top of page

Wasiirka Shiinaha Oo Ka Baaqday Muqdisho

Updated: Jan 18

Amni iyo cadaadis reer Galbeed ayaa sababay ka noqoshada safar taariikhi ah.


Wasiirka Arrimaha dibadda ee dawladda Shiinaha Wang Yi ayaa ka negaaday safar la filayey in uu maanta ku tago magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaas oo qayb ka ahaa socdaal uu ku marayo dalal ku yaalla Qaraadda Afrika.


Safarkan oo noqon lahaa kii koowaad ee Wasiir Shiinaha ka socdaa uu Soomaaliya ku tago tan iyo  wixii ka dambeeyey sannadkii 1980-kii ayaa u baaqday sababo aan la sheegin xilli dawladda Soomaaliya maanta xidhay waddooyinka magaalada Muqdisho lana joojiyey isu socodka dadka iyo gadiidka taas oo shacabka culays ku keentay.


China angry over Somaliland Taiwan relations



Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganaysa wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya waxa ay sheegtay in dib loo dhigay safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, halka Dawladda Shiinuhu ka gaabsatay in ay ka hadasho sababta ay uga baaqdeen Muqdisho.


Reuters waxa ay xustay in safarkani daba socday socdaalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel Gedion Sa'ar uu ku yimi caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa,  oo ka cadhaysiiyey dawladda Soomaaliya iyada oo doonaysay in jawaab looga dhigo booqashada Wasiirka Shiinaha balse noqotay mid suurta geli wayday.  Wang Yi ayaa maanta u duulay dalka Tanzania isaga oo sii wadan doona safarradiisa kale ee qaaradda Afrika.


Inkasta oo si cad aan loo sheegin sababta rasmiga ah ee Wasiirku uga baaqday haddana waxa jira laba arrimood oo sal looga dhigay ama lagu sababeeyey ka laabashada Shiinaha ee socdalka Muqdisho kuwaas oo kala ah:


  • Halis amni iyo cabsi ka timi xogo sirdoon oo Shiinaha lala wadaagay looguna sheegay in Muqdisho ay ka dhici karaan falal amni darro sida in Hoobiyeyaal lagu garaaco garoonka Aadan Cadde maaddama oo la xasuusto in sannadkii hore Hoobiyeyaal lagu ganay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho xilli uu halkaas booqanayey Raysal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed.


  • Cadaadis ka yimi dhinaca reer Galbeedka oo diiiddan in Shiinuhu uu saamayntiisa ku xoojiyo Soomaaliya iyaga oo rumaysan in ay yihiin cidda rasmiga ah ee gacanta ku haysa dalka Soomaaliya. Safaaradaha reer Galbeedka ayaa ka hawl gala xerada Xalane oo dhinaca ka saaran garoonka Muqdisho iyaga oo sirdoon ahaan iyo ciidan ahaanba u maamuula xerada iyo agagaarka garonka Muqdisho.

bottom of page