Xasan Sheekh Oo Difaacay Nidaamka Qof Iyo Cod, Si Adagna U Dhaliilay Mucaaradka
- Hassan Gallaydh

- Mar 28
- 2 min read
Muqdisho, SoomaaliyaĀ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa fagaare furan si adag uga difaacay hirgelinta qorshihiisa doorashada qof iyo cod, isaga oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in waddanku uu gabi ahaanba ka gudbay nidaamkii doorashada dadban ee in muddo ah soo daashaday geeddi-socodka siyaasadda dalka.
Hadal-jeedintan oo xambaarsanayd fariimo siyaasadeed oo miisaan culus, ayuu madaxweynuhu ku beegsaday siyaasiyiinta ka soo horjeeda qorshihiisa, isaga oo ku eedeeyay in ay yihiin kuwo ka noqday heshiisyo ay iyagu gacantooda ku saxeexeen.
"Waxaa jira in ka badan labaatan heshiis oo la saxeexay, kuwaas oo si cad u qeexaya doorasho qof iyo cod ah, qaabka doorashada, iyo dhismaha guddiyada madaxa-bannaan," ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu intaas ku daray in rajo laga qabo in dib loogu noqdo teendhooyinka doorashada dadban ay tahay mid aan caqli-gal ahayn.

Madaxweynaha ayaa iftiimiyay nuxurka dhabta ah ee ay xanbaarsan tahay doorashada dadbani, isaga oo ku sifeeyay in ay tahay nidaam ay siyaasiyiin gaar ahi u adeegsadaan sidii ay jeebkooda ugu ridi lahaayeen xildhibaannada, si ay danahooda shakhsiga ah ugu fushadaan.
"Haddaad maqasho doorasho dadban, waa nidaam odhanaya dadka aan anigu leeyahay aan dambiil ku soo rito. Waxa kaliya ee arrintan (qof iyo cod) ka hortaagani waa dad dano gaar ah leh," ayuu yidhi madaxweynuhu,
Isaga oo u muuqda in uu si dadban u durayo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada qaarkood iyo mucaaradka Muqdisho.
Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in dhismaha qaran Soomaaliyeed oo cagihiisa isku taaga aan lagu salayn karin rabitaanka qof ama koox yar, balse loo baahan yahay in la dhiso hay'ado qaran iyo nidaam sharciyeysan oo loo wada siman yahay. Wuxuu xusay in xildhibaannada baarlamaanku ay yihiin wakiillo matalaya shacabka, sidaas darteedna ay tahay in shacabka laftiisa loo madaxbanneeyo doorashadooda.
"Doorashadii dadbanayd waa laga yimid, waana dhammaatay," ayuu madaxweynuhu mar kale si adag ugu celceliyay.
Isaga oo meesha ka saaraya shakiga laga qabo dhaqaalaha ku baxaya hirgelinta nidaamkan cusub ee qof iyo cod, madaxweynaha ayaa daaha ka rogay in kharashka ku baxaya doorashooyinkan uu yahay mid si buuxda looga maalgeliyay khasnadda dawladda.
"Hal shilin oo ajnabi bixiyay ma jiro si loo taageero qorshahan," ayuu yidhi.
Arrintaas oo u muuqata mid uu ku muujinayo isku-filnaansho dhaqaale iyo madaxbannaani siyaasadeed.
Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in dalka hore loo sii wado. Wuxuu xasuusiyay shacabka in Soomaaliya aanay awoodin in ay sii dhex dabbaalato xaaladdii hubanti la'aanta iyo ku-meel-gaadhka ahayd ee ay ku jirtay tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe sannadkii 1991. Fariintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Villa Somalia iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, taas oo salka ku haysa khilaaf dhanka awood-qaybsiga iyo nidaamka doorashooyinka ah.



