Shidaal Yaraan Soo Wajahday Dalka Kenya Iyo Cabsida Laga Qabo Sicir Barar
- Hassan Gallaydh

- Mar 25
- 3 min read
Ganacsatada madaxabannaan ee iibisa shidaalka dalka Kenya ayaa soo sheegaya gabaabsi baahsan oo ku yimid sahaydii shidaalka ee dalka, arrintaas oo si toos ah loola xidhiidhinayo dagaalka ka socda Bariga Dhexe. Qiyaastii boqolkiiba 20 (20%) ka mid ah xarumaha shidaalka ee dalkaas ayaa haatan wajahaya saamaynta dhibaatadan, taas oo abuurtay baqdin weyn oo dhanka dhaqaalaha ah.
Guddoomiyaha Ururka Xarumaha Shidaalka Kenya ee loo soo gaabiyo (POAK), Martin Chomba, ayaa xaqiijiyay in boqolaal ganacsato ah ay wajahayaan shidaal yaraan, isaga oo uga digay xukuumadda in xaaladdu ay isku beddeli karto dhibaato masiibo ah laba toddobaad gudahood haddii xiisadda Bariga Dhexe ay sii socoto.

"Ilaa hadda boqolkiiba 20 ka mid ah 3,100 xarumood ee shidaalka iibiya ayaa dhibaatadu saamaysay," ayuu yidhi Chomba. Wuxuu xusay in ganacsatada qaar ay bilaabeen in ay shidaalka kaydsadaan iyaga oo ka cabsi qaba in bisha dambe uu qiimaha shidaalku aad u kaco. Xaaladdan ayaa sidoo kale dhalisay in dadweynuhu ay dareemaan argagax, taas oo sababtay iibsi xad dhaaf ah oo sii wiiqay sahaydii yareyd ee tiilay xarumaha shidaalka toddobaadyadii la soo dhaafay.
Qaddarinta Sicirka Iyo Xalka La Soo Jeediyay
Xiisaddan ayaa dilaacday kadib markii Hay'adda Nidaaminta Tamarta iyo Batroolka ee dalka Kenya (EPRA) ay 14 kii bishan March go'aamisay in aan la kordhin qiimaha shidaalka ee dadweynaha laga iibiyo muddo 30 maalmood ah, inkasta oo qiimaha saliidda ceeriin ee caalamku uu cirka isku shareeray dagaalka awgiis. Go'aankan ayaa sababay in ganacsatadu ay ka warwareegaan iibinta shidaalka iyaga oo sugaya isbeddelka qiimaha ee bisha dambe.
Dalka Kenya ayaa dhammaan shidaalkiisa ka hela dalalka Khaliijka isaga oo sii mara heshiisyo dawladuhu ay wada galaan oo lala saxiixdo dalalka soo saara saliidda ceeriin iyo kuwa sifeeyaba.
Guddoomiye Chomba ayaa ugu baaqay maamulka in ay u oggolaadaan shirkadaha shidaalka keena in ay si madaxabannaan ugu iibsadaan sahayda shirkadaha gaarka loo leeyahay si looga gaashaanto xaaladdan xasaasiga ah. "Naxdintii dhabta ahayd wadadii ayay soo socotaa," ayuu uga digay dawladda.
Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee hay'adda EPRA, Daniel Kiptoo Bargoria, ayaa isku dayay in uu dejiyo walaaca bulshada iyo ganacsatada, isaga oo sheegay in Kenya ay haatan haysato kayd ku filan, wuxuuna xusay in bayaan rasmi ah oo arrintan la xidhiidha ay dhowaan soo saari doonaan.
Masiibada Dhaqaale Ee Qaaradda Afrika
Dagaalka u dhexeeya isbahaysiga Maraykanka iyo Israa'iil dhinac ah iyo Iiraan oo qarxay 28 kii bishii Febraayo, ayaa si weyn u carqaladeeyay isu socodka ganacsiga badda. Colaaddan ayaa joojisay qiyaastii boqolkiiba 20 (20%) dhammaan shidaalka iyo gaaska dareeraha ah (LNG) ee caalamka loo iibgeeyo kaas oo mara Marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz.
Dalalka qaaradda Afrika ayaa ah kuwa ugu badan ee ay saamayntan tabani soo gaadhay. Gobollada Bariga iyo Koonfurta Afrika ayaa ah kuwa ugu nugul, maadaama ay boqolkiiba 75% shidaalkooda sifaysan ka soo dhoofsadaan Bariga Dhexe.
Dalka Koonfur Afrika, Wasaaradda Maaliyadda ayaa si rasmi ah uga digtay in ay leedahay awood aad u xaddidan oo ay macaamiisha kaga gaashaanto qiimaha sii kordhaya, xilli qiimaha saliidda ceeriin ee caalamku uu sare u kacay in ka badan boqolkiiba 40%, isaga oo halkii foosto dhaafay 100 doolar.
Saamaynta carqaladaynta maraakiibta iyo soo saarista tamarta ayaa si xawli ah ugu fidaysa qaaradda oo dhan. Tusaale ahaan, dawladda Itoobiya ayaa dhowaan muwaadiniinteeda ugu baaqday in ay si weyn u yareeyaan isticmaalka shidaalka xilli sahaydu ay gabaabsi sii noqonayso.
Xaaladdan ayaa muujinaysa sida dagaalka Bariga Dhexe uu si toos ah ula degayo kobocii dhaqaale ee qaaradda Afrika, iyada oo waddamada soo koraya sida Kenya lagu qasbayo in ay wajahaan xaalado sicir barar iyo shidaal yaraan oo saamayn ba'an ku yeelan doonta nolosha malaayiin qof.



