Wasiir Fiqi: “Ma Wada-hadalbaa Mise Dhoolla-tus Ciidan?”
- Gallaydh News Desk

- Feb 1
- 1 min read
Updated: Feb 1
Hadallada kulul ee Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Xasan Sheekh ayaa muujiyey aragtida Villa Somalia ee ku aaddan socdaalka hubaysan ee madaxda Jubbaland iyo Puntland, isaga oo ku eedeeyey in ay khaldiyeen xuduudda u dhexeysa wada-hadal siyaasadeed iyo muujin awood ciidan.
Wasiirka Gaashaandhiga ee xukuumadda Xasan Sheekh oo u jawaabay madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa sheegay in ay qaadeen tallaabo khaldan isaga oo tilmaamay in ay kala garan waayeen dagaal iyo wada hadal nabadeed. Waxa uu xusay in ciidanka looga baahnaa buuraha Calmiskaad iyo agagaarka magaalada Kismaayo isaga oo yidhi:
"Marka ay Adis Ababa, Nairobi iyo Dubai sida dhuumaalysiga ah ay ugu safrayaan ayagoo boorsooyin wata ayay u safraan, safafka immigrationka ayay galaan, marka ay caasimadooda u soo safrayaana sidii niman dagaalkii u dambeeyey u socda oo kale ayay isku soo hubaynayaan.

Ma wadahadal ayay u socdaan mise dagaal, mise dhoola-tus ciidan oo ah fariin ay u dirayaan kuwa kale.
Amniga madaxda caalamka ee Muqdisho soo booqanaya dawladda Soomaaliya ayaa sugta, wayna isku aaminaan, madaxda Soomaaliyeedna mudnaan gaar ah ayay leeyihiin, ma jirto wax ururo ciidan ah la soo safriyo ayadoo ciidamadii qaranka ee mas’uuliyadda amnigu saarnayd ay joogaan.
Muuqaalka hubaysan ee aan qurxoonayn iyo in ciidamo wax ay yihiin aan la garanayn in la keensado hoteelada garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho oo ah meel xasaasi ah oo ay deggan yihiin safaaradaha waaweyn ayna ku yaallaan goobo muhiim ma ahan wax ay ku gar helayaan l Deni iyo Madoobe.
Ciidamada la soo luggoynayo Buuraha Calmiskaad iyo hareeraha Kismaayo in lagu xoreeyo ayaa ka mudan in film jilid loo soo wato"



