Daba-galka Afartii Sano ee Xasan Sheekh: Dhaxalka Maamul, Colaado, iyo Muddo-Dhaafka Dastuuriga ah
- Hassan Gallaydh

- May 15
- 5 min read
MUQDISHO (May 15, 2026) — Maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka May, waxa si rasmi ah u soo idlaaday muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee lagu heshiiyey ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Markii la doortay 15-kii May 2022, wuxuu taariikhda u galay inuu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee laba jeer oo kala duwan xilka dalka qabta.
Dib u soo laabashadiisii waxa la socday yididiilo iyo filashooyin waaweyn oo ah inuu xallin doono khilaafaadkii ragaadiyay xukuumaddii isaga ka horreysay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wuxuu dalka la wareegay isaga oo ka soo saaraya marxalad kala-guur ah oo jaha-wareer siyaasadeed iyo amni darro ku astaysnayd. Balse afartii sano ee la soo dhaafay waxay noqdeen kuwo xambaarsan guulo kooban iyo guuldarrooyin laxaad leh oo dib u qaabeeyey sawirka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.

Haddaba, maxaa lagu xasuusan doonaa xilligan labaad ee Xasan Sheekh Maxamuud? Muxuuse yahay dhaxalka uu kaga tegayo madaxtooyada Villa Soomaaliya xilli uu wajahayo culayska ugu weyn ee siyaasadeed ee noloshiisa?
1. Dagaalka Al-Shabaab: Guul Hore Iyo Dib-u-gurasho Xanuun Badan
Mid ka mid ah qodobadii ugu waaweynaa ee uu ku ololeeyay Xasan Sheekh wuxuu ahaa ciribtirka kooxda Al-Shabaab. Wuxuu bilaabay olole millatari oo ballaadhan kaas oo ay garab socdeen kacdoono beeleed (Macawiisley). Bilowgii, hawlgalkani wuxuu keenay guulo muuqda, iyadoo dawladdu la wareegtay gacan ku haynta deegaano istaraatiiji ah iyo magaalooyin waaweyn.
Si kastaba ha ahaatee, guulahaasi may noqon kuwo waara. Istaraatiijiyadda dawladda ayaa u muuqatay mid ku dhisnayd "qabso oo fadhiiso" iyada oo aan la haysan awood iyo ciidan ku filan oo ilaaliya dhulkii la xoreeyay. Tani waxay sababtay in bilihii u dambeeyay ay Al-Shabaab dib ula wareegto deegaano aad u muhiim ah oo ay dhiig badani ku daateen, sida Aadan Yabaal, Masjid Cali Gaduud, Moqokori, iyo Biyo Caddo oo dhammaantood ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Dib-u-gurashadan waxay hoos u dhigtay kalsoonidii lagu qabay awoodda xukuumadda ee ah in ay dalka si buuxda u nabadayso.
2. Isku Dhaca Maamul Goboleedyada: Awood Maroorsi Iyo Jab
Sida madaxweyne kasta oo Soomaaliyeed oo yimaada Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh wuxuu isku dayay inuu awoodda ku soo celiyo xarunta (Centralization). Tani waxay si toos ah isaga hor keentay maamul goboleedyada dalka. Wuxuu loolan adag la galay maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Isku daygiisii ahaa inuu xakameeyo ama meesha ka saaro hoggaanka Jubbaland ee Axmed Madoobe ayaa gebi ahaanba fashilmay, taas oo muujisay xaddidaadda awoodda Villa Soomaaliya ee meelaha ka baxsan caasimadda. Dhinaca kale, in kasta oo uu cadaadis xooggan saaray Koonfur Galbeed, haddana wuxuu ku guuldaraystay inuu helo gacan ku hayn buuxda, taas oo horseeday inuu khilaaf soo jiitamayay kala dhex galo isaga iyo Cabdicasiis Laftagareen. Loolankan awoodeed wuxuu wiiqay wada-shaqayntii dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada.
3. Doorashooyinkii Dadbanaa: Guul Xisbi Iyo Maamul Jilicnsan
Inkasta oo uu fagaarayaasha ka sheegayay inuu dalka gaadhsiin doono doorasho qof iyo cod ah, haddana doorashooyinkii laga qabtay Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir waxay ahaayeen kuwo gabi ahaanba ka fog nidaamkaas. Waxa laga hirgeliyay nidaam gacan-ku-rimis ah oo u sahlaya in xisbigiisu (UPD) uu si fudud ugu guulaysto kuraasta. Tani waxay mar kale xaqiijisay caadada siyaasadda Soomaaliya ee ah in hoggaamiyaha talada haya uu doorashada u qaabeeyo si ay dantiisu ku jirto, taas oo dhaawacday rajadii shacabka ee ahayd in ay yeeshaan matalaad dhab ah.
4. Khilaafka Somaliland: Hanjabaad Iyo Fashil Diblomaasiyadeed
Mid ka mid ah qalalaasaha ugu weyn ee xilliga Xasan Sheekh wuxuu ahaa jawaabtii uu ka bixiyay is-afgaradkii iskaashi (MoU) ee January 2024 dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya. Tallaabadaasi waxay abuurtay cadho weyn oo ka dhalatay Muqdisho. Xasan Sheekh wuxuu bilaabay olole diblomaasiyadeed oo caalami ah iyo mid eedeyn ah si uu u curyaamiyo heshiiskaas, isagoo ku dooday inuu xad-gudub ku yahay madax-bannaanida Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, ololahaasi wuxuu u muuqdaa mid fashilmay. Wuxuu ku fashilmay inuu ku qanciyo beesha caalamka inay cunaqabatayn saaraan Itoobiya ama ay si buuxda u joojiyaan xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland. Dedaalkiisii ahaa inuu is hortaago horumarka Ictiraaf raadinta Somaliland ayaa isna noqday mid madhalays ah, iyadoo Somaliland ay sii xoojisay xidhiidhka ay la leedahay waddamo kala duwan oo caalamka ah.
5. La-shaqaynta Raysal Wasaaraha: Daacadnimo Mise Daciifnimo?
Taariikhda dalka Soomaaliya, khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha ayaa ahaa mid joogto ah oo soo ragaadiyay xukuumado badan. Xasan Sheekh ayaa taariikhda galay ka dib markii isaga iyo Raysal Wasaarihiisa Xamza Cabdi Barre ay si wadajir ah u dhammaysteen afartii sano ee la soo dhaafay, iyada oo aan la beddelin, taas oo ah dhacdo naadir ah 20-kii sano ee la soo dhaafay.
Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaashu waxay ku doodayaan in xasiloonidani aanay ka iman is-afgarad siyaasadeed, balse ay sabab u tahay xulashada madaxweynaha oo keensaday Raysal Wasaare u hoggaansan doonistiisa oo aan lahayn awood iyo saldhig siyaasadeed oo uu isaga caabiyo, taas oo daciifisay awooddii xukuumadda oo isugu ururtay hal gacan.
6. Boobka Dhulka Danta Guud iyo Barakicinta Shacabka
Mid ka mid ah dhaliilaha ugu culus ee loo jeedinayo maamulka Xasan Sheekh ayaa ah maamul xumada hantida dawladda. Sannadihii la soo dhaafay, waxa si ba'an loo iibiyay dhulalkii iyo xarumihii danta guud ee ku yiilay magaalada Muqdisho. Iibinta dhulkan ayaa si toos ah u saameeyay kumanyaal qoys oo danyar ah, kuwaas oo badankoodu ahaa dadkii ka soo laabtay qaxii dagaalada sokeeye, lagana soo barakiciyay xeryahoodii si loo siiyo maalqabeenno iyo shakhsiyaad xiriir dhow la leh dawladda.
7. Wax-ka-beddelka Dastuurka: Mashruuc Muran Dhaliyay
Dedaalka lagu doonayo in wax laga beddelo Dastuurka Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ayaa noqday mid ka mid ah arrimaha ugu muranka badan. Mucaaradka iyo maamul goboleedyada qaar, gaar ahaan Puntland, ayaa si adag uga soo horjeestay qorshahan, iyagoo ku tilmaamay mid uu Xasan Sheekh ku doonayo inuu awoodda dalka ku inqilaabo, meeshana kaga saaro nidaamka federaalka. Habka loo maray wax-ka-beddelka ayaa loo arkaa mid aan loo dhan ahayn, kaas oo aan haysan kalsooni buuxda oo ka timaada shacabka Soomaaliyeed.
Mustaqbalka Madow: Dhamaadka Muddo Xileedka iyo Xasaradda Soo Socota
Maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka May 2026, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku sugan yahay isgoys halis ah. Iyadoo uu dhammaaday waqtigiisii dastuuriga ahaa, wuxuu wajahayaa cadaadis weyn oo kaga imanaya mucaaradka, madaxda maamul goboleedyada, iyo beesha caalamka, kuwaas oo dhammaantood dalbanaya qabashada doorasho waqtigeeda ku dhacda.
Inkasta oo uu Madaxweynuhu ku andacoonayo in wax-ka-beddelka dastuurka cusubi uu siinayo awood uu xafiiska ku sii joogo hal sano oo dheeraad ah si uu doorasho u qabanqaabiyo, mucaaradku si adag ayay arrintaas u diiddan yihiin. Waxay ku doodayaan in muddo kordhintaasi tahay sharci-darro iyo jabin furan oo lagu sameeyay heshiiskii bulshada (Social Contract).
Soomaaliya ayaa hadda qarka u saaran qalalaase dastuuri ah iyo fowdo siyaasadeed. Su'aasha ugu weyni waxay tahay, Xasan Sheekh Maxamuud miyuu diyaar u yahay inuu dalka ka badbaadiyo burbur isagoo oggolaanaya wada-hadal dhab ah iyo tanaasul mise wuxuu dalka gelin doonaa qalaalase iyo dagaal sokeeye si uu kursiga u sii xejisto? Maalmaha soo socda ayaa caddayn doona masiirka dalkan dhibanaha ah.



