Shiinaha Oo Hoos U Dhigay Maalgashigii Afrika
- Hassan Gallaydh

- Jan 23
- 3 min read
Isbeddelka ku yimi dhaqaalaha Shiinaha, daymo la bixin waayey, iyo cadaadis siyaasadeed oo ka imanaya Washington ayaa si muuqata u beddelay qaabka Beijing ula macaamisho Afrika.
Dawladda Shiinaha ayaa si tartiib ah hoos ugu dhigtay maalgashigii waaweynaa iyo mashaariicdii ballaadhnaa ee ay ka fulin jirtay dalalka Afrika, tallaabo ka tarjumaysa isbeddel istiraatiiji ah oo ka socda Beijing. Muddo labaatan sano ku dhow, Shiinuhu wuxuu ahaa maalgeliyaha ugu weyn ee kaabayaasha Afrika—waddooyin, tareenno, dekedo, tamar iyo dhismayaal waaweyn. Maanta se, jawigu wuu ka duwan yahay kii hore.

Sababaha ugu waaweyn ee hoos-u-dhaca waxaa ka mid ah daymo badan oo dalal Afrikaan ah ay ku guul-darraysteen inay bixiyaan, taas oo dhalisay culays dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo saaran bangiyada Shiinaha. Isla markaana, waxaa meesha soo galay cadaadis diblumaasiyadeed oo xooggan oo ka imanaya maamulka Maraykanka, gaar ahaan xilligii madaxweyne Donald Trump iyo wixii ka dambeeyay, kaas oo madaxda Afrika ku riixaya inay dib u eegaan xiriirkooda Shiinaha.
Tusaale cad oo arrintan muujinaya waa Kenya, oo dhawaan dib u dhigtay ansixinta heshiis ganacsi oo ay la geli lahayd Beijing, si ay uga baaqsato cadaadis ka imanaya Aqalka Cad. Sidoo kale, Soomaaliya, oo muddo dheer ku tiirsanayd taageerada Shiinaha, ayaa ku fashilantay inay Muqdisho ku soo dhawaysato Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha—safar ay hakisay arrimo amni iyo culays diblumaasiyadeed oo reer Galbeedku ku yeesheen.
Inkasta oo Shiinuhu aanu gebi ahaanba ka bixin Afrika, haddana istiraatiijiyaddiisu way is beddeshay: halkii laga bixin lahaa daymo waaweyn oo hal mashruuc ah, Beijing waxay u wareegtay qaab “yar-yar balse la beegsaday”, iyada oo mudnaan la siinayo mashaariic kooban, khatar yar, iyo dalal dhaqaale ahaan adkaysi leh.
Si kastaba ha ahaatee, mashaariicdii waaweynaa ee hore loo fuliyey ayaa weli ah laf-dhabarta kaabayaasha qaaradda—iyo sidoo kale deymaha culus ee dalal badan saaran. Hoos waxaa ku qoran 10-ka maalgashi iyo mashruuc ee ugu waaweynaa ee Shiinuhu ku lahaa Afrika, kuwaas oo ilaa maanta saamayn weyn ku leh dhaqaalaha qaaradda.
10-ka Dal ee Maalgashi Ugu Waaweyn Shiinaha Ku Leeyahay Afrika (Qiimeyn & Kala Sarayn)

Angola – Kaabayaasha Ku Xidhan Saliidda (~$45 Bilyan)
Angola waa dalka Afrika ee ugu deymaha badan Shiinaha. Tan iyo 2002, Shiinuhu wuxuu Angola siiyey $42–$45 bilyan oo lagu dhisay waddooyin, isbitaallo, guryo iyo kaabayaal kale. Daymahan badankood waxaa lagu bixiyaa shidaal, taas oo ka dhigaysa heshiis “khayraad lagu beddelay kaabayaal”.

Nigeria – Tareenno & Tamarta (~$20+ Bilyan)
Nigeria waxay heshay maalgelin ballaadhan oo lagu casriyeeyey gaadiidka. Mashruuca ugu weyn waa tareenka Lagos–Kano, iyo sidoo kale Zungeru Hydropower Plant iyo Dekedda Lekki.

Kenya – Tareenka SGR (~$5 Bilyan)
Tareenka Mombasa–Nairobi SGR waa mashruucii ugu weynaa ee Kenya tan iyo xornimada. Waxaa maalgeliyey Exim Bank of China. Kenya ayaa hadda dadaal ugu jirta inay deymaha qaar u beddesho yuan (RMB) si ay u yareyso culayska dulsaarka.

Ethiopia – Tareenka Addis–Djibouti (~$4.5 Bilyan)
Mashruuc astaan u ah Belt and Road Initiative, tareenkan 750km ah ayaa isku xidhaya Itoobiya iyo dekedda Djibouti. Inkasta oo uu muhiim u yahay ganacsiga, haddana wuxuu wajahay dhibaatooyin la xidhiidha dayn iyo kharash hawlgal.

Zambia – Tamarta & Kaabayaasha (~$6–$10 Bilyan)
Zambia waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyey ee ku dhacay dayn-xumo, kadib maalgelin ballaadhan oo lagu sameeyey soo saarida tamarta biyaha (Kafue Gorge) iyo waddooyin. Hadda waxay ku jirtaa wada-hadallo dib-u-habayn dayn.

Egypt – Caasimadda Cusub (~$3.4 Bilyan)
Shiinaha ayaa hoggaaminaya dhismaha Central Business District ee caasimadda cusub ee Masar, oo ay ku jiraan dhismayaal dhaadheer sida Iconic Tower.

DR Congo – Sicomines (Macdan lagu beddelay Kaabayaal) (~$3 Bilyan)
Heshiiskan caanka ah wuxuu Shiinaha siiyey xuquuq macdan (copper & cobalt) iyadoo lagu beddelayo dhismaha kaabayaasha. Qiyaastii $3 bilyan ayaa si gaar ah loogu qoondeeyey kaabayaal.

Republic of Congo – Waddooyin & Tamarta (~$3 Bilyan)
Mashruuca ugu weyn waa waddada Pointe-Noire ilaa Brazzaville, oo isku xidha xarunta dhaqaale iyo tan maamulka.

Sudan & South Sudan – Kaabayaasha Shidaalka (~$2–$3 Bilyan)
Shiinuhu si weyn ayuu u maalgeliyey dhuumaha iyo warshadaha saliidda ee labada Sudan. Inkasta oo colaado joojiyeen maalgelin cusub, deymaha hore weli way taagan yihiin.

Djibouti – Dekedo & Kaabayaal (~$1.4 Bilyan)
Djibouti waxay leedahay saamiga ugu sarreeya ee dayn Shiinaha marka loo eego GDP. Maalgelintu waxay ku baxday dekedda Doraleh, biyo itoobiya looga soo jiiday, iyo kaabayaal kale—iyo sidoo kale saldhigga millatari ee Shiinaha.
Gunaanad
Hoos-u-dhaca maalgashiga Shiinaha ee Afrika ma aha ka bixitaan, balse waa isbeddel istiraatiiji ah. Dalalka Afrika waxay hadda wajahayaan xaqiiqo cusub: daymihii waaweynaa ee fudud la heli jiray way yaraadeen, tartankii quwadahana wuu sii adkaaday. Su’aasha taagan maanta waa: Afrika ma ka faa’iidaysan doontaa casharradii la bartay, mise waxay ku celin doontaa ku-tiirsanaantii hore?



