top of page

Falanqaynta Xukunkii Lagu Laalay Doorashadii Galmudug

Dukumeenti ka kooban 23 bog oo ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya August 24, 2026, ma aha oo keliya xukun garsoor oo soo afjaray muran doorasho. Waa baadhitaan iyo jeex-jeexid sharci oo salka u dhacday nidaamkii doorasho ee fashilmay, waana diiwaan taariikhi ah oo iftiiminaya isku-dhaca u dhexeeya degdegsiimaha siyaasadda iyo qunyar-socodnimada sharciga.


Go'aanka ay ku saxeexan yihiin Guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed iyo afar garsoore oo kale, kaas oo gabi ahaanba laalay natiijadii doorashooyinkii isku-sidkanaa ee Galmudug ee dhacay July 30, 2026, ayaa dhaliyay doodo iyo su'aalo miisaan culus. Miyaay tani tahay curashadii madaxbannaanida garsoorka Soomaaliya, mise waa xeelad siyaasadeed oo si xariifnimo ah loo soo agaasimay si xalaalayn caalami ah loogu raadiyo hannaanka doorashooyinka qof iyo codka ah ee muranku ka taagan yahay?


Inside the 23-Page Ruling: Why Somalia's Supreme Court Struck Down Galmudug Elections | Gallaydh.com

Falanqayntan qotada dheer waxa aynu ku eegaynaa nuxurka galdaloolooyinkii sharciga ahaa ee ay Maxkamaddu daaha ka rogtay, difaacii jilcanaa ee Guddiga Doorashooyinka, iyo saamaynta xeel-dheer ee xukunkani ku yeelan doono mustaqbalka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Burinta Jadwalkii Guddiga

Nuxurka asbaabaha ay Urur Siyaasadeedka Towfiiq u cuskadeen dacwaddooda, isla markaana ay Maxkamaddu si buuxda ugu qanacday, ayaa salka ku haya in Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha uu u dhaqmay sidii hay'ad ka sarraysa sharciga dalka.


Sharciga Doorashooyinka Qaranku waxa uu bixinayaa jadwal adag oo damaanad qaadaya daahfurnaanta tartanka. Qodobka 18aad waxa uu farayaa in maalinta doorashada la cayimo 90 maalmood ka hor. Qodobka 42aad waxa uu dhigayaa in liiska musharaxiinta la soo gudbiyo 120 maalmood ka hor. Qodobka 45aad waxa uu xeerinayaa in ololaha doorashadu uu socdo 45 maalmood. Sidoo kale, Qodobka 34aad waxa uu waajibinayaa in liiska kama-dambaysta ah ee codbixiyeyaasha la shaaciyo ugu yaraan hal bil ka hor maalinta codaynta.

Sida ku cad xukunka Maxkamadda, Guddigu dhammaan shuruucdaas waa uu iska indha-tiray. Geeddi-socodkii doorashada oo dhan, laga soo bilaabo diiwaangelinta ilaa codaynta, waxa lagu soo koobay 28 maalmood oo keliya. Maxkamaddu waxa ay iftiimisay arrin layaab leh oo ah in Guddigu uu qirtay in diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay ka socotay laba magaalo July 28, 2026, taas oo ahayd maalin keliya ka hor maalintii doorashada. Tani waxa ay si cad u muujinaysaa in aanay jirin fursad lagu hubiyo liiska codbixiyeyaasha, waxaanay shacabka ka hor-istaagtay xaqa ay u lahaayeen in ay qiimeeyaan barnaamijyada xisbiyada iyo musharaxiinta ay dooranayaan.


Falsafadda garsoor ee ugu weynaa xukunkan waxa ay ku soo ururtay hal sadar oo dahabi ah oo ku qoran bogga 21aad ee xukunka, kaas oo u dhigan: "Doorashadu ma aha dhacdo hal mar ah; waa geeddi-socod ka bilaabma diiwaangelinta... ilaa ku dhawaaqista natiijada." Weedhani waxa ay si toos ah meesha uga saaraysaa dhaqanka guracan ee ah in maalinta sanaaduuqda la dhigo un loo aqoonsado "doorasho."

Difaacii Jilcanaa iyo Ku-tacadiga Awoodda Sharci (Ultra Vires)

Difaacii uu Guddiga Doorashooyinku la yimid madasha garsoorka ayaa ahaa mid muujinaya jahawareer maamul iyo fahan-darro xagga sharciga ah. Guddigu waxa uu ku dooday in Qodobada 34aad iyo 42aad ee Sharciga Doorashooyinku ay is-khilaafsan yihiin, sidaas darteedna uu Guddigu si madaxbannaan u soo saaray xeer-nidaamiye uu ku laalay muddadii 120ka maalmood ahayd ee soo gudbinta musharaxiinta.


Halkan waxa ka dhashay cashar sharci oo aad u culus. Maxkamaddu waxa ay si adag ugu sheegtay Guddiga in awooddoodu ay ku kooban tahay fulinta sharciga, balse aanay haba yaraatee lahayn awood ay ku beddelaan ama ku buriyaan sharci uu baarlamaanku dejiyay. Guddigu ma laha awood sharci-dejin, xeer-nidaamiyaha ay soo saareenna waa mid aan wax raad sharci ah lahayn (null and void). Guddigu waxa uu is-geliyay awood aanu lahayn (Ultra Vires), taas oo garsoorku u arkay xad-gudub toos ah oo ka dhan ah sarreynta iyo talinta sharciga.


Intaas waxa dheer, Guddigu waxa uu caddaymo ahaan u keenay sawirro laga qaaday shirar ay la yeesheen ururrada bishii Febraayo 2026 iyo fariimo email ah, iyaga oo ku andacoonaya in ay ahayd "wargelin." Maxkamaddu si aqooni ku dheehan tahay ayay u diiday daliilkaas, iyada oo xustay in jadwalka doorashadu aanu ahayn sheeko-goobeed ama kulan aan rasmi ahayn, balse uu yahay wareegtooyin rasmi ah oo leh muddooyin sharci ah oo sugan.

Xad-gudub Dastuuri ah, ee Maaha Xal-farsamo oo La Sixi Karo

Mid ka mid ah qodobada loogu jecel yahay xukunkan waa sida Maxkamaddu u ganaf-ku-dhufatay marmarsiiyaha loo yaqaano "khaladaad farsamo." Guddigu waxa uu isku dayay in uu yareeyo baaxadda musuqmaasuqa iyo is-daba-marinta dhacday July 30, 2026, iyaga oo ku doodaya in sanduuqyo laba maalmood goobaha yaallay iyo goobo la xidhay ay ahaayeen uun cillado yaryar oo aan wax u dhimayn guud ahaan natiijada.


Maxkamadda Sare si geesinimo leh ayay arrintaas u waajahday. Waxa ay xukuntay in cilladaha dhacay aanay ahayn kuwo farsamo, balse ay yihiin xad-gudubyo taabanaya mabaadi'da aasaasiga ah ee dastuurka. Marka ay meesha ka baxdo hufnaantu, marka wakiillada ururrada dibadda loo saaro, marka liiska codbixiyeyaasha la waayo, natiijadu ma noqoto mid dhiman, balse waxay noqotaa mid gabi ahaanba xaaraan ah oo aan sifo sharci ah ku fadhin. Garsoorku waxa uu farriin adag u diray xukuumadda taas oo ah in doorasho lagu degdegay oo sharciga baalmarsani ay ka khatar badan tahay doorasho aan dhicin.

Madaxbannaani Garsoor Mise Dhalanteed Siyaasadeed oo La Soo Abaabulay?

Xagasha ugu muhiimsan falanqayntan waa macnaha siyaasadeed ee ku duugan xukunkan taariikhiga ah. Dadka u dhuundaloola arrimaha sharcigu waxa ay xukunkan u arkaan ifafaale rajo leh oo muujinaya in Maxkamadda Sare ay ugu dambayn yeelatay ilko ay wax ku qaniinto iyo madaxbannaani ay ku diidi karto rabitaanka fulinta. In la laalo doorasho uu guul aqlabiyad ah (63 kursi) ku soo hooyay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ah xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ma aha arrin yar. Waa tallaabo tusinaysa in garsoorku u madaxbannaan yahay shaqadiisa.


Hase yeeshee, marka si qoto-dheer loo eego masraxa siyaasadda ee Soomaaliya, waxa soo baxaya aragti kale oo taasi liddi ku ah. Doorashadan Galmudug waxa gabi ahaanba qaadacay dhammaan xisbiyada mucaaradka ee waaweyn, gaar ahaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku midaysan yihiin siyaasiyiin miisaan culus leh, iyo sidoo kale dawlad-goboleedyada qaarkood. Sidaas darteed, doorashadani waxa ay u ekayd tartan hal dhinac ah oo aan lahayn sharciyad qaran ama oggolaansho bulsho.


In Maxkamaddu ay doorashadaas tirtirto waxa ay Xukuumadda Federaalka siinaysaa hub diblomaasiyadeed oo aad u xooggan. Waxay beesha caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha tusinaysaa in nidaamka dawladnimada Soomaaliya uu si hufan u shaqaynayo, isla markaana ay leeyihiin maxkamad dhexdhexaad ah oo awood u leh in ay xakamayso xukuumadda. Ficilkan oo u muuqda mid dawladda dhaawacaya ayaa dhab ahaan u noqon kara mid xalaalaynaya nidaamka qof iyo codka ah ee dawladdu waddo. Waxay u muuqataa fariin siyaasadeed oo odhanaysa: "Nidaamku wuu daahfuran yahay, haddii wax khaldamaanna maxkamadaha ayaa xallinaya, ee mucaaradku yeynan qaadacin doorashooyinka xiga."

Ka-hortagga Firaaq Awoodeed iyo Ilaalinta Danta Guud

Dhinaca kale, Maxkamaddu waxa ay qaadatay go'aan muujinaya bisayl iyo masuuliyad dawladnimo markii ay amartay in hay'adaha hadda jira ee Galmudug ay sii hayaan xilalkooda inta laga helayo goleyaal cusub oo si sharci ah lagu soo doortay. Haddii Maxkamaddu amri lahayd in maamulka la kala diro, waxa dhici lahaa firaaq awoodeed oo halis weyn ku ah amniga iyo xasilloonida Galmudug, kaas oo ay ka faa'iidaysan kareen kooxaha cadowga ku ah nabadda. Go'aankani waxa uu isku dheellitiray ilaalinta sharciga iyo dhowrista danta guud ee qaranka.

Garsoorku Wuu Hadlay, Balse Waa Maxay Tallaabada Xigta?

Xukunkii MSF/DD/1/2026 ee soo baxay August 24, 2026, waa dhigane taariikhi ah oo mustaqbalka lagu baran karo kulliyadaha sharciga ee dalka. Waxa uu burburiyay is-maamulkii aan sharciga ku dhisnayn ee Guddiga Doorashooyinka, waxaanu dhidibada u taagay mabda'a ah in shuruucda doorashooyinku ay yihiin kuwo amraya (mandatory) ee aanay ahayn kuwo la iska indha-tiri karo ama la qalloocin karo.


Si kastaba ha ahaatee, tijaabada dhabta ahi ma aha waraaqda xukunka, balse waa hirgelintiisa. Guddiga Doorashooyinka oo kalsoonidiisii aad u dhaawacantay, miyuu awood u leeyahay in uu muddo gaaban gudaheed ku qabto doorasho ku-celis ah oo ka madhan galdaloolooyinkii hore? Mucaaradka diiddan nidaamkan ma lagu qancin doonaa go'aanka maxkamadda si ay miiska ugu soo noqdaan?


Ilaa su'aalahaas jawaabo waafi ah loo helo, xukunka Maxkamadda Sare waxa uu sii ahaan doonaa hub sharci oo si qurux badan loo qoray, balse sugaya in ficil ahaan loogu maamulo dalkii xasaradaha siyaasaddu ay daashadeen.

bottom of page