top of page

Somaliland oo Maraykanka U Bandhigtay Macdanta iyo Saldhigyo Ciidan

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in Hargeysa ay Maraykanka u diyaarsan tahay inay siiso marin gaar ah oo macdaneed iyo saldhigyo ciidan oo xeebaha ah, xilli Washington ay ka raadinayso Afrika kheyraad istaraatiiji ah. Hadalkan ayaa ku soo beegmaya mowqifyo muujinaya danayn sii kordhaysa oo Maraykan ah oo ku wajahan Somaliland.


Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Cabdi Xuseen, ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee AFP ku sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay Maraykanka siiso fursad gaar ah oo uu ku helo macdanaha qaaliga ah ee ku jira gudaha dalka, isla markaana ay u oggolaato saldhigyo ciidan oo laga hirgeliyo xeebaha muhiimka ah ee Somaliland.


Somaliland Presidency Minister and Donald Trump and Minerals
“Waxaan diyaar u nahay inaan si gaar ah ugu oggolaanno Maraykanka helitaanka macdanahayaga. Sidoo kale, waxaan u furan nahay inaan u bandhigno saldhigyo ciidan,” ayuu yiri wasiir Khadar.

Hadalkan ayaa imanaya xilli Maraykanku uu si xooggan uga raadinayo Afrika macdano istaraatiiji ah sida lithium, cobalt iyo macdano kale oo muhiim u ah tiknoolajiyadda casriga ah iyo warshadaha difaaca. Somaliland, oo leh kheyraad dabiici ah oo weli si buuxda loo sahmin, waxay isku dayaysaa inay ka faa’iidaysato loollanka quwadaha waaweyn.


Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa dhawaan isna sheegay in Somaliland ay haysato khayraad dabiici ah oo ballaadhan, isla markaana ay la wadaagi doonto cid kasta oo diyaar u ah inay siiso aqoonsi caalami ah ama ula dhaqanto dawlad madax bannaan.


Dhanka kale, Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Tibor P. Nagy, ayaa wareysi uu siiyay Al Jazeera ku sheegay in Maraykanku uu si weyn u danaynayo Somaliland, isaga oo tilmaamay in Washington ay ka niyad jabsantay xaaladda Soomaaliya.


Isku darka kheyraadka dabiiciga ah, goobta istaraatiijiga ah ee Badda Cas, iyo xasilloonida amni ee Somaliland ayaa ka dhigaya meel soo jiidan karta indhaha Washington. Su’aashu waxay tahay in bandhiggan kheyraad iyo saldhigyo ciidan uu u beddeli karo Hargeysa guul diblomaasiyadeed oo horseedda aqoonsi rasmi ah, mise uu noqon doono tallaabo cusub oo loollan juquraafi-siyaasadeed ka dhex hurisa gobolka.


bottom of page