Maraykanka Oo Joojiyey Fiisooyin
- Gallaydh News Desk

- Jan 17
- 1 min read
Updated: Jan 18
Washington ayaa hakisay fiisooyinka muhaajiriinta 75 dal oo ay ku jiraan dhammaan Bariga Afrika marka laga reebo Kenya.
Dawladda Maraykanka ayaa si lama filaan ah u joojisay habraaca fiisooyinka muhaajiriinta ee 75 waddan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Itoobiya, Uganda, Tanzania, Eritrea, Suudaan iyo Koonfur Suudaan. Go’aankan ayaa dhaqan galay 21-ka January 2026.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ku sheegtay in hakintaasi la xidhiidho walaac ku saabsan khiyaamo la xidhiidha socdaalka iyo dhibaatooyin dhinaca maamulka ah. Soomaaliya ayaa si gaar ah loogu eedeeyey in qaar ka mid ah muhaajiriinteedu ku lug yeesheen khiyaamo adeegyada bulshada ee gobolka Minnesota.
Hakinta ma khusayso fiisooyinka dalxiiska iyo ardayda, balse waxa ay si toos ah u saamaynaysaa qoysas badan oo sugayay in ay Maraykanka u hijroodaan.
Khabiirro ayaa sheegaya in tallaabadani ay muujinayso jihada adag ee maamulka Trump ee la dagaallanka socdaalka sharci darrada ah, isla markaana ay sii kala fogeyn karto Maraykanka iyo dalalka Afrika.



