top of page

Trump iyo Xi oo Ku Wajahan Kulan Taariikhi ah

Wadahadallo Miisaankoodu Caalami Yahay oo Ku Saabsan Ganacsiga, Amniga, iyo Mustaqbalka Qaaradda Aasiya.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in Aqalka Cad uu qorshaynayo inuu qaabilo booqasho rasmi ah oo uu ku tagayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Shiinaha Xi Jinping ka hor dhammaadka sannadka 2026. Booqashadan la filayo ayaa noqon doonta mid si dhow ay isha ugu hayaan dunida oo dhan, maadaama ay isu imanayaan labada hoggaamiye ee kala metela labada quwadood ee dhaqaale ee ugu waaweyn caalamka.

Trump ayaa tilmaamay in kulankan uu ujeeddadiisu tahay in la abuuro xiriir ā€œaad u weyn oo istiraatiiji ahā€ oo u dhexeeya Washington iyo Beijing, isaga oo muujiyay in wada hadalladu ay taaban doonaan qodobo xasaasi ah oo muddo dheer khilaaf ka dhex abuurayay labada dal.


Qodobada ugu muhiimsan ee miiska saaran waxaa ka mid ah arrimaha cashuuraha iyo ganacsiga, kuwaas oo sanadihii u dambeeyay noqday il weyn oo muran ah. Maraykanku wuxuu Shiinaha ku eedeeyaa in uu ku takri falo nidaamka ganacsiga caalamiga ah, halka Shiinuhuna uu u arko tallaabooyinka cashuuraha Maraykanka kuwo cadaadis siyaasadeed ku dhisan.


Sidoo kale, damaca Shiinaha ee Taiwan ayaa ah mid si gaar ah loo lafa guri doono. Maraykanku wuxuu si cad u taageeraa Taiwan dhinaca amniga iyo siyaasadda, halka Shiinuhuna uu Taiwan u arko qayb ka mid ah dhulkiisa. Arrintan ayaa weli ah halista ugu weyn ee keeni karta isku dhac toos ah oo militari.


Xiisadda ka taagan Biyaha Pacific-ga, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqa ciidammada badda iyo tartanka saameynta ee Aasiya-Pacific, ayaa iyaduna ka mid ah ajandaha. Ugu dambayn, labada dhinac waxay ka wada hadli doonaan iskaashi dhaqaale oo cusub, si loo helo dan wadaag ka fog isqabqabsi.


Booqashadan la filayo waxay muujinaysaa in inkasta oo ay jiraan khilaafaad waaweyn, haddana Washington iyo Beijing ay weli u arkaan wada hadalka dariiq lama huraan ah oo lagu xakameyn karo tartanka quwadaha waaweyn, laguna ilaalin karo xasilloonida nidaamka caalamiga ah.



bottom of page