Xildhibaan Maraykan Ah Oo Ku Baaqay In Somaliland Si Buuxda Loo Ictiraafo Kadib Tallaabadii Israa'iil: Faaqidaad Qoto Dheer
- Hassan Gallaydh

- Mar 31
- 4 min read
Updated: Mar 31
Washington, D.C. Dhaqdhaqaaqa raadinta aqoonsiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u muuqda in uu galay weji cusub oo xawaare sare ku socda, kadib markii xildhibaan miisaan culus ku leh siyaasadda Maraykanku uu gudbiyay hindise-sharciyeed la doonayo in Washington ay ku raacdo dhabbihii ay jeexeen dalalka Israa'iil iyo Taiwan ee ahaa in Somaliland loo aqoonsado qaran madax-bannaan.
Xildhibaan John Rose oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga (Republican), lagana soo doorto gobolka Tennessee, haatanna u sharraxan xilka badhasaabka (Governor) gobolkaas, ayaa 19 kii bishan March gudbiyay hindise-sharciyeed taariikhi ah oo cinwaankiisu yahay 'Xeerka Helitaanka Dhaqaalaha iyo Fursadaha Somaliland'. Tallaabadan ayaa imanaysa wax ka yar dhawr bilood kadib markii dalka Israa'iil uu bishii December noqday waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, arrintaas oo mowjado cusub ka dhalisay siyaasadda arrimaha dibadda ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.

Garwaaqsiga Qaddiyadda Somaliland
Waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska The Algemeiner, Xildhibaan John Rose oo xubin ka ah Guddiga awoodda badan ee Adeegyada Maaliyadda ee Aqalka Wakiilada, ayaa daaha ka rogay in isaga iyo kooxdiisu ay baadhitaan qoto dheer ku sameeyeen qaddiyadda Somaliland kadib markii ay la xidhiidheen wakiilo ka socda Hargeysa.
"Waxaan u kuur-galnay xaaladda, ugu dambayntiina waxaan go'aansannay in qaddiyadda Somaliland ay tahay mid mudan in la taageero," ayuu yidhi Rose. "Waxaan aaminsanahay in ay dan ugu jirto Maraykanka in uu horumariyo xidhiidh adag oo uu jeexo waddo horay loogu qaado tallaabo aan rajaynayo in ay ugu dambayn noqon doonto aqoonsi buuxa oo Somaliland loo aqoonsado qaran madax-bannaan."
Rose waxa uu si dhow ula socday isbeddelada dhacayay dhowaanahan, isaga oo xusay in aqoonsiga Israa'iil iyo Taiwan ay siiyeen Somaliland uu yahay mid caqli-gal ah marka la eego siyaasadda isbedbedelaysa ee gobolka iyo taariikhda ay Somaliland muujisay ee dhinaca dhismaha hay'adaha dimuqraadiga ah iyo isku daygeeda in ay ku soo biirto beesha caalamka. Si ka duwan inta badan dalalka gobolka ku yaalla, Somaliland waxay leedahay amni laysku halayn karo, doorashooyin joogto ah, iyo xasillooni siyaasadeed oo taam ah.
Dhaqaalaha Iyo Nidaamka SWIFT
Ujeeddada koowaad ee hindise-sharciyeedka uu Rose gudbiyay bishan March, kaas oo ay ku weheliyaan xildhibaannada kala ah Andrew Ogles, Pat Harrigan iyo Addison McDowell, waa in la jabiyo go'doominta dhaqaale ee saaran Somaliland. Xeerkani waxa uu farayaa Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka in ay warbixin faahfaahsan u gudbiso Guddiyada Maaliyadda ee labada aqal ee Congress-ka.
Warbixintaas waa in ay si qoto dheer uga jawaabtaa caqabadaha hortaagan Somaliland ee la xidhiidha helitaanka nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah. Rose waxa uu isweydiiyay tallaabooyinka dawladda Maraykanku ay qaadi karto si ay Somaliland uga caawiso in ay ku biirto nidaamka xawilaadda lacagaha caalamiga ah ee SWIFT, kaas oo isku xidha in ka badan 11,000 oo hay'adood oo maaliyadeed oo adduunka ah. Ku biirista nidaamkan ayaa si weyn kor ugu qaadi karta koboca dhaqaalaha Somaliland iyo maalgashiga shisheeye. Sidoo kale, xeerku wuxuu qiimayn doonaa sida Somaliland ay u waafaqsan tahay xeerarka caalamiga ah ee la dagaallanka lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada.
Ahmiyadda Juquraafiyeed Iyo Tartanka Shiinaha
Marka laga yimaado arrimaha dhaqaalaha, xildhibaanku wuxuu iftiimiyay muhiimadda istiraatiiji ee Somaliland. Wuxuu xusay in ay ku taallo mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu halista badan uguna muhiimsan caalamka ee Gacanka Cadan, halkaas oo ay marto boqolkiiba tiro badan oo ka mid ah ganacsiga adduunku.
Rose waxa uu aaminsan yahay in iskaashiga Somaliland uu Maraykanka siinayo fursad dahabi ah oo uu kaga hortagi karo saamaynta iyo ballaadhinta awoodda xukuumadda Beijing ee Geeska Afrika. Wuxuu sidoo kale carabka ku dhuftay khataraha ka imanaya dalka Yemen ee deriska la ah Somaliland iyo budhcad-badeedda, isaga oo sheegay in danta Maraykanku ay ku jirto in uu xidhiidh nabadeed la yeesho dalalka qaaday waddada saxda ah ee dimuqraadiyadda iyo xorriyadda.
Si uu uga jawaabo dadka shaki gelinaya in Maraykanku uu taageero kala-goynta dal Afrikaan ah, Rose wuxuu ku baaqay in si dhab ah loo barto taariikhda.
"Waa in la fahmaa taariikhda qoto dheer iyo sida rajadii iyo ballanqaadkii Soomaaliya midaysan uu si degdeg ah ugu fashilmay," ayuu yidhi.
Wuxuu xusay in muddo 35 sano ah ay Somaliland ilaashanaysay madax-bannaanideeda iyo xuduudaheeda, taas oo ka dhigaysa madax-bannaanideeda mid aan muran badani ku jirin.
Waa Kuma John Rose? Awooddiisa Xisbiga Iyo Xidhiidhka Trump
Si loo fahmo miisaanka hindise-sharciyeedkan, waa in la fahmaa culeyska siyaasadeed ee ninka wada. John Rose waa siyaasi, ganacsade iyo beeralay saameyn aad u ballaadhan ku dhex leh Xisbiga Jamhuuriga, gaar ahaan garabka maydhan ee muxaafidka ah (MAGA). Awooddiisa siyaasadeed ee gobolka Tennessee ayaa ah mid aad u sarraysa, taas oo u sahashay in uu hadda isku soo taago xilka ugu sarreeya ee badhasaabka gobolkaas.
Balse waxa ugu muhiimsan ee qaddiyadda Somaliland faa'iidada u ah ayaa ah xidhiidhka dhow iyo saaxiibtinimada qaaska ah ee ka dhaxaysa John Rose iyo Madaxweyne Donald Trump. Rose waxa uu ka mid yahay xulafada ugu weyn ee Trump ku leeyahay Aqalka Wakiilada ee Maraykanka, isaga oo si aan leexleexad lahayn u difaaca ajandayaasha madaxweynaha. Sida ka muuqata diiwaanka Aqalka Cad, bishii September ee sannadkii 2025, Rose ayaa si shakhsi ah loogu qaabilay xafiiska Oval Office, isaga oo calan sharaf guddoonsiiyay Madaxweyne Trump.
Xidhiidhkan tooska ah ee uu la leeyahay madaxtooyada ayaa ka dhigaya in hindisahan aanu ahayn uun mid waraaqo ku qoran, balse uu yahay qorshe si fudud taageero uga heli kara maamulka ugu sarreeya ee Maraykanka. Xilli Xisbiga Jamhuurigu uu dib u qaabaynayo siyaasaddiisa arrimaha dibadda, isaga oo mudnaanta siinaya la dagaallanka saamaynta Shiinaha iyo taageeridda xulafada dhabta ah ee istiraatiijiga ah, qaddiyadda Somaliland waxay heshay cod awood badan oo laga dhex dhegaysan doono wadiiqooyinka go'aan qaadashada ee Washington.
Gunaanadkii, dhaqdhaqaaqa Xildhibaan Rose ayaa ifafaale weyn u ah in fahamka beesha caalamka ee ku aaddan Somaliland uu isbeddelayo. Haddii hindise-sharciyeedkani uu guulaysto, wuxuu noqon doonaa tillaabadii ugu weynayd ee abid loo qaado dhinaca aqoonsiga dhaqaale iyo midka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.



