top of page

Cabdulqaadir Jaamac oo Loo Doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Cadhada Mucaaradka

MUQDISHO (August 9, 2026)Ā Siyaasiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa si rasmi ah ugu guulaystay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib doorasho ka dhacday xarunta baarlamaanka ee magaalada Muqdisho. Cabdulqaadir Jaamac ayaa noqonaya guddoomiyihii labaad ee uu yeesho golahani, isaga oo helay aqlabiyad gaadhaysa 142 cod, halka musharraxii la tartamayay ee Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin uu helay 30 cod oo keliya.


Doorashadan ayaa timid xilli xasaasi ah oo dalku marayo isbeddelo siyaasadeed oo waaweyn, waxaana hannaanka loo maray xilkan dul hoganaya su'aalo iyo diidmo xooggan oo ka imanaysa dhinaca mucaaradka iyo qaar ka mid ah dawlad goboleedyada dalka.



Abdulkadir Mohamed Nur (Jama) Elected House of the People Speaker Amid Opposition Backlash | Gallaydh.com

Shaxda Siyaasadeed iyo Loollankii Kursiga HOP204

Sida caadada u ah nidaamka awood-qaybsiga Soomaaliya, xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa dhaqan ahaan loo qoondeeyaa siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed. Bannaanashada kursigan ayaa timid kadib markii Xukuumadda Federaalku ay si xeeladaysan u gacan siisay ridistii iyo meesha ka saaristii madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Tallaabadaas kadib, guddoomiyihii hore ee baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si degdeg ah loogu doortay in uu noqdo Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, isaga oo durba iska casilay xilkii guddoomiyaha golaha si uu ula wareego xafiiska madaxtooyada ee Baydhabo.


Bannaanashada jagadan ayaa waddo u xaadhay Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo xilligaas ahaa Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee dawladda federaalka. Si uu u buuxiyo shuruudda asaasiga ah ee ah in uu marka hore noqdo xildhibaan baarlamaan, waxa uu hindisay qorshe siyaasadeed oo awood sheegasho ah. Tallaabadan ayaa keentay in Xildhibaan Isaaq Cali Subug oo ku fadhiyay kursiga tirsigiisu yahay HOP204 si lama filaan ah looga qaado xasaanaddii iyo kursigiiba, kaas oo si toos ah loogu xidhay Cabdulqaadir. Markii uu xaqiijiyay in uu si buuxda uga mid noqdo baarlamaanka, waxa uu durba bilaabay olole xooggan oo uu garab kaga helayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u hanqal taagayay in uu qabto hoggaanka sare ee baarlamaanka.

Sooyaalka Cabdulqaadir: Xidhiidhka Turkiga iyo Khibradda Dawladda

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabku ma aha shakhsi ku cusub saaxadda siyaasadda Soomaaliya. Waa siyaasi galaangal badan leh oo taariikh shaqo oo dhinacyo kala duwan taabanaysa ku dhex lahaa xukuumadihii is-xigay ee dalka soo maray. Waxa uu hore u soo noqday Ku xigeenka Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Wasiirka Caddaaladda, Wasiirka Gaashaandhigga, iyo ugu dambayn Wasiirka Dekedaha. Sidoo kale, waxa uu sannado ka hor la taliye sare uga soo noqday xafiiska uu hadda la wareegay ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka.


Cabdulqaadir Jaamac ayaa si gaar ah loogu yaqaanaa in uu yahay "gacanta midig" ee dhaqdhaqaaqyada, danaha iyo mashaariicda dalka Turkiga uu ka wado Soomaaliya. Waxa uu waxbarashadiisa heerka koowaad ee xidhiidhka caalamiga ah ku soo qaatay Jaamacadda Ankara ee dalka Turkiga intii u dhaxaysay 2012 ilaa 2016, isaga oo sidoo kale waqti soo ahaa dublamaasi ka hawlgala safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Ankara. Xidhiidhkan qotoda dheer ee uu la leeyahay xukuumadda Ankara ayaa la aaminsan yahay in uu garab weyn ka siiyay sarraynta uu ka gaadhay masraxa siyaasadda iyo amniga ee Soomaaliya.

Cadhada Mucaaradka iyo Muranka Dastuuriga ah

In kasta oo ay Villa Somalia u dabbaaldegayso guushan ay gacanta ugu dhigtay awoodda xeer-dejinta, dhinaca mucaaradka iyo maamul goboleedyada qaar waxa ka soo baxaya dhawaaqyo aad u adag oo si toos ah u qaadacaya hannaanka doorashada iyo sharcinimada baarlamaanka laftiisa.


Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa bartiisa ku faafiyay dhaleecayn kulul oo uu si toos ah ugu bartilmaameedsaday guddoomiyaha cusub iyo qaabka xisbiyada xukunka haya ay awoodda u maroorsadeen. Waxa uu yidhi:

"Xil laguu xoogo kuma siin karo waayo aragnimo aadan lahayn, kugumana abuuri karo garasho siyaasadeed, dulqaad hoggaamineed iyo haybad aadan hore u soo kasban. Soomaalidu waxay tiraahdaa: 'Dhar magaalo xirashadiis, dhal magaalo laguma noqdo.'"

Dhinaca kale, Isbaahaysiga Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku midaysan yihiin hoggaamiyeyaal mucaarad ah iyo madaxda dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland, ayaa si adag uga horyimid doorashada. Bayaan rasmi ah oo ay soo saareen ayay si weyn ugu cambaareeyeen wixii maanta ka dhacay xarunta baarlamaanka. Goluhu waxa uu caddeeyay in muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku ekaa April 14, 2026, sidaas darteedna aanu goluhu lahayn wax sharciyad dastuuri ah iyo mid siyaasadeed toona oo uu ku dooran karo hoggaamiye cusub.


"Golaha Mustaqbalka wuxuu si adag u cambaaraynayaa, una diiddan yahay doorasho ku sheegga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhammaaday," ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka golaha.

Isbaahaysiga ayaa si toos ah farta ugu fiiqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ku eedeeyay in uu doonayo in uu gacanta ku dhigo hannaanka doorashada dalka, in uu hor istaago tartamayaasha madaxbannaan ee awoodda leh, iyo in uu natiijada horay u sii jaangooyo. Waxa ay intaas ku dareen in qalalaasaha doorashooyinka Soomaaliya aan marnaba lagu xallin karin tallaabooyin hal dhinac ah iyo ku takrifal awoodeed.


"Jidka keliya ee lagu soo celin karo sharcinimada dastuuriga ah iyo kalsoonida siyaasadeed waa heshiis loo dhan yahay oo saldhig u noqda doorasho heshiis lagu yahay, laguna kalsoonaan karo hannaankeeda iyo natiijadeeda," ayuu goluhu ku soo afmeeray bayaankiisa.
Gunaanad

Doorashada Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa si muuqata u xoojinaysa awoodda Dawladda Dhexe ee dhinaca gacan ku haynta baarlamaanka, balse waxa ay dhinaca kale sii shidaysaa khilaafka iyo kala fogaanshaha xukuumadda Muqdisho iyo qaybaha kale ee saamilayda siyaasadda. Iyada oo baarlamaanku uu ku fadhiyo muddo xileed ay mucaaradku ku doodayaan in uu dhacay, iyo eedaymaha ku takrifalka awoodeed ee is-daba-joogga ah, masraxa siyaasadda Soomaaliya ayaa u muuqda mid wajahaya mowjado khilaaf oo saamayn taban ku yeelan kara xasilloonida dalka bilaha soo socda.

bottom of page