Khudbaddii Trump ee Xaaladda Midowga Maraykanka “State of the Union” 2026
- Gallaydh News Desk

- Feb 25
- 3 min read
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xalay hor istaagay fadhiga loo dhan yahay ee Koongareeska Maraykanka si uu u jeediyo Khudbaddiisa Xaaladda Midowga Maraykanka. Khudbaddan ayaa ahayd mid uu madaxweynuhu ku soo bandhigay guulaha xukuumaddiisa, isla markaana uu ku jeexay khariidadda siyaasadeed ee dalkaas ee sannadkan cusub.
“State of the Union” waa khudbad uu Madaxweynaha Maraykanku si rasmi ah ugu gudbiyo Kongareeska xog ku saabsan xaaladda dalka, isla markaana uu ku soo jeediyo ajandihiisa iyo tallaabooyinka uu u arko in loo baahan yahay. Dastuurka dalka Maraykanka ayaa faraya in madaxweynuhu uu xilliyada qaar Koongareeska warbixin ka siiyo xaaladda dalku marayo, uuna u soo jeediyo tillaabooyinka uu u arko inay lagama maarmaan yihiin. Waa madal weyn oo madaxweynuhu uu fursad ugu helo in uu si toos ah ula hadlo shacabka Maraykanka, isaga oo sharxaya ajandihiisa dhaqaale, midka ammaan, iyo siyaasaddiisa arrimaha dibadda.
Khudbaddan badanaa waxaa lagu jeediyaa fadhiga wadajirka ah ee Aqalka Senate-ka iyo Aqalka Wakiillada, iyadoo noqota masrax siyaasadeed oo madaxweynuhu ku “daahfuro” qorshihiisa sannadka, kuna xoojiyo farriintiisa gudaha iyo dibaddaba.

Khudbadda Madaxweyne Trump ayaa qaadatay waqti lagu qiyaasay saacad iyo labaatan daqiiqo. Sida caadada u ahayd khudbadihiisii hore, hadalkiisa waxaa hadheeyay isku-kalsooni weyn iyo adeegsiga weedho adag oo uu ku difaacayo go'aanadiisa. Jawiga golaha ayaa ahaa mid si weyn u muujinaya kala qaybsanaanta siyaasadeed ee dalka.
Xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga ayaa si isdaba joog ah ugu istaagayay sacab iyo taageero, halka xubnaha xisbiga Dimuqraadigu ay inta badan ahaayeen kuwa aamusan oo diiday in ay muujiyaan wax dareen taageero ah.
Qodobadii ugu waaweynaa ee Trump xoogga saaray
1) Dhaqaalaha, canshuuraha, iyo “dagaalka warshadaha”
Trump wuxuu khudbadda ku celceliyey aragti ku dhisan in Maraykanku “dib u soo celinayo” awoodda wax-soo-saarka, isaga oo difaacay siyaasadaha canshuuraha iyo cadaadiska ganacsi ee uu u arko hub gorgortan iyo ilaalin warshadeed. Madaxweynuhu waxa uu ammaanay siyaasaddiisa dhimista cashuuraha shirkadaha gudaha iyo shuruucda uu fududeeyay (deregulation). Waxa uu sidoo kale ku celceliyay in uu kordhin doono cashuuraha la saaro alaabaha dibadda laga keeno, gaar ahaan kuwa ka yimaada dalka Shiinaha, isaga oo sheegay in qorshahaasi uu dhiirrigelinayo in warshaduhu ay dib ugu soo laabtaan gudaha Maraykanka.
2) Socdaalka iyo amniga xuduudaha
Mid ka mid ah qaybaha ugu kulul wuxuu ahaa socdaalka. Trump wuxuu ku adkaystay in xuduuddu tahay “khadka koowaad” ee amniga qaranka, isaga oo tilmaamay in la dardar gelinayo tallaabooyin adag oo lagu xakameeyo gelitaanka sharci darrada ah iyo shabakadaha tahriibka.Trump waxa uu si adag u difaacay ololihiisa dib u celinta iyo tarxiilka dadka sharci darrada ku jooga dalka Maraykanka. Waxa uu ballan qaaday in la dardar gelin doono dhismaha iyo xoojinta amniga xuduudda koonfureed ee lala wadaago dalka Mexico si loo joojiyo qulqulka muhaajiriinta iyo daroogada.
3) Siyaasadda dibadda: “Nabad xoog ku dhisan” iyo colaadaha caalamka
Trump wuxuu isku dayay in uu sawiro in Maraykanku dib u helayo hoggaan caalami ah, isaga oo khudbadda ku xusay in uu doonayo in la “xalliyo” ama la dejiyo meelo uu ku tilmaamay “hot spots”. Qodobkan wuxuu si gaar ah ugu xidhmay doodaha ku xeeran qorshayaal dib u dhis iyo amni oo la xidhiidha Gaza, iyo qaababka wada-shaqayn caalami ah ee uu maamulka Trump riixayo.
Waxyaabihii ugu xusuusta badnaa ee khudbadda
Sida munaasabadahan oo kale looga bartay, waxaa jiray dhacdooyin iyo daqiiqado si gaar ah u soo jiitay indhaha warbaahinta iyo shacabka:
Marti Sharaftii Gaarka Ahayd: Madaxweyne Trump waxa uu golaha dhexdiisa ku casuumay qoysas ay dhibaatooyin kasoo gaadheen dambiyo ay dalka ka geysteen shakhsiyaad sharci darro ku joogay. Markii uu magacyadooda xusay isla markaana uu farta ku fiiqay goobtii ay fadhiyeen, waxa ay ahayd daqiiqad qiiro leh oo uu u adeegsaday in uu cudurdaar adag ugu sameeyo siyaasaddiisa adag ee ka dhanka ah socdaalka.
Weerarkii Tooska Ahaa Ee Mucaaradka: Si ka duwan madaxweyneyaashii hore oo inta badan isku daya in ay muujiyaan isku-tanaasul munaasabadan, Trump waxa uu si toos ah u dhaliilay siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraadiga iyo xukuumaddii isaga ka horraysay. Waxa uu ku eedeeyay in siyaasadohoodii hore ay dalka curyaamiyeen, arrintaas oo keentay in guux iyo is-aragti duwanaansho laga dareemo hoolka dhexdiisa.
Baaqii Ku Aaddanaa "Dib U Dhiska Qaranka": Gabagabadii khudbaddiisa, waxa uu si weyn u adkeeyay in Maraykanku uu galayo waji cusub oo dib u dhis ah. Daqiiqadaas oo uu aad kor ugu qaaday codkiisa, waxa uu u ballan qaaday taageerayaashiisa in "Maraykanku uu mar kale noqon doono waddanka ugu awoodda badan, ugu dhaqaalaha fiican, uguna ammaanka badan caalamka," weedhaas oo ruxday taageerayaashiisa goobta ku sugnaa.
Maxay ka dhigan tahay, maxaase laga fahmay?
1) Ajandaha Trump 2026 wuxuu u socdaa in la adkeeyo awoodda fulinta
Habka uu u dhigay “dhibaatada” iyo “xalka” wuxuu muujiyay in Aqalka Cad uu doonayo in uu dedejiyo fulinta siyaasado waaweyn, xitaa kuwa muran gelin kara maxkamadaha ama Kongareeska.
2) Khudbadda ayaa sii muujisay kala-qaybsanaanta siyaasadeed
Falcelinnada degdegga ah ee xisbiyada iyo warbaahinta ayaa muujiyay in “State of the Union” 2026 uusan ahayn keliya warbixin sanadle ah, balse uu noqday goob ay ku sii adkaato loollanka siyaasadeed ee Maraykanka.



