top of page

Furitaankii La Sugayay Ee Xuduudka Kenya Iyo Soomaaliya Oo Fashilmay

NAIROBI (May 14, 2026) – In ka badan 15 sannadood ayaa laga joogaa markii dawladda Kenya ay si rasmi ah u xidhay xuduudka dheer ee ay la wadaagto Jamhuuriyadda Soomaaliya. Go'aankaas oo uu bishii Oktoobar 2011 qaatay madaxweynihii hore ee Kenya, Mwai Kibaki, waxa uu salka ku hayay hawlgalkii "Linda Nchi" oo ujeeddadiisu ahayd in lagaga hortago weerarada kooxda Al-Shabaab iyo ka ganacsiga hubka sharci darrada ah.

Bishii February 2026, shacabka labada dal iyo ganacsataduba waxay si weyn u soo dhaweeyeen ogeysiis ka soo baxay Madaxweynaha Kenya, William Ruto, kaas oo uu ku ballanqaaday in xuduudka la furi doono bisha April ee isla sannadkan, si loo soo nooleeyo ganacsiga is-dhaafsiga ah. Nasiib darro, ballanqaadkaasi ma rumoobin.


Madaxweyne William Ruto oo waraysi xasaasi ah siiyay warbaahinta Faransiiska ee France 24, xilli uu ka qaybgelayay shir-madaxeedka Africa Forward Summit ee ka dhacay magaalada Nairobi, ayaa markii ugu horraysay daaha ka rogay sababaha dhabta ah ee fashiliyay qorshihii dib-u-furista xuduudka, isaga oo dusha u saaray qalalaase siyaasadeed iyo dagaallo dib uga qarxay gudaha Soomaaliya.


Kenya-Somalia Border Opening Fails: President Ruto Cites Somalia Conflict

Xiisadda Jubbaland iyo Dawladda Federaalka: Jabhadii Soo Jebisay Ciidanka Qaranka

Sida uu sheegay Madaxweyne Ruto, qorshaha furitaanka xuduudku wuxuu u socday si habsami leh, balse wuxuu is-beddelay markii uu dagaal xooggani ka dhex qarxay Ciidanka Qaranka Soomaaliya (SNA) iyo ciidamada maamul goboleedka Jubbaland. Dagaalkan oo ka dhacay deegaanada ku teedsan xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ayaa dhaliyay xaalad nabadgelyo darro oo saameyn toos ah ku yeelatay Kenya.

"Si wanaagsan ayay wax inogu socdeen. Haa, ilaa uu khilaaf weyni soo dhex galay dawladda Muqdisho iyo maamul goboleedyada. Nasiib darro, waxa cirka isku shareeray dagaal u dhexeeya Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo ciidamada Jubbaland oo ku sugan xuduudka Kenya," ayuu yidhi Madaxweyne Ruto.

Isagoo sii faahfaahinaya siday wax u dhaceen, madaxweynaha Kenya waxa uu qiray in ciidamada Jubbaland ay ka awood badiyeen ciidamada dawladda Federaalka, taas oo keentay in ciidanka Soomaaliya ay u soo cararaan oo ay soo galaan gudaha Kenya.


"Runtii, xilligaas, qaar ka mid ah Ciidanka Qaranka Soomaaliya ayaa dib loogu soo riixay gudaha Kenya. Waxaanu ku qasbanaanay inaan taageerno ciidanka qaranka, inaan daadgureyno, oo aan caawino si aan xaaladda u dajino dagaalkana u yarayno," ayuu raaciyay.

Wuxuu xusay in kasta oo xaaladdu in muddo ah soo hagaagtay, haddana ay mar kale is beddeshay oo ay ka sii dartay.

Qalalaasaha Dastuuriga Ah: Muddo Xileedka Oo Dhammaaday

Burburka ku yimid qorshaha furitaanka xuduudka ma aha oo keliya mid ku salaysan dagaalka hubaysan, balse waxa sidoo kale barbar socda qalalaase dastuuri ah iyo hubanti la'aan siyaasadeed oo ka taagan xarunta dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Madaxweyne Ruto ayaa si cad farta ugu fiiqay dhammaadka muddo xileedka hay'adaha dawladda Soomaaliya in ay tahay caqabad weyn oo hor-taagan is-afgarad kasta.


Soomaaliya waxay xilligan ku jirtaa marxalad kala-guur ah oo aad u adag. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddo xileedkoodii sharciga ahaa waxa uu ku ekaa bishii April 2026. Iyadoo aan wax heshiis ah laga gaadhin doorashooyinka, dalkuna uu galay xaalad muddo dhaaf ah, kalsoonidii dalalka deriska ah ee ku wajahnayd xasiloonida Soomaaliya ayaa hoos u dhacday.


"Maanta waxaan wajahaynaa xaalad aad uga sii murugsan, sababtoo ah muddo xileedkii baarlamaanka halkaas [Soomaaliya] wuu dhammaaday. Muddo xileedka madaxweynahana, waxaan filayaa, wuu dhammaanayaa," ayuu yidhi Ruto, isagoo ku nuuxnuuxsaday hubanti la'aanta siyaasadeed ee haysata dawladda Federaalka ah.
Dadaaladda Diblomaasiyadeed ee Fashilmay

Wadamada deriska la ah Soomaaliya ayaa isku dayay in ay dhexdhexaadiyaan dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya. Madaxweyne Ruto ayaa xaqiijiyay in dawladaha Kenya, Itoobiya, iyo Jabuuti ay wadeen dadaalo wadajir ah si loo helo xal waara oo u dhexeeya dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada.


"Waxaanu isku daynay inaanu dhex-galno oo aanu xidhiidh u samayno maamul goboleedyada iyo dawladda Soomaaliya. Kumaanan guulaysan si buuxda. Wali waxaanu riixaynaa qorshe u dhexeeya Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti anagoo ah dalal deris ah. Wali waxaanu isku dayaynaa inaan xal u helno arrintan," ayuu yidhi hogaamiyaha Kenya.

Fashilka ku yimid dhexdhexaadintan ayaa ah sababta ugu weyn ee ay Kenya u go'aansatay in xuduudka labada dal uu sii xidhnaado ilaa waqti aan la cayimin.

Saamaynta Dhaqaale Iyo Midda Amni

Xidhnaanshaha xuduudka ayaa saamayn dhaqaale oo xooggan ku yeeshay ismaamullada ku yaalla xuduudka sida Mandheera iyo Gaarisa, kuwaas oo in ka badan toban sano ka oomanaa ganacsiga tooska ah ee Soomaaliya. Sanadkii 2023, qorshe la doonayay in waji-waji loogu furo xuduudka ayaa isna la hakiyay markii ay soo kordheen weerarada kooxda Al-Shabaab. In kasta oo Kenya ay horraantii sanadkan qayb ahaan furtay xuduudka si loo fasaxo dhoofinta qaadka (Miraa), qorshihii furitaanka rasmiga ahaa ayaa hadda laalay.


Waxa xusid mudan in marka laga yimaado ganacsiga, sababta aasaasiga ah ee xuduudka loo xidhay 15 sano ka hor ay ahayd socodsiinta hubka iyo badeecadaha kootarabaanka ah oo galaaftay amniga Kenya. Hadda, hubanti la'aanta siyaasadeed iyo isku-dhacyada ciidamada maxaliga ah ee Soomaaliya waxay abuureen jawi cusub oo khatar gelin kara amniga Kenya, taas oo ku qasabtay xukuumadda Nairobi in ay danta amnigeeda ka horumariso faa'iidada dhaqaale.


Isku soo wada duuboo, dib-u-dhaca ku yimid furitaanka xuduudka Kenya iyo Soomaaliya waxa uu muujinayaa sida qoto-dheer ee xasaradaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan is-maandhaafka siyaasadeed iyo dagaalada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada, ay saameyn toos ah ugu leeyihiin xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee ay la leedahay dalalka deriska ah. Ilaa xal loo helo qalalaasaha dastuuriga ah iyo khilaafka maamulada, xuduudka ugu dheer Geeska Afrika waxa uu ahaan doonaa mid xidhan.

bottom of page