top of page

Budhcad-Badeedda Soomaaliya oo Ku Soo Noqday Badweynta Hindiya iyo Fursadaha ay u Abuurtay Somaliland

Dib-u-soo-nooleynta falalka budhcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya ayaa mar kale adduunka soo xusuusisay xilligii cabsida badda ee dabayaaqadii 2000-meeyadii, markaas oo biyaha Geeska Afrika ay ahaayeen kuwa ugu halista badan adduunka. Todobaadkan oo kaliya, ugu yaraan afar markab ayaa lagu qafaashay badweynta Hindiya, taas oo muujinaysa inay jirto abaabul cusub, qalabaysan, oo ujeeddooyin cad-cad leh, islamarkaana ka faa'iidaysanaya xasaradaha caalamiga ah ee barbar socda.


Korodhkan degdegga ah ee falalka budhcad-badeeddu kuma xidhna oo keliya xaaladaha maxalliga ah ee gudaha Soomaaliya, balse waxa uu si toos ah ula falgalaa jahawareerka ka taagan Badda Cas, Marinka Baabul-Mandab, iyo Ceejinta Marinka Hormuz. Xaaladdan cakiran ayaa ah mid dhibaato weyn ku ah maraakiibta caalamiga ah, balse sidoo kale ah fursad dahabi ah oo la isku weydaarsan karo dano juquraafi-siyaasadeed, gaar ahaan Jamhuuriyadda Somaliland oo xilligan doonaysa aqoonsi caalami ah iyo saldhigyo difaac.


the 2026 resurgence of Somali piracy in the Indian Ocean.

Mawjadda Cusub ee Qafaalka: Shaxda Weerarada

Sida ay xaqiijisay Hay'adda Badbaadada Badaha ee Ingiriiska (UKMTO) iyo Xarunta Badbaadada Badaha ee Midowga Yurub (MSCIO), afar weel oo isugu jira maraakiib waaweyn iyo doonyo kalluumaysi ayaa gacanta u galay kooxaha budhcad-badeedda muddo ka yar toban maalmood gudahood.


Markabkii ugu dambeeyay ee la qafaashay waxa uu ahaa Sward, oo ah markab xambaara sibidhka, kaas oo 13-kii April ka soo baxay dekedda Suez ee Masar, kuna sii jeeday dekedda Mombasa ee dalka Kenya. Markabkan waxa la afduubtay 26-kii April, isaga oo maraya fogaan dhan 6 mayl-badeed u jirta magaalada Garacad ee gobolka Mudug ee hoos taga maamulka Puntland. Markabku waxa uu siday 17 shaqaale ah.


Saacado uun ka dib markii la afduubtay, kooxda budhcad-badeedda ah waxay markabka la aadeen dhanka xeebta, halkaas oo ay ka fuuleen ilaa 20 nin oo aad u hubaysan, oo ay ku jiraan turjubaanno si fiican ugu hadla Ingiriisi iyo Carabi. Tani waxay muujinaysaa in budhcad-badeedda cusubi ay yihiin kuwo abaabulan oo shabakado waaweyn ku leh berriga, taas oo caddayn u ah markii doon yar ay markabka Sward ugu gaysay qaad looga soo iibiyay magaalada Gaalkacyo, taas oo muujinaysa u diyaargarow hawlgal dheer oo madax-furasho doon ah.


Dhacdadan waxa ka horreeyay afduubka Honour 25—markab shidaal oo xambaarsanaa 18,000 oo fuusto oo saliid ah—kaas oo 22-kii April laga qafaashay inta u dhaxaysa Xaafuun iyo Bander Beyla. Markabkan oo ay saaran yihiin 17 shaqaale ah oo u badan u dhashay dalalka Eeshiya, ayaa ah bartilmaameed weyn oo kooxuhu doonayaan in ay lacago madax-furasho ah kaga qaataan shirkadaha iska leh.

Maxaa Dib U Soo Kiciyay Budhcad-Badeedda Hadda?

Jethro Norman, oo ah cilmi-baadhe sare oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Caalamiga ah ee Danmark, ayaa tilmaamay sababta ugu weyn ee ay u soo rogaal-celiyeen budhcad-badeeddu: Fursadaha ka dhashay jeedinta dareenka ciidamada badda.


Sidii aynu wada ognahay, maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen iyo go'doominta Iiraan ee Marinka Hormuz ayaa sababtay in maraakiibtii dagaalka ee isbahaysiga reer galbeedka laga raro biyaha Soomaaliya oo loo weeciyo Badda Cas. Tani waxay abuurtay "God Amni" (Security Vacuum) xeebaha Geeska Afrika ah. Budhcad-badeedda Soomaaliya—oo weligoodba lahaa isku-xidho qarsoon—ayaa ka faa'iidaystay faaruqinta badda.


"Shabakadaha budhcad-badeeddu mar kale ayay tijaabinayaan biyaha, waxayna aad uga qalab wanaagsan yihiin jiilkii hore," ayuu yidhi Norman. "Adeegsiga GPS-ka, isgaadhsiinta satalaytka (Satellite Communications), iyo doonyaha waaweyn ee (Motherships) ayaa u suurtageliya inay ka hawlgalaan boqollaal mayl xeebta badda ka durugsan."


Dhanka kale, awoodda ciidamada badda ee Puntland, oo mar ahaa laf-dhabarta la dagaalanka budhcad-badeedda berriga, ayaa hoos u dhacday dhibaatooyin dhaqaale iyo xasarado siyaasadeed dartood, taas oo u sahashay in dhallinyaro badani ay dib u qaataan hubka badda. Baanka Adduunka ayaa hore u sheegay in intii u dhaxaysay 2005 ilaa 2012 ay budhcad-badeeddu heleen madax-furasho lagu qiyaasay $339 ilaa $413 milyan oo doollar; lacagtaas ayaa ah midda weli xanbaarsan tusaale dhallinyarada ku nool xeebaha faqrigu dilooday.

Fursadaha Juquraafi-Siyaasadeed ee Somaliland

Inkasta oo xaaladdani ay masiibo ku tahay adduunka, soo noqoshada budhcad-badeedda, oo lagu daray xiisadda Badda Cas iyo go'doominta Marinka Hormuz, ayaa Somaliland siinaysa fursad juquraafi-siyaasadeed oo aan hore loo arag.


Xeebta dheer ee Somaliland oo dhererkeedu dhanyahay in ka badan 850km, gaar ahaan magaalada istaraatiijiga ah ee Berbera, waxay ku taal afaafka hore ee marinka Baabul-Mandab iyo Gacanka Cadan. Dalalka leh danaha caalamiga ah ee sida xooggan ugu xidhan badbaadada maraakiibta—sida Maraykanka, Ingiriiska, Hindiya iyo dalalka Midowga Yurub—ayaa si weyn ugu baahan saldhigyo difaac oo deggan si ay uga hawlgalaan ilaalinta badweynta.


Magaalada Jabuuti oo ah xarunta kaliya ee hadda leh saldhigyo reer galbeed ayaa u muuqata mid cidhiidhi gashay, balse Somaliland—oo muujisay in dhulkeedu ka madax-bannaan yahay afduub, argagixiso iyo budhcad-badeednimo—waxay bixin kartaa badalka ugu habboon ee xasillooni looga dhisi karo mashaariic milatari oo ilaaliya badweynta Hindiya.


Baahidan degdegga ah ee adduunka ayaa dardar gelin karta dalabka Somaliland ee aqoonsiga, ama ugu yaraan heshiisyo difaac oo laba-geesood ah oo kor u qaadaya tayada ciidanka badda ee Somaliland. Hadal-haynta ah in la abuuro saldhigyo maraakiibta iyo is-afgarad (MoU) lala saxeexdo quwadaha adduunku waxay u fududaanaysaa sidii hore, maadaama dalalkani ay haatan raadinayaan cid si toos ah oo madax-bannaan gacanta ugu haysa amni dejinta xeebaha.

Mustaqbalka iyo Xalka

Hay'adaha badda ee caalamiga ah waxay ku tilmaameen xaaladdan mid ah mid u baahan digniin sarreysa (High Alert). Waa hubaal in cimilada hadda ee baddu ay u saamaxayso in doonyaha yaryari ay si xawli ah u socdaan. Sidaas darteed, kooxaha budhcad-badeedda ayaa la filayaa in ay weerarro hor leh qaadaan toddobaadyada soo socda, gaar ahaan 150 mayl-badeed u jirta xeebaha u dhexeeya Muqdisho iyo Xaafuun.


Dhacdadan waxay markhaati u tahay xaqiiqada dhabta ah ee adduunka: Mar kasta oo la wiiqo difaaca aag, aag kale ayay ka dillaacdaa xasaradi. Waxay sidoo kale caddaynaysaa in budhcad-badeedda Soomaaliya aysan weligood dabar go'in, balse ay sugaayeen uun xilliga ugu habboon ee ay dib ugu soo laaban lahaayeen masraxa caalamiga ah, xilli ishiisu ay ku mashquulsan tahay dagaallo kale.

bottom of page