duwan ama xitaa colaad la gashay, waxa hore u qaatay madaxweynihii hore ee Somaliland AHN Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo isaga oo heshiis la galay hoggaamiyihii jabhaddii SSCĀ  Saleebaan Xagla toosiye, madaxweynihii maamuulkii Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah Garaadada miisaanka ku leh gobolka Sool.


Halka sidoo kale uu heshiiskaas soo dhaweeyey Garaad Jaamac Garaad Cali oo madax dhaqameed sannadkii 2016 ugu tageen deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool.

Heshiisyadaasi, waxa ay xukuumaddii Siilaanyo u suurta geliyeen in ay soo afjarto colaadihii deegaannada Buuhoodle sidoo kalena uu meesha ka baxo maamuulkii Khaatumo ee sannadkii 2012 lagu dhisay magaalada Taleex.


Hadda, madaxweyne Cirro oo u muuqda in uu qaatay siyaasad la mid ah tii madaxweyne Siilaanyo isla markaana ka baydhay waddadii dagaalka ee madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu ku fooggan yahay in Sool xaaladdeeda la debciyo iyada oo aan dagaal la gelin dhiigna la daadin ama aan loo baahan cudud ciidan oo dadka sii kala fogayn karta sida ay ku warrameen dadka ka agdhow.


Inkasta oo aanu madaxweynuhu weli xal u helin furdaaminta maxaabiista ku kala xidhan Laascaanood iyo Hargeysa haddana waxa muuqata in ay shaqeeyeen oo ay marayaan marxalad bilow ah, dhammaadkeena lagu saadaalin karo in guul muuqata laga keeni karo.

Dadka reer bariga ah oo inta badan colaaddani u saamaysay si naf iyo maal ba leh arrintan intooda samaha jecel waxa ay u arkaan in madaxweynuhu qaaday tubtii nabadda.

bottom of page