top of page

Furitaanka Xadka Soomaaliya iyo Kenya: 15 Sano Kaddib

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay in la furi doono xadka Soomaaliya iyo Kenya oo xidhnaa tan iyo 2011, kaddib weerarro amni oo culus. Go’aankan cusub wuxuu taabanayaa amniga, ganacsiga mira, dhaqaalaha Waqooyi Bari, iyo jihada cusub ee xiriirka Muqdisho iyo Nairobi.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa si rasmi ah u shaaca ka qaaday in dowladdiisu ay qorsheyneyso furitaanka xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, xadkan oo xidhnaa tan iyo sannadkii 2011. Sida lagu sheegay qorshaha, furitaanka rasmiga ah waxaa la filayaa inuu dhaco bisha April 2026.


Go’aankan wuxuu soo afjarayaa ku dhowaad shan iyo toban sano oo xayiraad ah oo ku timid isu socodkii dadka iyo ganacsiga, wuxuuna calaamad u yahay isbeddel muuqda oo ku yimid xisaabta amni iyo midda siyaasadeed ee labada dal.


A picture of William Ruto opening the somalia kenya border after 15 years

Xadka ugu muhiimsan ee la filayo in dib loo furo waa marinka Mandera–Bula Hawo, oo ah halka ugu weyn ee isu socodka labada dhinac, inkastoo marinnada kale sida Liboi iyo Kiunga ay iyaguna qayb ka ahaayeen nidaamka xidhnaanshaha.


Maxaa Sababay in Xadka la Xiro 2011?

Sannadkii 2011, Kenya waxay bilowday howlgal milatari oo ay ku gashay gudaha Soomaaliya si ay ula dagaallanto Al Shabaab. Howlgalkan, oo markii dambe ku biiray qaab-dhismeedka Midowga Afrika, wuxuu yimid kaddib afduubyo iyo weerarro ka dhacay gudaha Kenya, kuwaas oo si gaar ah u saameeyay waaxda dalxiiska iyo amniga guud.


Muddo yar kaddib, weerarro waaweyn sida kuwii ka dhacay Jaamacadda Garissa iyo Westgate Mall ayaa sii xoojiyay dareenka cabsi ee Kenya. Dowladda Nairobi waxay ku dooday in xadka furan uu sahli karo isu socodka maleeshiyaadka, hubka, iyo shabakadaha argagixisada.


Xiritaanka xadka wuxuu noqday tallaabo lagu muujinayo in amniga qaranku ka horreeyo isu socodka ganacsi iyo bulsho.



Maxaa Isbeddelay 2026?

Su’aasha ugu weyn ayaa ah: maxaa ka duwan maanta marka la barbar dhigo 2011?

Jawaabtu waa isku-darka arrimo amni, dhaqaale, iyo siyaasadeed.


Marka hore, xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Muqdisho iyo Nairobi ayaa soo hagaagay sannadihii u dambeeyay. Inkastoo labada dal ay soo mareen muran la xidhiidha dacwaddii badda ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda, haddana hoggaanka cusub ee labada dhinac ayaa muujiyay rabitaan ku wajahan dib-u-dhiska isku xidhnaanshahooda.


Marka labaad, Kenya waxay sannadihii u dambeeyay xoojisay nidaamyada kormeerka xadka, oo ay ku jiraan tiknoolajiyad, darbiyo, iyo wada shaqeyn sirdoon. Dowladda Nairobi waxay aaminsan tahay in halista 2011 aanay maanta la mid ahayn, isla markaana ay jirto awood ka wanaagsan oo lagu maareeyo khataraha.


Laakiin qodobka ugu saameynta badan waa dhinaca ganacsiga, gaar ahaan mira.



Mira: Ganacsi Ka Dambeeya Go’aanka

Ganacsiga mira ayaa noqday qodob dhaqaale oo si toos ah ugu lug leh go’aanka furitaanka xadka.


Gobolka Meru ee Kenya wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay dhoofinta mira loo iib geeyo Soomaaliya, taas oo ah suuq ballaadhan oo joogto ah. Markii xidhiidhka labada dal xumaaday, Soomaaliya waxay hakisay ama xaddiday soo dejinta mira ka timaadda Kenya, taas oo si weyn u dhaawacday beeralayda iyo silsiladda sahayda ee dalkaas.


Furitaanka xadka wuxuu si toos ah u soo celinayaa silsiladdaas dhaqaale. Waa go’aan leh miisaan siyaasadeed, balse sidoo kale leh xisaab dhaqaale oo muuqata.


Dhanka Soomaaliya, mira waa badeeco si joogto ah loo isticmaalo, inkastoo marar badan dood laga keeno saameynta caafimaad iyo midda bulsho. Haddana xaqiiqadu waa in ganacsiga mira uu noqday mid ka mid ah tiirarka xiriirka ganacsi ee labada dal.


Gobolka Waqooyi Bari: Go’doon iyo Rajo Cusub

Xidhitaanka xadka wuxuu si gaar ah u saameeyay Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, gaar ahaan Mandera. Ganacsatada gobolkaas waxay muddo dheer ku doodayeen in xayiraadda xadku ay sababayso go’doon dhaqaale, iyadoo ganacsiga xoolaha, raashinka, iyo badeecooyinka kale uu si weyn hoos ugu dhacay.


Furitaanka xadka wuxuu u muuqdaa mid dib u soo noolayn kara dhaqdhaqaaqii ganacsi ee gobolkaas, isla markaana kor u qaadi kara kalsoonida bulshada ku nool xadka.

Dhanka Soomaaliya, gaar ahaan Gobolka Gedo, furitaanku wuxuu u oggolaanayaa isu socod sharci ah oo fududeynaya ganacsiga iyo adeegyada aasaasiga ah.


Xuduud Qoysas Kala Qaybisay

Xadka Soomaaliya iyo Kenya ma aha oo keliya khad siyaasadeed. Waa xariiq kala jaray qoysas, ganacsato, iyo bulshooyin isku dhaqan iyo hayb ah.


Muddo ku dhow shan iyo toban sano, dad badan ayaa ku khasbanaa inay adeegsadaan marinnada aan rasmiga ahayn si ay u gaadhaan ehelkooda ama u maareeyaan ganacsigooda.


Furitaanka xadka wuxuu dib u soo celin karaa isu socod sharci ah oo fududeynaya nolosha bulshada xadka degan.

Maxaa Laga Filan Karaa?

Furitaanka xadku waa tallaabo bilow ah, balse waxa ka muhiimsan waa sida loo maareeyo.

Ma la sameyn doonaa qaab-dhismeed cusub oo kastam iyo canshuur ah? Ma la dhisi doonaa guddi wadajir ah oo amni iyo ganacsi?


Haddii si istiraatiiji ah loo maareeyo, xadka Mandera–Bula Hawo wuxuu noqon karaa marinka dhaqaale ee ugu waayweyn deeganadda somaalidda iyo mid amni oo xoojiya xidhiidhka labada dal.





bottom of page