Shirweynaha Golaha Dhexe ee WADDANI iyo Fariimaha Adag ee Madaxweyne Cirro
- Hassan Gallaydh

- 3 days ago
- 4 min read
HARGEYSA (June 30, 2026)Ā Magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa martigelisay dhacdo siyaasadeed oo miisaan weyn leh, kadib markii uu si rasmi ah u furmay shirka Golaha Dhexe ee xisbiga talada dalka haya ee WADDANI. Shirkan oo ay ka qaybgaleen 345 xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe ayaa noqonaya madal xasaasi ah oo lagu falanqaynayo awoodda xisbiga, isbeddelada siyaasadda arrimaha dibadda, iyo hiigsiga mustaqbalka dhow ee qaranka.
Madasha shirka waxa si rasmi ah goob-joog uga ahaa Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka, iyada oo sidoo kale lagu soo martiqaaday xisbiyada qaranka ee KULMIYE iyo KAAH. Shirkan ayaa imanaya xilli Somaliland ay qaadday tallaabooyin taariikhi ah oo dhinaca diblomaasiyadda ah, taas oo xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ka dhigaysa mid kalsooni weyn ku qabta shacbiyaddeeda.

Awood Maroorsiga WADDANI iyo Burburka Mucaaridka
Dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa ee madasha laga shaaciyay waxa ka mid ahaa ku-biirista xubno miisaan culus leh oo ka soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee KAAH. Wasiirada Diinta iyo Awqaafta, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, iyo Waxbarashada oo dhammaantood ka tirsanaa xisbiga KAAH ayaa si rasmi ah ugu biiray xisbiga WADDANI. Isla madashaas ayaa masuuliyiintan si toos ah looga dhigay xubno ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga WADDANI. Tallaabadan ayaa muujinaysa xirfadda siyaasadeed ee xisbiga talada hayaa uu ku wiiqayo awoodda mucaaridka, isaga oo dhinaca kalena ballaadhinaya saamayntiisa siyaasadeed ee gudaha dalka.
Shaacinta Beddelka Madaxweynaha: Xirsi Cali Xaaji Xasan
Go'aamada ugu waaweyn ee saamaynta fog leh ee shirkan laga shaaciyay waxa ka mid ah qorshaha kala-dambaynta hoggaanka xisbiga ee mustaqbalka. Madaxweyne Cirro ayaa meesha ka saaray madmadowgii siyaasadeed ee ku gedaamnaa mustaqbalka xisbiga, isagoo si cad u sheegay in marka uu dhammaysto wakhtiga uu Dastuurku u ogol yahay in uu xilka hayo, in musharraxa xisbiga WADDANI uu noqon doono Guddoomiyaha wakhti xaadirkan ee xisbiga, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Guddoomiye Xirsi oo ah siyaasi rug-caddaa ah oo door weyn ka ciyaaray isku-dubbaridka iyo guushii xisbiga WADDANI, ayaa haatan loo aqoonsaday dhaxal-sugaha rasmiga ah ee xisbiga. Sida ku cad Dastuurka Somaliland, Madaxweynaha ayaa xaq u leh in uu mar labaad u tartamo xilka madaxtinimada dalka, taas oo ka dhigaysa in Guddoomiye Xirsi uu safka hore kaga jiro hoggaaminta qaranka kadib muddo-xileedka Madaxweyne Cirro.
Safaaradda Qudus iyo Waaqicnimada Siyaasadda Arrimaha Dibadda
Qodobka ugu xasaasisan ee Madaxweyne Cirro uu si adag ugaga hadlay shirka ayaa ahaa siyaasadda arrimaha dibadda, gaar ahaan xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Israa'iil iyo go'aankii dooda dhaliyay ee bishii hore lagu furay safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus (Jerusalem). Madaxweynaha ayaa si aan gabbanayn uga jawaabay dhaliilo is-daba joog ah oo uga yimid dalalka Islaamka iyo xisbiga mucaaridka ah ee KAAH.
"Aqoonsiga kadib Israaāiil waxaanu ka furanay Safaarad, safaaraddaasna waxaanu ka furanay Magaalada Qudus. Wuxuu ahaa go'aan sax ah oo aanan ka laabanayn," ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Wuxuu intaas ku daray in Qudus Daanta Galbeed (West Jerusalem) loo aqoonsan yahay inay Israa'iil ka taliso sharciga caalamiga ahna aanay ka hor imanayn, isagoo ka digay in shacabka la majara habaabiyo.
Madaxweyne Cirro waxa uu si cad u qeexay mabda'a pragmatism-ka ama waaqicnimada ay ku dhisan tahay diblomaasiyadda cusub ee Somaliland.
"Layma dooran inaan Falastiin u shaqeeyo, ee waxaa la ii doortay inaan danta Somaliland ka shaqeeyo," ayuu si cad u sheegay.
Waxa uu cadeeyay in Somaliland aanay wax dhibaato ah u geysan shacabka Falastiin, ayna weli taageersan yihiin xaqa ay u leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaan.
Farriin Adag oo Ku Socota Dunida Islaamka
Madaxweynaha ayaa xasuusiyay dunida in Somaliland ay muddo 35 sano ah taageero iyo aqoonsi ka raadinaysay dalalka caalamka, gaar ahaan kuwa Carabta iyo Islaamka, balse aanay weligeed helin jawaab lagu qanco.Ā
"In kasta oo Somaliland tahay bulsho Muslimiin ah oo xidhiidh walaaltinimo la leh dunida Islaamka, haddana waddamada Islaamka ayaan aqoonsan jiritaankeeda," ayuu yidhi.Ā Ā
Maadaama Israa'iil ay noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada madax-bannaanida Somaliland, Madaxweyne Cirro waxa uu difaacay go'aankiisa.
"Waxaanu saaxiib la nahay dalka ina aqoonsaday. Diblomaasiyaddu waxay ku dhisan tahay wax is-weydaarsi. Markii ay Israaāiil na aqoonsatay, innaguna waan aqoonsannay."
Isagoo farriin toos ah u diraya dalalka Islaamka ee canbaaraynaya tallaabooyinka Somaliland, wuxuu yidhi:
"Waxaan leenahay walaalayaal waan idiin baahanahay, walaalahayo ayaad tihiin, na arka. Haddii aad na arki waydaan, ugu yaraan naga daaya dhibta."
Hadalkan ayaa muujinaya daalka Somaliland ay ka muujinayso laba-wejiilanimada siyaasadda Bariga Dhexe, iyo go'aankeeda ah in ay danteeda ka raadsato cid kasta oo aqoonsanaysa.
Baaqii Madaxweynihii Hore Muuse Biixi iyo Midnimada Qaranka
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu khudbaddiisa ku soo qaatay Madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Muuse Biixi Cabdi. Wuxuu qiray in Muuse Biixi uu dadaal iyo waqti badan geliyay sidii Somaliland aqoonsi u heli lahayd, isla markaana uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee bogaadiyay aqoonsiga Israa'iil markii lagu dhawaaqay.
"Saaxiibkay Muuse Biixi waxaan leeyahay waan ku dedaashay in aan ictiraafka keento, laakiin maanta aniga oo Madaxweynihii ku beddelay ah ayaa ictiraafka keenay. Saaxiibkay Muuse Biixina wuu soo dhaweeyey oo isagoo beertiisa jooga ayuu ka soo cararay si uu ictiraafka u taageero," ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Waxa uu ugu baaqay Madaxweynihii hore in aanu dhaliilin siyaasadda arrimaha dibadda ee haatan socota, isagoo yidhi:
"Maantana saaxiibkay Muuse waxaan leeyahay arrintaas aad aqbashay ha ka leexan."
Gabagabadii, Madaxweyne Cirro wuxuu ugu baaqay dhammaan axsaabta mucaaridka iyo saamileyda siyaasadda Somaliland inay mideeyaan mowqifkooda ku aaddan ilaalinta danta qaranka iyo raadinta aqoonsiga caalamiga ah. Waxa uu hoosta ka xarriiqay in dhismaha qaranka iyo adkaynta madax-bannaanidu ay yihiin maslaxad bulsho oo ka sarreysa khilaafaadka xisbiyada, loona baahan yahay in dalku uu yeesho hal cod oo mideysan fagaareyaasha caalamka.



