top of page

Madaxweyne Cirro Iyo Ra'iisul Wasaare Netanyahu Oo Khadka Taleefanka Ku Wada Hadlay Xilli Xiisadda Bariga Dhexe Ay Cirka Isku Shareertay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Axadii khadka taleefanka kula hadlay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu. Sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland, wadahadalkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda amniga ee gobolka, xilli dagaalka Iiraan iyo xulafadeedu uu si xawli ah ugu fidayo guud ahaan Bariga Dhexe iyo nawaaxigiisa.


“Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ra'iisul Wasaare Netanyahu si ay uga wada hadlaan amniga gobolka,” ayaa lagu yidhi bayaan kooban oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ku baahisay barteeda X (Twitter-kii hore). Bayaanka ayaa intaas ku daray in madaxweynuhu uu muujiyay welwelka Somaliland ay ka qabto dhacdooyinkan dhawaanahan kasoo cusboonaaday gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay in ilaalinta nolosha dadka rayidka ah ay tahay in ay noqoto ahmiyadda koowaad.


Somaliland President Cirro phone call with netenyahu

Wadahadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dawladda Somaliland ay dhowaan si adag u cambaareeyay weeraradii aargoosiga ahaa ee Iiraan ay ku qaadday waddamo ka tirsan Khaliijka oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Kuweyt iyo Sucuudi Carabiya. Tallaabadaas ayaa muujinaysa mowqifka cad ee Somaliland ay ka taagan tahay loolanka awoodeed ee ka socda gobolka.


Somaliland ayaa in muddo ahba isu arkaysay xulafo istiraatiiji ah oo Israa'iil ku leedahay gobolka. Sannadkii hore, Israa'iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada madaxbannaanida Somaliland. Tallaabadaas oo albaabbada u furtay xidhiidho kale oo heer caalami ah. Waxaa hadda socda qorsheyaal horumarineed oo ballaaran oo dhinaca farsamada iyo amniga ah, kuwaas oo Somaliland ka dhigaya xarunta ugu muhiimsan ee saamaynta dublamaasiyadeed ee Geeska Afrika iyo Badda Cas. Iskaashiga sii xoogaysanaya ee Hargeysa iyo Tel Aviv ayaa waji cusub oo horumar iyo nabadgelyo leh u yeelaya khariidadda siyaasadeed ee mandiqadda.

bottom of page