Saleebaan Maxamuud Aadan oo Ka Degay Hoggaankii Guurtida Kadib 22 Sano iyo Taariikhdiisa
- Hassan Gallaydh

- Jul 13
- 4 min read
Updated: Jul 24
HARGEYSA (July 12, 2026)Ā Magaalada Hargeysa ayaa maanta martigelisay dhacdo taariikhi ah oo si dhab ah u soo afjartay bog weyn oo ka mid ah sooyaalka siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland. Guddoomiyihii Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, oo muddo 22 sano ah ahaa laf-dhabarta xeer-dejinta iyo maamulka golahaas, ayaa si rasmi ah isaga casilay jagadaasi. Saleebaan oo ah siyaasi hal adag oo damaciisa iyo badheedhihiisa si dhiirran u dhiibta ayaa maalmo badan qaranka u soo ciidamiyay, waxaanu taariikh ballaadhan oo aan tirtirmi doonin ku leeyahay guud ahaan Geeska Afrika.

Fadhi aan caadi ahayn oo maanta Golaha Guurtidu isugu yimid ayuu Guddoomiye Saleebaan si iskiis ah ugu dhawaaqay in uu banneeyay jagadii uu fadhiyay ilaa sannadkii 2004. Golaha ayaa gabi ahaanba ka aqbalay is-casilaadda guddoomiyaha, iyaga oo isla madashaas xilka ugu doortay Xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi Ducaale in uu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Golaha Guurtida Somaliland.
Sida ay xoguhu xaqiijinayaan, is-casilaadda odaygan rug-caddaaga ahi may ahayn mid lama filaan ah. Bilihii u dambeeyay waxaa si xooggan uga dhex socday golaha olole uu Saleebaan laftiisu ku diyaarinayay ciddii beddeli lahayd. Xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi Ducaale iyo guddi ka kooban xildhibanno ka soo jeeda deegaanka Saleebaan ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay inta badan mudanayaasha Golaha Guurtida, si ay ugu qanciyaan in ay codkooda siiyaan xildhibaan Muuse. Qorshahaas oo si xeeladaysan loo agaasimay ayaa maanta si habsami leh u hirgalay, taas oo muujinaysa saamaynta xooggan ee uu Saleebaan wali ku dhex leeyahay siyaasadda gudaha ee golaha.
Sooyaalka Rug-Caddaaga: Waxbarashada iyo Dawladdii Hore
Si aynu u fahamno miisaanka Saleebaan Maxamuud Aadan, waa in aynu dib u raacnaa taariikhdiisa oo fidsan in ka badan lixdan sano. Sannadkii 1958, Saleebaan waxa uu ka mid ahaa dufcaddii ugu horraysay ee ka qalin-jebisa dugsi sare oo ku yaalla gudaha dalka, gaar ahaan Dugsiga Sare ee Camuud. Xilligaas ka hor, ciddii dugsi sare dhiganaysaa waxay u baahanayd in ay dalka dibaddiisa u baxdo. Arrintani waxay ka dhigtay aqoonyahan safka hore kaga jira da'yartii aqoonta lagu tabcayay.
Waxa uu macallin iyo maamule ka soo noqday dugsiyo kala duwan oo ku yaalla geyiga Soomaalida, isaga oo markii dambe dalacay ilaa uu noqday Agaasimaha Xafiiska Horumarinta Manhajka. Waxa uu ka mid ahaa shaqaalihii rayidka ahaa ee dawladihii ka horreeyay xukuumaddii milatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre. Xilligii milatariga, waxa uu si weyn uga dhex muuqday nidaamka maamulka isaga oo noqday Agaasime Guud. Sannadkii 1980 waxa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada, halka sannadkii 1987 laga dhigay Wasiir Ku-xigeenka Kalluumaysiga.
Kacdoonkii SNM iyo Curashadii Somaliland
Sannadkii 1989 ayuu Saleebaan go'aan geesinimo leh qaatay isaga oo ka goostay dawladdii Maxamed Siyaad Barre, kuna biiray ururkii dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM. Waxa uu markiiba xilal muhiim ah ka qabtay ururka dhexdiisa isaga oo noqday Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee ururka SNM. Waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii seeska ka soo bilaabay dhismaha Somaliland cusub markii dalku dib ula soo noqday madax-bannaanidiisa sannadkii 1991.
Somaliland markii la yagleelay, Saleebaan waxa uu xukuumaddii koowaad ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) ka noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee ugu horreeyay Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, xilligii xukuumaddii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxa uu dalka ka soo noqday Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, isaga oo seeska u dhigay qaab-dhismeedka dhaqaalaha iyo xidhiidhka caalamiga ah ee dalka.
Loollanka Madaxtooyada iyo Hoggaaminta Guurtida
Damaca siyaasadeed ee Saleebaan muu ahayn mid ku kooban wasiirnimo oo keliya. Sannadkii 1997, waxa uu isku soo taagay jagada Madaxweynaha Somaliland, isaga oo loollan adag la galay Madaxweynihii xilligaas Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Maxamed Xaashi Cilmi, inkasta oo Cigaal uu xilkaas sii xejistay. Sannadkii 2002, waxa uu aasaasay urur siyaasadeedkii ASAD oo uu guddoomiye u ahaa, kaas oo ka qaybgalay doorashooyinkii dawladaha hoose. Markii dambe ururkii waa la baabiiyay, waxaanu Saleebaan si xeeladaysan ugu biiray xisbigii talada hayay ee UDUB.
Sannadkii 2004 ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, oo ah gole ka kooban 82 mudane oo u xilsaaran nabadaynta, xallinta khilaafaadka iyo xeer-dejinta. Laga soo bilaabo xilligaas ilaa maanta oo aynu joogno 2026, waxa uu ahaa laf-dhabarta siyaasadda iyo xasiloonida dalka. Hoggaamintiisa adag iyo go'aan qaadashadiisa aan leexleexadka lahayn ayaa inta badan furdaamisay khilaafyo waaweyn oo dalka soo gaadhay xilliyo adag.
Sidaas markay tahay, Saleebaan wuxuu noqonayaa siyaasigii ugu dambeeyay jiilkii hore ee ka soo shaqeeyay dawladihii Soomaaliya ee gaadhay heer wasiir, iyo siyaasigii ugu dambeeyay ee safka hore kaga jiray siyaasiyiintii SNM ee xilal qarameed gacanta ku hayay.
Bar Madow oo Ku Taalla Sooyaalka Saleebaan: Curyaamintii Dimuqraadiyadda iyo Cudurka Muddo Kordhinta
In kasta oo uu Saleebaan Maxamuud Aadan leeyahay sooyaal weyn oo nabadayn iyo dawlad dhisid ah, waxa aan caddaalad iyo dhex dhexaadnimo saxaafadeed noqonayn in la iska indho tirro dhaliilaha waaweyn iyo raadka taban ee uu kaga tegay nidaamka dimuqraadiyadda. Intii lagu jiray 22 kii sano ee uu hoggaaminayay Golaha Guurtida, golahaasi waxa uu isku beddelay xuddunta fadhiidnimada hay'adaha dawladda. Saleebaan iyo golihiisu waxay gabi ahaanba ku guul darraysteen inay meel mariyaan xeerarka lagama maarmaanka u ah doorashada golaha, taas oo sababtay in tan iyo 1993 aan dalka laga qaban doorasho rasmi ah oo guurtida lagu cusboonaysiinayo.
Beddelkii la dhisi lahaa nidaam doorasho oo daah furan, kuraastii xeer dejinta qaranka waxay isku beddeleen hanti qoys oo la iska dhaxlo (Dhaxal wareejin). Marka uu xildhibaan dhinto, waxa si toos ah kursiga ula wareegayay wiilkiisa ama cid ka tirsan qoyskiisa, taas oo bah dil weyn ku ahayd xuquuqdii matalaadda iyo madax bannaanida shacabka. Sidoo kale, eedda ugu culus ee taariikhda u gelaysa xilligii Saleebaan waxay ahayd hirgelinta "Cudurka Muddo kordhinta" oo ay ka dhigteen aalad joogto ah oo dib loogu riixo doorashooyinka masiiriga ah ee dalka.
Golaha uu Saleebaan hoggaaminayay ma aha oo keliya inay si aan xad lahayn u kordhiyeen muddo xileedkooda, balse waxay muddo kordhinno muran dhaliyay si isdaba joog ah u siiyeen madaxweynayaashii dalka soo maray iyo Golihii Wakiillada oo kuraasta fadhiyay 16 sano doorasho la'aan. Tallaabooyinkaas waxay Somaliland galiyeen xiisado siyaasadeed, jaah wareer dastuuri ah, iyo khilaafaad wiiqay sumcaddii dalka ee beesha caalamka. Is hortaagga nidaamka doorashooyinka iyo awood ku dheggaas xad dhaafka ah ayaa ah bar aad u madow oo raad xun ku reebaysa taariikhdiisii siyaasadda.
Gunaanad
Is-casilaadda Saleebaan Maxamuud Aadan ma aha oo keliya shakhsi xil ka degay, balse waa xidhitaanka buug weyn oo kaydinayay taariikhda dhismaha dawladnimada iyo nabadaynta.
Magiciisu waxa uu dalka kaga tegi doonaa raad qoto dheer oo aan tirtirmi doonin, isaga oo jiilka cusub uga tegay casharro ku saabsan maamul-wanaagga, ku-dhaca siyaasadeed iyo adkaysiga duruufaha adag.
Xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi Ducaale oo maanta talada la wareegay ayaa laga dhawrayaa in uu buuxiyo kabihii waawaynaa ee uu ka tegay rug-caddaaga ugu weyn siyaasadda Geeska Afrika.



