top of page

Madaxweyne Cirro Oo Joojiyay Deyn-Wareejinta Sharci Darrada Ah, Aasaasayna Guddiyo Xil-wareejin Qaranka

Hargeysa, SomalilandĀ Digreeto madaxweyne oo soo baxday maanta ayaa si dhab ah u gariirisay hay'adaha dawladda iyo xafiisyada kala duwan ee xukuumadda Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa soo saaray wareegto taariikhi ah oo si adag u mamnuucaysa in masuuliyiinta dawladdu ay xil-wareejinta ku daraan ama ay qaranka dusha u saaraan deymo (Deyn) aan loo marin waddo sharci ah.


Tallaabadan oo si weyn loo hadal hayo ayaa loo arkaa mid soo afjaraysa dhaqan xun oo in muddo ah soo taxnaa, halkaas oo masuuliyiin xilka banaynayaa ay wasaaradaha iyo hay'adaha dawladda kaga tagi jireen malaayiin doolar oo deyn ah, taas oo aan la garanayn meel ay martay iyo qaabka lagu soo qaatay toona. Wareegtadan ayaa noqonaysa tallaabadii ugu horraysay ee dhab ah ee lagu xakamaynayo qulqulka hantida umadda, waxayna dammaanad qaadaysaa in qof kastaa uu isagu shakhsiyan dhabarka u rito wixii hanti ah ee uu si khaldan ugu takrifalay.


President Abdirahman Cirro issues a landmark decree banning the transfer of illegal private debts during government handovers.

Deyn Qaadasho Sharciga Baal-marsan: Yaa Masuul Ka Ah?

Qodobka ugu xasaasisan ee digreetada madaxweynaha ayaa si cad u faraya hanti-dhawraha iyo guddiyada xil-wareejinta in aan marnaba la wareejin, warbixintana lagu darin, deyn kasta oo aan waafaqsanayn nidaamka deyn-qaadashada ee ku xusan Qodobka 28aad ee Xeerka Maamulka Maaliyadda Qaranka (Xeer Lr. 75/2016) iyo Qodobka 94aad ee Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka.


"Deyn kasta oo lagu galay magaca hay'ad dawladeed oo aan loo marin hab-raacyada ku xusan xeerka Maamulka Maaliyada iyo xeerka Ismaamulka gobolada iyo degmooyinka dalka, waxa shakhsiyan ka masuul noqonaya sarkaalkii ama masuulkii deyntaasi galay, loomana raacayo hay'adaha dawladda," ayaa si cad loogu qeexay xeerka madaxweynaha.


Go'aankan ayaa meesha ka saaraya dhibaatadii baaxadda lahayd ee haysatay wasiirada iyo agaasimayaasha cusub, kuwaas oo markii ay xafiiska yimaadaanba durbadiiba ay la kulmi jireen ganacsato iyo shakhsiyaad sheeganaya in ay dawladda deyn ku leeyihiin, iyada oo inta badan deyntaas lagu fushaday dano gaar ah ama olole siyaasadeed. Digreetadani waxay fariin adag u diraysaa masuuliyiinta haatan xilka haysa iyo kuwa iman doonaba in jeebka dawladdu aanu ahayn mid furan oo qof waliba uu deyn ku geli karo.


Aasaaska Guddiyada Xil-wareejinta: Saadaasha Isku-shaandhayn Culus

Si nidaamkan loola socdo loona hubiyo in xil-wareejintu ay noqoto mid hufan oo isla xisaabtan leh, Madaxweyne Cirro ayaa aasaasay saddex guddi qaran oo si gaar ah uga shaqayn doona arrimaha xil-wareejinta.

  1. Guddida Xil-wareejinta Wasaaradaha iyo Hay'adaha:Ā Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa u xil-saaran wasaaradaha iyo hay'adaha madaxabannaan ee xukuumadda dhexe, waxaana guddoomiye looga dhigay Wasiirka Madaxtooyada.

  2. Guddida Xil-wareejinta Arrimaha Ciidamada:Ā Guddigan ayaa si gaar ah u qaabilsan xil-wareejinta laamaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida, waxaana madax looga dhigay Wasiirka Gaashaandhigga.

  3. Guddida Xil-wareejinta Dawladaha Hoose:Ā Guddigan ayaa iyaguna maamuli doona xil-wareejinta dawladaha hoose iyo degmooyinka, waxaana guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha.


Guddiyadan ayaa la faray in ay masuul kasta oo xilka wareejinaya ka tiriyaan oo ay si sax ah ula wareegaan dhammaan hantida qaranka ee xafiiskiisu maamulayay. Tani waxay isugu jirtaa diiwaanka lacagaha, gaadiidka dawladda, dhismayaasha, qalabka xafiiska, iyo waraaqaha muhiimka ah .

Dadka la socda siyaasadda Somaliland iyo gorfaynta hab-dhaqanka maamulka ayaa aaminsan in aasaaska guddiyadan iyo soo saarista xeerkan adag ay gogol xaadh u yihiin isku-shaandhayn ballaadhan iyo xil-ka-qaadis culus oo uu dhowaan soo wado Madaxweyne Cirro. Tallaabadan ayaa u muuqata mid madaxweynuhu uu ku doonayo in uu albaabada u xidho musuqmaasuqa ka hor inta aanu xafiisyada keenin wejiyo cusub oo fuliya qorshihiisa siyaasadeed.


Isku soo wada duuboo, xeerkan ayaa ifafaale wanaagsan u ah ilaalinta hantida danta guud, waxaanu shacabka u abuurayaa rajo ah in la gaadhay xilligii lagula xisaabtami lahaa masuuliyiinta xoolaha qaranka ku takrifala, isla markaana laga hortagi lahaa in cashuurta muwaadinka danyarta ah lagu bixiyo deymo sharci darro ah.

bottom of page