Hanjabaadaha Fiqi: Maxaa Ka Dambeeya Weerarka Afka ah ee Loo Jeediyay Mucaaridka?
- Hassan Gallaydh

- May 23
- 3 min read
Xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan magaalada Muqdisho ayaa gaadhay meel xasaasi ah, kadib markii ay cirka isku shareertay dooda ka dhalatay dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku ekaa 15-ka May. Xilli ay daneeyayaasha siyaasaddu ku hawlan yihiin xal u helidda firaaqada dastuuriga ah, xukuumadda ayaa qaadatay waddo u muuqata in lagu aamusinayo codadka dhaliilan, taas oo si cad uga dhex muuqatay hadallo hanjabaad ah oo ka soo yeedhay Wasiir Axmed Macallin Fiqi.
Wasiirka oo fagaare ka hadlayay ayaa hanjabaad toos ah iyo digniin culus u diray xubnaha mucaaridka ee ku midoobay isbaahaysiga Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Wasiir Fiqi waxa uu meesha ka saaray in dawladdu ay weerar ku tahay siyaasiyiinta mucaaridka ah, balse waxa uu si cad u sheegay in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo isku dayda in ay awood ciidan adeegsato.

"Wax idiin soo weeraraya ma jiraan, walaa xoogga dalka, nabadsugid iyo boolis. Haddii la idiin soo weerarayo af-xumadiina iyo dhaqan xumadiina mar hore ayaa la qaban lahaa. Cid idiin soo socota ma jirto, laakiin maliishiyaad maalinka aad qaadataan gacmahaa la idinka jabinayaa, ciddaad doontaan ha ahaateene," ayuu yidhi Wasiir Fiqi.
Si uu u cudur daaro hadalkiisa, wasiirku waxa uu dib u xasuusiyay dhacdo dhacday bishii September ee sannadkii hore, isaga oo mucaaridka ku eedeeyay in ay si bareer ah u weerareen saldhigga degmada Wardhiigley, wuxuuna xusay in haddii ay dawladdu xilligaas ka falcelin lahayd uu xaalku intaas ka xumaan lahaa. Sidoo kale, waxa uu jeesjees iyo yaso kala duldhacay baaqii mucaaridka ee ahaa in 15-ka May la dhigo bannaanbax weyn, isaga oo ku tilmaamay mid fashilmay oo ay "ciyaalka xaafaduhu ku maadeysteen" markii ay cid usoo bixi wayday.
Taariikhda Hadallada Xanafta Leh ee Wasiir Fiqi
Falanqeeyayaasha siyaasadda iyo warbaahinta madaxa bannaan lama yaabin hadallada ka soo yeedhay Wasiir Axmed Macallin Fiqi. Wasiirkan ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay shakhsiga ay xukuumaddu u adeegsato hanjabaadaha iyo weerrarada afka ah, isaga oo caan ku ah adeegsiga hadallo xanaf leh oo gabi ahaanba ka baxsan nidaamka iyo dublamaasiyadda dawladnimo.
Labadii sano ee u dambeeyay, Wasiir Fiqi waxa uu si isdaba joog ah u dhex muquunayay murano ka dhashay khudbado uu jeediyay. Tusaale ahaan, xilligii uu socday dagaalkii magaalada Laascaanood, Fiqi waxa uu adeegsaday hadallo xanaf leh oo uu xukuumadda iyo madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ku barbardhigay kooxaha argagixisada ah, arrintaas oo sii hurisay colaadda isla markaana dhaawacday sumcaddii dawladda federaalka.
Sidoo kale, xilliyadii uu xoogganaa khilaafka u dhexeeya dawladda Dhexe iyo maamulka Puntland, Wasiir Fiqi waxa uu weerrar afka ah oo aan leexleexad lahayn ku qaaday Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, isaga oo adeegsaday erayo muujinayay in xukuumaddu ay cunaqabatayn saari doonto maamulkaas. Dhaqankan uu wasiirku caadaystay ee ah in uu mucaaridka iyo ciddii ka aragti duwan xukuumadda ku sifeeyo kuwo wada qas iyo xasarad amni, ayaa u abuurtay sumcad ah in uu yahay siyaasi kala qaybiye ah oo aan lahayn dulqaadkii looga baahnaa masuul qaran.
Jawaabta Mucaaridka iyo Digniinta Ciidamada
Hanjabaadda Wasiir Fiqi ayaan noqon mid la liqo. Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa markiiba soo saaray warsaxaafadeed ay si adag ugu cambaaraynayaan hadalladaas. Goluhu waxa uu caddeeyay in aanay hadalladan u arkin kuwo ku kooban shakhsiyadda Fiqi, balse ay yihiin qorshe siyaasadeed oo habaysan oo ka yimid dhinaca Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo lagu cabudhinayo xorriyadda hadalka iyada oo lagu gambanayo nabadgelyada.
Bayaanka mucaaridka ayaa si gaar ah farriin xasaasi ah ugu diray ciidamada qalabka sida, iyaga oo ugu baaqay in ay dhex dhexaad ka noqdaan loolanka siyaasadeed.
"Goluhu wuxuu ugu baaqayaa ciidamada qalabka sida in ay ilaaliyaan dastuurka iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed, kana fogaadaan ku milanka loolanka siyaasadeed, isla markaana ay diidaan amar kasta oo sharci darro ah oo ka yimaada shakhsi muddo xileedkiisu dhammaaday," ayaa lagu yidhi qoraalka golaha.
Mucaaridku waxa ay xasuusiyeen xukuumadda in Soomaaliya ay leedahay waayo aragnimo aad u xanuun badan oo laga dhaxlay adeegsiga awoodda ciidanka iyo cabudhinta, waxayna mas'uuliyadda wixii ka dhasha xiisaddan dusha u saareen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Gunaanad
Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan u muuqata mid u baahan is tanaasul iyo in dib loogu soo laabto miiska wada hadalka. Hanjabaadaha ka imanaya masuuliyiinta dawladda ee la midka ah Wasiir Fiqi ma aha kuwo soo kordhinaya xal, balse waa kuwo sii fogeynaya fursadaha heshiis laga gaadho kala guurka siyaasadeed. Sida uu xusay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxaa muhiim ah in lagu tartamo hannaan sharci ah oo ku dhisan dimuqraadiyad iyo wada hadal, lagana fogaado in awoodda dawladda loo adeegsado cabsigelin iyo aamusin siyaasadeed.



