Burburkii Xalane iyo Jihada Mugdiga ah ee Soomaaliya
- Hassan Gallaydh

- May 22
- 2 min read
MUQDISHO (May 21, 2026)Ā Magaalada Muqdisho ayaa haatan ku jirta xaalad hubanti la'aan ah kadib markii ay si buuxda u fashilmeen wada-hadalladii xasaasiga ahaa ee maalmihii la soo dhaafay ka socday xerada Xalane. Wada-xaajoodyadan, oo ay garwadeen ka ahaayeen wakiilada waddamada reer Galbeedka, ayaa ujeeddadoodu ahayd in xal degdeg ah laga gaadho ismari-waaga siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo isbaheysiga mucaaridka. Nasiib darro, shirkan ayaa ku soo xidhmay is-fahamwaa qoto dheer, taas oo dalka gelisay firaaqo dastuuri ah iyo xiisad hor leh oo wiiqi karta xasilloonida dalka.

Doodda Laba-Geestoodka ah: Qof iyo Cod vs. Xukuumad Xil Gaadhsiin ah
Sida uu warbaahinta DawanTV u xaqiijiyay Raysal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, labada dhinac ayaa miiska la yimid laba qorshe oo aad u kala fog, kuwaas oo isku tanaasul laga waayay. Xukuumadda hadda jirta ayaa ku adkaysatay in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, iyada oo ku dooday in ay tahay waddada keliya ee muwaadiniinta siinaysa awoodda go'aan ka gaadhista madaxdooda.
Dhinaca kale, mucaaridka ayaa gaashaanka ku dhuftay qorshahaas. Xuddunta dooddooda ayaa ah in ay dhammaatay muddadii rasmiga ahayd ee la doortay madaxweynaha, taas oo ku eekayd Jimcihii la soo dhaafay ee bartamihii bisha May. Sidaas darteed, waxay si adag u dalbadeen in xukuumadda hadda jirta lagu beddelo xukuumad xil gaadhsiin ah (Caretaker Government), dalkana si degdeg ah looga qabto doorasho dadban oo ku salaysan heshiis siyaasadeed. Kala fogaanshaha labadan aragtiyood, iyo is-aaminaad darrada siyaasadeed ee meesha taal, ayaa horseeday in wada-hadalladu ay burburaan iyada oo aan wax natiijo ah laga gaadhin.
Maxaa Hadda Xiga? Abaabul iyo Hanjabaad
Kadib markii xal laga gaadhi waayay miiska wada-hadalka, xasaraddii siyaasadeed ayaa durba u soo tallowday waddooyinka. Mucaaridka Soomaaliya oo shir jaraa'id ku qabtay caasimadda ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay abaabulayaan bannaanbaxyo waawayn oo doorasho doon ah, kuwaas oo dhici doona June 4 ee soo socota. Tallaabadan ayaa imanaysa kadib markii uu baaqday dibadbax hore loo qorsheeyay toddobaadkan. Ujeeddada abaabulkan ayaa ah in cadaadis shacab la saaro Villa Soomaaliya si loo qabto doorasho lagu heshiiyay.
Hase yeeshee, xukuumadda ayaa iyaduna dhankeeda bilowday in ay adeegsato gacan bir ah. Waxay soo saartay digniino adag, iyada oo ku hanjabtay in ay tallaabo adag ka qaadi doonto mucaaridka abaabulaya bannaanbaxyada. Isku dhaca labadan mawqif ayaa cabsi weyn ku abuuray shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho, waxaana laga walaacsan yahay in xiisaddani ay isku beddesho gacan ka hadal dhaawici kara ammaanka dalka.
Indhaha Beesha Caalamka: Suurtagalnimada Fara-gelin Toos ah
Falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in Soomaaliya ay haatan taagan tahay isgoys khatar badan. Maadaama uu burburay wada-xaajoodkii Xalane ee ay garwadeenka ka ahaayeen dalalka reer Galbeedku, diblomaasiyiinta ayaa muujinaya niyad jab weyn. Haddii madaxda iyo mucaaridka Soomaaliya ay si dhab ah u keeni waayaan xal Soomaaliyeed oo kama dambays ah maalmaha soo socda, waxaa hubaal ah in Beesha Caalamku ay si toos ah u soo fara gelin doonto arrintan.
Waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa laga yaabaa in ay adeegsadaan culeysyo diblomaasiyadeed iyo xayiraado dhaqaale si ay labada dhinac ugu qasbaan miiska wada-hadalka iyo saxeexida heshiis xal u ah kala guurka. Xilligan xaadirka ah, indhaha caalamka iyo kuwa shacabka Soomaaliyeed ba waxay eegayaan sida ay xukuumadda iyo mucaaridku uga baaqsadaan in dalku dib ugu noqdo fowdo siyaasadeed oo aan la mahadin.



