Xiisad Siyaasadeed oo Ka Dillaacday Shirkii Wada-tashiga Soomaaliya
- Hassan Gallaydh

- Jan 31
- 4 min read
Updated: Feb 1
Go’aanka dawladda Soomaaliya ay hawada kaga celisay ciidamo la socday madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa banaanka soo dhigay heerka khilaaf ee u dhexeeya Villa Somalia iyo maamul-goboleedyada, isla markaana halis geliyey mustaqbalka wada-hadallada doorashooyinka dalka.
Dawladda Soomaaliya waxa ay maanta qaaday tallaabo hadal hayn weyn dhalisay taas oo ah in hawada laga celiyey ciidan ka yimi magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe kuna sii jeeday magaalada caasimadda Soomaaliya u ah ee Muqdisho. Ciidankan oo diyaarado la socday waxa ay hor dhac u ahaayeen weftiyo ay kala hoggaaminayaan madaxweyne Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo la qayb geli lahaa shir lagaga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya.

Ka hor intii aan hawada laga celin, waxa la helay muuqaallo muujinaya ciidankan oo ku qalabaysan hub aad u culus isla markaana u muuqda in ay yihiin kuwo aad loo soo tababaray oo tunka ku sita qoryaha garabka laga rido sida Sebenka iyo kuwa la midka ah.
Jawaabta Puntland iyo Jubbaland?
Maamuulada Jubbaland iyo Puntland ayaa si adag uga fal celiyey tallaabada lagu celiyey ciidanka diyaaradaha la socday, iyaga oo wada jir u cambaareeyey dawladda Soomaaliya.
Jubbaland
Maamuulka Jubbaland ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya si badheedh hawada uga celisay diyaarad siday ilaalada Axmed Madoobe oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho halka sidoo kale ay xukuumadda Muqdisho ku eedeeyeen in ay hawada ka celiyeen laba diyaaradood oo siday dad shacab ah kuwaas oo doonayey in ay ka degaan garoonka Aadan Cadde.
Jubbaland waxa ay xustay in Xasan Sheekh aanu diyaar u ahayn waan waan iyo heshiis laga gaadho khilaafka haatan taagan iyada oo daneeyeyaasha Soomaaliya la socod siisay halka ay arrimuhu marayaan.
Puntland
Maamuulka Puntland ayaa si weyn cambaareeyey tallaabada ay dawladda Soomaaliya ku celisay diyaarad siday ciidanka ilaalada u ah madaxweyne Siciid Deni kuwaas oo laga hor istaagay in ay ka degaan magaalada Muqdisho.
Maamuulka in ay sheegay in aanay marnaba aqbali doonin tallaabooyinka noocan oo kale ah ee lagu hor istaagay ciidanka Puntland. Sidoo kale Puntland waxa ay Xasan Sheekh ku eedaysay in uu halis geliyey ciidankoodii hawada ku jirey,
Maxaa arrinkan ka dhalan kara?
In hawada laga celiyey diyaarad ay la socdeen ilaalada madaxda maamuul goboleedada ugu awoodda badan Soomaaliya waa mid mar kale bannaanka u soo saartay sida ay u kala fog yihiin dhinacyada Xasan Sheekh, Deni iyo Axmed Madoobe. Inkasta oo Xasan Sheekh uu sheegay in uu dib uga laabtay go'aankii soo qabashada Axmed Madoobe haddana tallaabada uu ku celiyey diyaaradda ilaalada sidday waa mid caalamaad u ah arrimaha ay Villa Somalia maaggan tahay iyo in aanay daacad ka ahayn wada tashi dhex mara dhinacyada dan wadaagta ku ah siyaasadda Soomaaliya.
Axmed Madoobe iyo Deni tani waxa ay u tahay caddayn ay ku muujinayaan sida aanu Xasan Sheekh daacad uga ahayn xal laga gaadho khilaafka siyaasadeed ee muddada soo jiiitamayayey. Waxana la filayaa in ay qaadan doonaan go'aan ay kaga laabanayaan safarkooda magaalada Muqdisho ilaa laga ogolaanayo ilaaladooda gaarka ah ee hawada laga celiyey.
Xilligii madaxweyne Farmaajo marar badan ayuu Deni Muqdisho la tegay ciidan hubaysan balse ma jirin is hor taag lagu sameeyey askartiisa halkaas u sii gelbisay. Waana astaan muujinaysa kala duwanaanshaha Xasan Sheekh iyo Farmaajo.
Shirka wada tashiga arrimaha Soomaaliya ayaa u muuqanaya in uu hadda fashil aad u weyn wajahayo waxana ugu horraysa in uu ka dib dhici doono wakhtigii loogu tala galay ama loo qorsheeyey in lagu qabto.
Maxaay Dowladda Soomaaliya ka tidhi?
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in martiqaadkeedii ku aaddanaa gogosha wada-hadalka uusan wax isbeddel ah ku iman, inkasta oo ay maanta hawada ka celisay diyaarado siday ciidamo la socday madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya ayaa lagu xusay in xubnaha Madasha Mustaqbalka lagu boorinayo inay si buuxda u ixtiraamaan baratakoollada iyo habraacyada amniga, si loo suurtogeliyo jawi deggen, nabad ah, oo ay shirarku si ammaan ah ugu qabsoomaan.
WAR-SAXAAFADDEED
Muqdisho, 1da- Febraayo-2026
Dowladda Soomaaliya waxay mas’uuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore u meel marisay qaraarro caddeynaya baratakoollada iyo habraacyada lagu sugayo amniga Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, iyo guud ahaan amniga caasimadda taas oo suurta gelisay amniga iyo nabadda lagu naaloonayo.
Waxaan ka xunnahay in aan ummadda Soomaaliyeed la wadaagno, in xubno ka mid ah Madasha Mustaqbalka oo ka qeybgali lahaa shirkii wada hadallada ee Dowladdu ku baaqday in uu caasimadda ku qabsoomo 1-da Febraayo 2026, ay saaka isku dayeen in ay diyaarado kusoo daabulaan ciidamo iyo hub aan la garanayn ujeeddada ay ka leeyihiin, taas oo xadgudub ku ah qaraarrada aan kor ku soo xusnay kuwaas oo ay ku dhaqmaan dhammaan madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada iyo madaxdii hore ee dalka.
Hay'adaha amniga dawlada iyo gudida qaban-qaabada shirka waxay ku wargaliyeen xubnaha guddiga ku matalayey golaha mustaqbalka, in aan la aqbali karin ciidamo iyo hub aan la soo marin hanaankii iyo habraacyadii lagu dhaqmaayay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale caddeynaysaa in martiqaadkeedii gogosha wadahadalka aysan waxba iska baddalin, iyadoo ku boorrineysa xubnaha Madasha Mustaqbalka in ay ilaaliyaan baratakoollada iyo habraacyada amniga, si loo abuuro in shirku ku qabsoomo jawi xasiloon oo nabad ah.
Muxuu Mucaaridka Soomaaliya yidhi?
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadii ay maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya dib ugu celisay diyaarado siday ilaalada gaarka ah ee hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland.
Goluhu waxa uu go’aankaasi ku tilmaamay mid mas’uuliyad-darro ah, isla markaana halis ku ah nabadgelyada iyo wada-hadallada la filayay.
"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisuba waxay qaateen go'aan qar iska xoornimo ah oo khatar gelinaya nolosha wufuuddii saarnayd diyaaradaha la celiyay," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Golaha.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxa uu sidoo kale sheegay in uu si niyad-sami ah u aqbalay gogosha wada-hadalka ee ay dowladdu dhigtay, balse waxa uu ku eedeeyay Dowladda Federaalka in ay maalmihii u dambeeyay qaadaysey tallaabooyin si cad u carqaladeynaya qabsoomidda gogoshaas.


