Maxamed Bin Salmaan Oo Trump Ku Cadaadinaya In Uu Rido Nidaamka Iiraan Ciidamona U Diro Jasiiradda Kharg
- Hassan Gallaydh

- Mar 25
- 4 min read
Xilli xiisadda Bariga Dhexe ay mareyso heerkii ugu sarraysay, warar sirdoon iyo kuwo diblomaasiyadeed oo si dhow loola wadaagay wargeyska The New York Times ayaa daaha ka rogay in Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan, uu si hoose Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ugu cadaadinayo in uu sii wado dagaalka ka dhanka ah Iiraan ilaa laga ridayo xukuumadda Tehraan.
Sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin Maraykan ah oo xog-ogaal u ah wada-hadallada labada hoggaamiye, Maxamed Bin Salmaan ayaa maalmihii la soo dhaafay khadka telefoonka kula xidhiidhay Madaxweyne Trump dhawr jeer. Dhaxal-sugaha ayaa ku dooday in ololaha milatari ee Maraykanka iyo Israa'iil uu abuuray "fursad taariikhi ah" oo dib u qaabayn karta khariidadda joqoraafi-siyaasadeed ee Bariga Dhexe, isla markaana meesha ka saari karta halista muddada dheer ee Iiraan.

Ciidamo Maraykan Ah Iyo Beegsiga Kharg
Diblomaasiyadda daaha dabadiisa ah ee Sucuudiga ayaa u muuqata mid aad uga fog baaqyada nabadeed ee ay Riyaad fagaarayaasha ka jeediso. Sida warbixintu xustay, Maxamed Bin Salmaan waxa uu Trump u soo jeediyay in aan lagu ekaan duqaymo xagga cirka ah balse Maraykanku uu adeegsado ciidamo dhulka ka hawlgala si ay ula wareegaan kaabeyaasha tamarta ee Iiraan, tallaabadaas oo uu aaminsan yahay in ay soo afjari doonto awoodda dhaqaale ee xukuumadda wadaaddada.
Maalmihii u dambeeyay, Madaxweyne Trump ayaa la sheegay in uu si dhab ah uga fiirsanayo hawlgal milatari oo lagu qabsanayo Jasiiradda Kharg, taas oo ah halbowlaha dhoofinta shidaalka Iiraan. Hawlgal noocan ah oo loo adeegsanayo ciidamada cirka ee sida gaarka ah u tababaran ama ciidamada badda ee Marines-ka, ayaa ah mid xambaarsan khatar aad u sarraysa. Si kastaba ha ahaatee, Dhaxal-sugaha Sucuudiga ayaa rumeysan in burburinta ilaha dhaqaale ee Iiraan ay tahay waddada keliya ee lagu ridi karo nidaamka.
Mar uu Trump walaac ka muujiyay in dagaalku uu cirka ku shareeri doono sicirka shidaalka adduunka, Maxamed Bin Salmaan ayaa u xaqiijiyay in kor u kaca qiimaha saliiddu uu noqon doono mid ku meel-gaadh ah, faa'iidada laga helayo in meesha laga saaro Iiraanna ay ka weyn tahay khasaaraha dhaqaale ee xilligan.
Cabsida Laga Qabo "Dagaal Qabyo Ah"
Dhiirrigelinta Maxamed Bin Salmaan ee ah in dagaalka la sii wado ayaa salka ku haysa cabsi istiraatiijiyadeed oo qoto dheer. Khubarada la socota fikirka dawladda Sucuudiga ayaa sheegaya in in kasta oo Riyaad ay markii hore doorbidaysay in dagaal laga baaqsado, haddana ay aaminsan tahay in haddii Trump uu hadda joojiyo dagaalka iyada oo aan Iiraan si buuxda loo wiiqin, in Sucuudiga iyo waddamada kale ee Khaliijku ay wejigooda ku dhufan doonaan Iiraan oo cadhaysan isla markaana aarsanaysa.
Aragtida Sucuudiga ayaa aad uga duwan tan Israa'iil. Sida falanqeeyayaashu tilmaamayaan, in Iiraan ay noqoto dawlad fashilantay oo la daalaa-dhacaysa qalalaase sokeeye waxay guul u noqon kartaa Israa'iil, maadaama ay ku mashquulayso arrimaheeda gudaha. Balse dhanka Sucuudiga, in Iiraan ay noqoto dawlad fashilantay balse ay wali jiraan kooxo milatari oo hubeysani waa khatar toos ah oo halis gelinaysa amniga boqortooyada iyo dhoofinta shidaalkeeda.
Yasmine Farouk, oo ah agaasimaha mashruuca Khaliijka iyo Jasiiradda Carabta ee hay'adda xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group, ayaa tidhi:
"Mas'uuliyiinta Sucuudigu dhab ahaan waxay doonayaan in dagaalku dhammaado, laakiin sida uu ku dhammaanayo ayaa ah midda ugu muhiimsan."
Wuxuu aaminsan yahay Sucuudigu in dagaal aan la dhammaystirin uu Iiraan u reebi doono awood ay si joogto ah ugu xidhi karto Marinka Hormuz, kaas oo ay marto boqolkiiba 20% shidaalka adduunka.
Waji-Xumada Diblomaasiyadeed Iyo Burburka Kalsoonida
Fagaarayaasha caalamka, dawladda Sucuudiga ayaa iska fogaysay eedeymaha ah in ay dabada ka riixayso dagaalka. Bayaan kasoo baxay xukuumadda Riyaad ayaa lagu sheegay in Boqortooyadu ay mar walba taageersanayd xal nabad ah oo laga gaadho colaaddan xitaa kahor intii aanay bilaabmin. "Walaacayaga ugu weyn maanta waa in aan iska difaacno weerarada maalinlaha ah ee lagu hayo dadkayaga iyo kaabeyaashayada rayidka ah," ayaa lagu yiri bayaanka, iyada oo intaas lagu daray in Iiraan ay dooratay daandaansi khatar ah beddelkii ay qaadan lahayd xalal diblomaasiyadeed.
Hadalladan ayaa imanaya xilli uu fashilmay heshiiskii is-soo-dhaweynta ahaa ee ay Shiinuhu garwadeenka ka ahaayeen sannadkii 2023, kaas oo dib u soo celiyay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee Riyaad iyo Tehraan. Sucuudiga oo cashar qadhaadh ka bartay duqaymihii sannadkii 2019 lala beegsaday xarumaha shidaalka ee Aramco, taas oo hoos u dhigtay kala badh waxsoosaarkii boqortooyada, ayaa garowsaday in isbahaysiga Maraykanku aanu siin karin ilaalin boqolkiiba boqol ah. Arrintan ayaa keentay in waddamada Khaliijka sida Imaaraatka iyo Sucuudigu ay dejiyaan xiisadda Iiraan.
Balse markii Trump uu go'aansaday in uu dagaal qaado isaga oo dhegaha ka furaystay talooyinkii waddamada Khaliijka, Iiraan waxay ka jawaabtay iyada oo kumanaan gantaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku garaacday waddamada gobolka, arrintaas oo soo afjartay dedaalladii nabadaynta.
"Kalsoonidii yaraa ee horay u jirtay gabi ahaanba waa ay burburtay," ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Sucuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan, oo suxufiyiinta la hadlay usbuucii hore.
Mawqifka Is-bedbedelaya Ee Trump
Iyada oo Sucuudigu uu riixayo qorshe adag, Madaxweyne Trump ayaa u muuqda mid marar badan is-bedbedelaya. Isniintii, Trump ayaa bartiisa xidhiidhka bulshada ku soo qoray in maamulkiisa iyo Iiraan ay yeesheen wada-hadallo wax-ku-ool ah oo ku aaddan sidii xal kama-dambays ah looga gaadhi lahaa colaadda, in kasta oo xukuumadda Tehraan ay si adag u beenisay in wax wada-xaajood ahi uu socdo.
Go'aannada maalmaha soo socda ee Aqalka Cad ayaa noqon doona kuwo go'aamiya aayaha gobolka. Haddii Trump uu qaato talada Maxamed Bin Salmaan oo uu ballaadhiyo dagaalka, isaga oo adeegsanaya ciidamo dhulka ah si loo rido xukuumadda, Bariga Dhexe wuxuu gali doonaa weji cusub oo dhiig-bax iyo dib-u-qaabayn siyaasadeed ah. Balse haddii Trump uu doorto in uu yareeyo xiisadda, dalalka Khaliijka waxay isku arki doonaan iyaga oo waji-ka-waji u wajahaya Iiraan aargoosi raadinaysa oo si buuxda u hubaysan.



