top of page

Fashilka Wada-hadallada Dowladda Iyo Mucaaradka Oo Dib U Soo Celiyay Saan-saantii 2021-kii

Updated: Feb 25

Golaha Mustaqbalka Somaaliyeed iyo Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah u shaaciyay in uu fashilmay shirkii maalmihii lasoo dhaafay u socday kaas oo la isku mari waayey qodobada xasaasiga ah ee doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka. Xukuumadda ayaa mucaaradka ku eedaysay inay la yimaadeen shuruudo cusub oo ka baxsan heshiiskii hore halka mucaaradku ay sheegeen in Madaxtooyadu waddo qorshe muddo korodhsi ah iyo dastuur badalid aan loo dhamayn oo halis ku ah xasiloonida dalka.


Magaalada Muqdisho ayaa gashay marxalad cusub oo mugdi siyaasadeed ah kadib markii ay burbureen wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council) oo ay ku midaysan yihiin hoggaamiye-yaasha mucaaradka oo ay kamid yihiin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Kulamadan oo ka socday Madaxtooyada Villa Somalia ayaa la filayay in xal looga gaadho khilaafka ragaadiyay hannaanka doorashooyinka iyo dastuurka balse waxa ay kusoo dhamaadeen is-faham waa iyo eedeymo culus oo labada dhinac ay iswaydaarsadeen.


Somali President Hassan Sheikh Mahamoud, and the Opposition Members Puntland President Deni, Jubbaland President Madoobe and Former President of Somalia Sheikh Shariif during election talks.

Is-mari-waaga Iyo Eedeymaha Mucaaradka

Golaha Mustaqbalka Somaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in wada-hadalladu ay kusoo dhamaadeen natiijo la'aan. Golahu waxay ku eedaysay xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay sii waddo wax-ka-beddelka dastuurka oo ay ku tilmaameen mid dhinac kaliya ah (unilateral) isla markaana ay albaabada u laabatay in ka badan 50 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka kuwaas oo laga hor istaagay ka qayb galka fadhiyada Baarlamaanka.


War-murtiyeedka Golaha ayaa lagu xusay in dowladda dhexe ay adeegsanayso cago-jugleyn, cadaadis dhanka amniga ah iyo ollole warbaahineed oo sumcad dil ah oo ka dhan ah xubnaha mucaaradka. Qodobka ugu weyn ee la isku hayo ayaa salka ku haya hannaanka doorashada dalka. Golaha ayaa ku adkaysanaysa in Dastuurka Ku Meel Gaadhka ah ee 2012 uu yahay saldhigga sharciga ee dalka, waxayna ka digeen in wax kasta oo wax-ka-beddel ah ay u baahan yihiin heshiis qaran iyo wada-tashi dhab ah si loo ilaaliyo dheelitirka awoodaha federaalka.


Dhinaca doorashooyinka dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, Golaha Mustaqbalku waxay soo jeedisay in doorashooyinkooda loo qabto qaab waafaqsan dastuurrada maamulladaas iyo mabaadi'da federaalka, taas oo la macno ah in la raaco nidaamkii dadban (Indirect Election) ee dhowaan ka dhacay Puntland iyo Jubbaland. Tani waxay ka hor imanaysaa qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu u ololeynaya nidaamka "Qof iyo Cod" iyo doorashooyin toos ah.


Golahu waxay si cad u sheegtay in aanay aqbali doonin muddo korodhsi, doorashooyin deg-deg ah oo aan laga heshiin ama wax ka beddel dastuuri ah oo aan loo dhamayn, iyagoo sheegay in ujeeddadoodu tahay badbaadinta dastuurka iyo nidaamka federaalka.


Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo hore ugu noqday Kismaayo iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo laba toddobaad ah ku sugnaa Muqdisho ayaa la filayaa inuu isaguna dib ugu laabto Garoowe, tallaabadaas oo sii kordhinaysa walaaca laga qabo xaaladda siyaasadeed.

Jawaabta Xukuumadda Iyo "Saddexdii Qodob" Ee Lagu Kala Tegay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda jawaab kulul ka bixisay eedeymahaas, iyadoo mas'uuliyadda fashilka dhabarka u saartay Golaha Mustaqbalka Somaaliyeed iyo mucaaridka. Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shir jaraa'id qabtay ayaa shaaca ka qaaday in mucaaradku ay ka baxeen ajendihii lagu heshiiyay bilowgii wada-hadalka.


Sida uu sheegay Wasiir Al-Cadaala, labada dhinac waxay markii hore isku afgarteen saddex qodob oo asaasi ah:

  1. In la dhiso guddi farsamo oo kasoo tala-bixiya hannaanka doorashada heer federaal.

  2. In la qabto doorashooyinka Dowlad-goboleedyada uu muddada xileedkoodu dhammaaday (Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed).

  3. In bisha April dib laysugu soo laabto kulan labaad si loo amba-qaado wada-hadallada.


Hase yeeshee, dowladda ayaa sheegtay in xubnaha Golaha iyo mucaaridku ay si kadis ah miiska u soo saareen shuruudo cusub oo ay ku doonayaan inay talo toos ah ku yeeshaan hannaanka doorashooyinka ee maamullada kale (Galmudug, Hirshabeelle iyo KGS), arrintaas oo dowladda dhexe ay ku tilmaamtay faro-gelin sharci darro ah oo baal-marsan dastuurka dalka. "DFS waxay nasiib darro u aragtaa in maalintii kowaad ee wada-xaajoodka ay qaar kamid ah xubnaha Golaha Mustaqbalku si kadis ah u beddaleen ajendihii lagu heshiiyay," ayuu yiri Al-Cadaala.

Sooyaalka Iyo Saan-saanta 2021-kii

Burburka wada-hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah oo hay'adaha dowladda federaalka ay u hadhsan tahay muddo xileed kooban oo saddex bilood ah. Xaaladdan ayaa dad badan xasuusinaysa jawigii cakirnaa ee siyaasadda Soomaaliya ee sannadkii 2021-kii.


Xilligaas waxaa fashilmay wada-hadalladii Dhuusamareeb iyo Muqdisho ee u dhexeeyay dowladdii Madaxweyne Farmaajo iyo mucaaradkii xilligaas, taas oo sababtay in dalku galo qalalaase amni iyo inuu samaysmo isbahaysigii "Badbaado Qaran" oo ciidamo hubeysan gudaha u soo galiyay caasimadda si ay uga hortagaan muddo korodhsi.


Hadda, inkasta oo aanay jirin xiisad ciidan oo muuqata, haddana kala-aragti duwanaanshaha u dhexeeya hannaanka doorashooyinka iyo dastuurka ayaa ah mid qoto dheer. Dowladda ayaa ku adkeysanaysa in waddadu tahay doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradku aaminsan yihiin in wakhtiga hadhay aanay saamaxayn arrintaas loona baahan yahay heshiis siyaasadeed oo lagu qabto doorasho la isla ogol yahay.


Siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda u muuqata mid gashay xilli kala guur ah oo ay hadheeyeen hubanti la'aan, waxaana indhaha lagu hayaa tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan madaxda dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland marka ay dib ugu laabtaan deegaanadooda, iyo sida dowladda federaalku u wajahdo cadaadiska kaga imanaya mucaaradka midaysan.

bottom of page