Sida Iiraan Ugu Hanjabtay Halbowlaha Nolosha Ee Khaliijka Carabta
- Hassan Gallaydh

- Mar 23
- 3 min read
Saacaddii ugu dambaysay ee u qabnayd waqtigii kama-dambaysta ahaa (Ultimatum) ee uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, u qabtay dowladda Iiraan ayaa gabaabsi ah, gobolka Bariga Dhexena wuxuu qarka u saaran yahay is-fara-saar aan horay loo arag. Kadib hanjabaaddii Trump ee ahayd in uu burburin doono warshadaha korontada ee Iiraan haddii aanay 48 saacadood gudahood ku furin Marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, ciidamada awoodda badan ee Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa soo saaray digniin ruxday caasimadaha Khaliijka Carabta iyo Tel Aviv.
Iiraan ma aysan ugu hanjabin Maraykanka oo keliya in ay gantaallo la dhici doonto saldhigyadiisa milatari, balse waxay soo bandhigtay istiraatiijiyad dagaal oo si toos ah u beegsanaysa halbowlaha nolosha ee dalalka Khaliijka: Kaabeyaasha Biyaha Sifaysan iyo Korontada. Hanjabaaddani waxay daaha ka rogtay xaqiiqo qadhaadh oo ah; in waddamada qaniga ku ah shidaalku ay yihiin kuwa ugu jilicsan marka ay timaaddo helitaanka biyaha aasaasiga u ah nolosha.

Galaaska Biyaha Ah Ee Khaliijka: Nolol Ku Tiirsan Sifaynta Badda
Si loo fahmo sababta hanjabaadda Iiraan u tahay mid keenaysa masiibo bini'aadanimo iyo mid dhaqaale, waa in la eego qaab-dhismeedka nolosha ee lixda dal ee xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka (Sucuudiga, Imaaraatka, Qadar, Kuweyt, Baxrayn, iyo Cumaan). Dalalkani waxay ku yaallaan dhul-saxare ah oo aan lahayn wabiyaal iyo harooyin, roobkuna uu ku yaryahay. Si ay u haqabtiraan malaayiinta qof ee ku nool magaalooyinka casriga ah sida Dubay iyo Riyaad, waxay gabi ahaanba ku tiirsan yihiin tignoolajiyadda casriga ah ee sifaynta biyaha badda (Desalination).
In ka badan 400 oo warshadood oo waaweyn oo biyaha sifeeya ayaa ku teedsan xeebaha dalalka Khaliijka Carabta. Warshadahan oo lagu maalgeliyay balaayiin doolar ayaa maalin kasta badda ka soo saara in ka badan 7.2 Tiriliyan oo litir oo biyo saafi ah, taas oo nolol siisa in ka badan 37 milyan oo qof.

Dalka Kuweyt ayaa boqolkiiba 90% biyihiisa ka hela warshadahan, halka Sucuudi Carabiya ay ka hesho boqolkiiba 70% . Falanqeeyayaasha amniga ayaa ka digaya in badi dalalka Khaliijku ay haystaan biyo kayd ah oo ku filan hal toddobaad oo keliya. Haddii la beegsado warshadahan, saamayntu ma noqon doonto mid gaabisa; waxay noqon doontaa mid degdeg ah oo ba'an. Magaalooyinka waaweyn waxay biyo la'aan isku arki doonaan maalmo gudahood, cusbitaallada iyo warshaduhuna albaabada ayay isugu dhufan doonaan. Intaas waxaa dheer, warshadaha korontada ee Khaliijku waxay u baahan yihiin biyaha sifaysan si ay u qaboojiyaan matooradooda, taas oo macnaheedu yahay in la waayo biyo waxay si toos ah u keenaysaa in la waayo koronto (Blackout).
Salka Xiisadda: Hanjabaaddii Trump Iyo Jawaabta Iiraan
Xasaraddan cusub ayaa salka ku haysa qoraal uu Madaxweyne Trump soo dhigay bartiisa Truth Social fiidnimadii Sabtida.
"Haddii Iiraan aysan SI BUUXDA U FURIN, IYADA OO AAN WAX HANJABAAD AH LAHAYN, Marinka Hormuz, 48 SAACADOOD gudahood laga bilaabo waqtigan saxda ah, dowladda Maraykanku waxay garaaci doontaa oo ay burburin doontaa WARSHADAHOODA KORONTADA ee kala duwan, IYADA OO KA BILAABAYSA TAA UGU WEYN," ayuu yidhi Trump isaga oo adeegsanaya xarfo waaweyn (Capital) si uu u muujiyo darnaanta fariintiisa.
Iiraan oo durbaba la daalaa-dhacaysa duqaymo xooggan oo kaga imanaya Maraykanka iyo Israa'iil, uma muuqato mid ka gabanaysa dagaalka. Taa beddelkeeda, waxay qaadatay istiraatiijiyadda "Is-burburin Loo Siman Yahay" (Mutually Assured Destruction).
Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Baaqir Qalibaaf, ayaa bartiisa X soo dhigay fariin culus oo uu ku beegsanayo xididdada maaliyadeed ee isbahaysiga Maraykanka. Wuxuu sheegay in hay'adaha maaliyadeed ee maalgelisa miisaaniyadda milatariga Maraykanku ay yihiin bartilmaameedyo xaq ah.
"Haddii Aad Tamarta Garaacdo, Tarmartiina Ayaan Garaacaynaa"
Bayaan rasmi ah oo ay soo saareen ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) maalintii Isniinta ayaa si cad u sharraxay istiraatiijiyaddooda aargoosi. Waxay dhaleeceeyeen hadallada Maraykanka ee ah in Iiraan ay iyadu doonayso in ay dhibaato u gaysato shacabka gobolka, iyaga oo tilmaamay in ay ka jawaabayaan oo keliya daandaansiga Maraykanka.
"Waxaan ka go'an in aan uga jawaabno khatar kasta heer la mid ah kan ay iyadu abuurto dhanka is-hortaagga... Haddii aad garaacdo koronto, waxaan garaacaynaa koronto," ayaa lagu yidhi bayaanka IRGC. Sidoo kale waxay ku hanjabeen: "Marinka Hormuz gabi ahaanba waa la xidhi doonaa, lamana furi doono ilaa dib loo dhisayo warshadaheena korontada ee la burburiyay."
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraaqji, ayaa isaguna is-difaacay isaga oo ku eedeeyay Maraykanka in uu isagu bilaabay beegsiga kaabeyaasha rayidka.
"Maraykanka ayaa jidkan furay, ma aha Iiraan," ayuu yidhi Caraaqji, isaga oo xusay in Maraykanku uu hore u garaacay mid ka mid ah warshadaha sifaynta biyaha ee Iiraan intii uu dagaalku socday.
Mustaqbal Mugdi Ah
Haddii wada-hadallo degdeg ah aan la helin, gobolka Khaliijku wuxuu galayaa wajigii ugu xumaa ee taariikhdiisa casriga ah. Weerar lagu qaado kaabeyaasha biyaha ee dalalka Sucuudiga iyo Imaaraatka ma aha oo keliya dhaawac milatari; waa curyaamin nidaam dhaqaale oo caalami ah iyo khatar bini'aadanimo oo aan la qiyaasi karin. Maraykanka iyo xulafadiisu waxay haatan wajahayaan xaqiiqo adag: duqaymaha xarumaha tamarta Iiraan waxay ku kici karaan qiimo aad u sarreeya oo ah in dalalka Khaliijku ay oomanaan, taas oo gobolka u horseedaysa burbur aan dib laga soo kaban karin.



