Doorasho Boobsiis Ah: Laftagareen Oo Dib Loo Doortay Madaxweeynaha Koonfur Galbeed
- Hassan Gallaydh

- Mar 28
- 3 min read
Baydhabo, Soomaaliya Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaadhka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaa maanta ka dhacday dhacdo siyaasadeed oo si weyn u ruxday saaxadda siyaasadda dalka. Doorasho si xad dhaaf ah loo dedejiyay oo aan hore loo shaacin jadwalkeeda dhabta ah, ayaa madaxweynaha maamulkaas mar kale dib loogu doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Tallaabadan ayaa si toos ah uga dhigan in Laftagareen uu yahay hoggaamiyihii saddexaad ee ka goosta siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland.

Doorasho Saacado Gudahood Lagu Soo Afmeeray
Nidaamka doorashadan ayaa noqday mid ku cusub taariikhda siyaasadda Soomaaliya. In ka yar hal saac kadib markii baarlamaanka cusub ee maamulkaasi uu doortay guddoomiyahooda cusub, Cali Siciid Fiqi iyo ku xigeenadiisa, ayaa durbadiiba la guda galay doorashada madaxweynaha.
Cabdicasiis Laftagareen oo 53 jir ah ayaa helay codad dhan 66 cod, halka musharraxii la tartamayay uu helay 13 cod oo keliya, sida ay xaqiijiyeen guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed. Laftagareen ayaa sidaas ku helay in ka badan(2/3) tirada guud ee 95-ka xildhibaan ee baarlamaanka, isaga oo wareeggii koowaadba ku guulaystay xilka sida uu dastuurku dhigayo. Guushan ayaa ka dhigaysa madaxweynihii ugu horreeyay ee laba jeer oo xidhiidh ah loo doorto hoggaanka Koonfur Galbeed tan iyo markii la aasaasay maamulkaas sannadkii 2015. Madaxweynaha ayaa isla goobta si degdeg ah loogu dhaariyay.
Duullaanka Villa Somalia Iyo Eedeymaha Xasan Sheekh
Soo dedejinta iyo qabashada doorashadan qarsoodiga ah ayaa salka ku haysay xog sirdoon iyo cabsi laga qabay in xukuumadda federaalku ay awood ciidan ku farageliso Baydhabo si ay meesha uga saarto Laftagareen.
Xilli ay doorashadu si xawli ah uga socotay Baydhabo, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo aan la socon xaaladda dhabta ah ee dhulka ayaa fagaare ku yaalla magaalada Muqdisho oo uu waddo xadhigga kaga jarayay, waxa uu weerar afka ah ku qaaday Laftagareen. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyay Laftagareen in uu ka baxay heshiis ay hore u wada galeen oo ku wajahnaa in doorashada deegaannadaas laga dhigo mid "Qof iyo Cod" ah oo la mid ah tii lagu qabtay Muqdisho sannadkii hore.
Xasan Sheekh wuxuu xusay in maamulka Koonfur Galbeed uu haatan gaarkiisa u tashaday, isla markaana uu xidhiidhka u jaray dawladda dhexe. Wuxuu ku dooday in xukuumaddiisu ay dhaqaale badan ku bixisay arrimaha doorashooyinka, marnabana aanay aqbali doonin doorasho dhinac keliya ah oo isaga u gaar ah. Xiisaddan ayaa isu beddeshay saan saan colaadeed, iyada oo xalay saqdii dhexe ay xukuumadda federaalku ciidamo aad u hubaysan ku daabushay magaalada Buur Xakaba, kuwaas oo la aaminsan yahay in loo diyaariyay in ay weerar ku qaadaan Baydhabo.
Jawaabta Kulul Ee Laftagareen
Markii xilka loo dhaariyay, Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa jeediyay khudbad adag oo uu ugu jawaabayo eedeymaha kaga yimid Xasan Sheekh. Isaga oo daaha ka rogaya qaabkii lagu saxeexay heshiisyadii hore ee doorashooyinka, ayuu yidhi: "Ma jiro heshiis aan galay. Bastoolad ayaa madaxa layga hayay, oo lay yidhi yeel ama waa lagu dilayaa."
Hadalkan ayaa si cad u muujinaya in Laftagareen uu aaminsan yahay in heshiisyadii hore ee lala galay Villa Somalia ay ahaayeen kuwo lagu muquuniyay oo aan raalli looga ahayn, isaga oo dusha iska tuuray dhammaan eedeymihii ahaa in uu heshiis ka baxay.
Falcelinta Siyaasiyiinta Iyo Mucaaradka
In kasta oo Laftagareen uu guul degdeg ah gaadhay, mucaaradka deegaanka ee Koonfur Galbeed ayaa gabi ahaanba qaaddacay natiijada. Waxay doorashadan ku tilmaameen mid aan sharciyad buuxda lahayn oo ah "is-caleemo saar" qaawan oo la boobay, maadaama aan loo marin nidaam hufan oo loo wada dhan yahay.
Dhinaca kale, madaxweyneyaashii hore ee dalka ayaa soo dhoweeyay natiijada doorashada, tallaabadaas oo loo arko mid ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan nidaamka federaalka iyo iska caabinta qorshayaasha Villa Somalia. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Laftagareen, isaga oo xusay in doorashadani ay muhiim u tahay xasilloonida siyaasadeed ee deegaanka Koonfur Galbeed. Farmaajo ayaa ugu baaqay hoggaanka cusub in ay dardargeliyaan dib u heshiisiinta, xoreynta deegaannada ay gacanta ku hayaan kooxaha hubaysan, iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Sidoo kale, Shariif Sheekh Axmed ayaa bogaadiyay xildhibaannada cusub ee la dhaariyay, isaga oo ku baaqay in maamullada kale ee muddo xileedkoodu dhammaaday ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashooyin, si looga fogaado firaaq siyaasadeed oo dalka halis gelin kara.
Gunaanad: Fashilka Qorshaha Villa Somalia
Isku soo wada duuboo, doorashadan ayaa waji cusub u furaysa is-mari waaga siyaasadeed ee Soomaaliya. Soo noqoshada Laftagareen ayaa geeri siyaasadeed iyo fashil weyn ku ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mashruuciisii doorashooyinka ee "Qof iyo Cod" iyo weliba qorshihiisii wax ka beddelka dastuurka. Dalku waxa uu haatan gelayaa marxalad hubanti la'aan ah, iyada oo maamuladii ugu waaweynaa dalku ay dhabarka u jeediyeen dawladda dhexe, taas oo laga cabsi qabo in ay horseeddo xasarado horleh iyo gacan ka hadal dhex mara ciidamada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.



